SHIRKA JAALIYADA MAAKHIR, KASOO QEYB GAL WACAN OO WANAAGSAN
Waxaa dhamaan la xusuusinayaa xubnaha Jaaliyada Maakhir ee carga Ingiriiska iney si buuxda uga soo qeyb galaan shirka berito oo ku beegan 3-4-2010 oo ah maalin sabti ah ka dhici doono insha allah magaalada London ee xarunta dalka Boqortooyada Ingiriiska.
Ha mooganina SHirkan aayo ka tashi iyadoo ay daruuri tahey in ey jaaliyadu ka shiraan arimahooda iyo aayahooda gaarka ah iyadoo la wada ogsoon yahay inuusan wax shir ahi u qabsoomin jaaliyada tan iyo mudo dheer.
Xubnaha jaaliyada Maakhir, rag iyo Dumarba, Dhalinyaro iyo cirooleba, Hooyo iyo gabadhba, Siyaasi iyo Wadaadba, Ganacsade iyo Shaqaaleba waxaa si weyn loo xusuusinayaa in lagu jiro 2010 isla markaana Deegaanadoodi oo ka kooban Sanaag, Bari, Haylaan iyo Jubooyinkaba uu horumarku ku yar yahay, lakala yaacsan yahay isla markaana daruuri tahey in boodhka dib la isaga jafo oo laga kaco hurdada.
Jaaliyada Maakhir ee UK waa laf dhabarka horumarka deegaanada aanu ko kusoo xusney iyadoo ay jaaliyadu door weyn ka cayaartey mashaariic fara badan oo qaarkood si wanaagsan u hirgaleen sida Cisbitaalka Degmada Badhan, Geeldoora oo la sameeyey, Iskuulada Deegaanada isla markaana ubad iyo dad badaniba ku bad baadeen.
Waxyaabaha Jaaliyada hor yaala waxa ugu weyn;
•In Goboladii aysan ka jirin Maamulo adag iyo gole deegaanyo ayna daruuri tahey iney jaaliyadu ka qeyb qaataan talo bixinta sidii maamulada loo adkeyn lahaa oo loo xoojin lahaa
•Kala maqnaasho dheer iyo baahi jirta iney jaaliyadu dib isu aragto si la isu wareysto.
•Abaaro daba joog ah oo khaasatan Gobolka Sanaag iyo xeebtiisa ku dhiftey oo ay mudan tahey sidii looga hor tegi lahaa waxyeeaha abaarahaasi.
•Ka qeyb galka sidii looga qeyb qaadan lahaa Machadka Iqra Institute oo u dhigma Jaamacad hadana hawshiisa la wado.
•Xaalufinta Deegaanka oo dhinac Koonfur Galbeed iyo soolasha Gobolka ay dib uga bilaabeen dad aan u dhalan Deegaanka
•Iyo Arimo badan oo kale oo aan halka lagu soo koobi kareyn.
Hadaba si arimahaas oo idil boodhka looga jafo loogana qeyb qaato qaab fikir iyo qaab wax qabadba waa daruuri in laga soo qeyb galo shirkaan
Shirku goobta iyo wakhtiga uu dhacayo waa:
Maalinta: Sabtida
Taariikhda: 3/4/2010
Saacaduna: 14:00 ilaa iyo 19:00
Goobta uu Shirku ka Dhici Doono
78 white city close
White city W12 7
Wixi Faahfahin ah kala xidhidh
http://hadaaftimo.com/index.php?option= ... latest-new
SHIRKA JAALIYADA MAAKHIR, KASOO QEYB GAL WACAN OO WANAAGSAN
Moderator: Junior Moderators
-
oldenglish
- SomaliNet Super

- Posts: 5673
- Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
- Location: The Kingdom of Maakhir Coast
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 737 Views
-
Last post by ultimatenemsis
-
- 1 Replies
- 415 Views
-
Last post by kismayogedojubaland
-
- 1 Replies
- 6851 Views
-
Last post by xiimaaya
-
- 4 Replies
- 678 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 207 Replies
- 21108 Views
-
Last post by BestPlaya
-
- 0 Replies
- 12725 Views
-
Last post by xiimaaya
-
- 0 Replies
- 12605 Views
-
Last post by xiimaaya
-
- 0 Replies
- 472 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 933 Views
-
Last post by mashallahbro
-
- 0 Replies
- 4676 Views
-
Last post by mashallahbro