Mogadishu Saturday 3 April 2010 SMC
Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay in gudaha dalka Soomaaliya ay ku marti qaadayaan hadii ay u suuragasho hogaamiyaha Ururka Al Qaacida Sheekh Usaama Bin Laadin.
Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo ah gudoomiyaha maamulka Xisbul Islaam ee gobalka Banaadir oo Galabta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay amaro ku wajahan dhamaan idaacadaha madaxa banaan ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho oo kasoo baxay maamulka Ururka Xisbul Islaam.
Gudoomiyaha Xisbul Islaam ee gobolka Banaadir Maclin Xaashi ayaa sheegay in ay soo saareen amaro kuwajahan warbaahinta kuwaasoo ah in aysan dagaaliyahanada shisheeye u isticmaalin ereyga ajaanib ayna iyaga ajaanib u aqoonsanyihiin ciidamada AMISOM ee garabka siiya dowlada KMG ee Soomaaliya.
Hadalkiisa ayaa waxa uu sii raaciyay in dalka Soomaaliya uu u fasaxanyahay cid waliba oo jihaadeysa sida uu yiri ayna iyaga ku casuumayaan Soomaaliya hogaamiyaha Al qaacida Usaama Bin Laadan hadii ay awooda u saaxmaxdo, isagoo ugu baaqay dhamaan dagaalyahanada Caalamka in cidii aan Soomaaliya awood u laheyn in ay timaado ay tagaan dalalka kale ee caalamka.
Macalin Xaashi ayaa dhinaca kale sheegay in uu jiro amar labaad oo ku wajahan warbaahinta kaasoo ah in Idaacadaha looga baahanyahay in ay joojiyaan dhamaan heesaha iyo muusigyada in ku siman 10 maalmood, isagoo sheegay in arintaan ay qeylo dhaan ka keeni doonaan warbaahinta caalamka balse aysan iyagu dheg u dhigi doonin, waxana uu hadalkiisa sii raaciyay in idaacadii aan amarkaas ku fulin maalmaha la siiyo ay talaabo cad oo aan leex leexad laheyn ka qaadi doonaan.
Mar wax laga weydiiyay sida ay arintaan ugu fulinayaan idaacadaha ka howlgala goobaha ay gacanta ku hayso dowlada KMG uu sheegay Gudoomiyaha Xisbul Islaam ee gobalka Banaadir in Idaacadii aan qaadan amarkooda ay meesheeda ugu tagayaan isagoo dhinaca kalana sheegay in idaacada Radio Muqdisho oo ku hadasha afka dowladda KMG ay awalba kula jirtay dagaal dhinaca afka oo aan kayareyn madaafiic culculus. Source: Shabelle
Somaliweyn Media Center

he has true worshippers in somalia


