update on the findings of the sufi grave's
Posted: Sun Apr 04, 2010 5:44 am
Xarakada Al- Shabaab oo todobaadyadii ugu dambeyeey howlgalo lugu burburinayo qabuuraha ku dhex yaala meelaha ay dadku joogaan, qaarkoodna la sheegay in ay dad ka barakeysan jireen, ayaa soo dhameysay howshaas, oo keentay dodo xoog leh oo dad badan ka hadalsiisay.
Kulan balaaran oo ay ka qeybgaleen Wariyaal badan luguna qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa lugu soo bandhigay waxyaabo cajab galiyey dad badan oo Soomaaliyeed, iyadoo ay ka mid yihiin Sanduuqyo ka sameysan Alwaax oo la sheegay in uu ku jiray gudaha qabriyada qaarkood,waxyaabo laga sameeyey dhagxaan oo laga matalay meel ka mid ah jirka aadanaha iyo sawiro ay iskula sawiran yihiin dadka dhintay qaarkood iyo dadka Ajnabi ah.
Madaxa ladagaalanka Shirkiyaadka ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Siciid Karataay ayaa shaaca ka qaaday in ay hada dhameeyeen wajigii koowaad ee howshan, isla markaasna ay wadi doonaan oo ay wajihi doonaan meelo kala gedisan.
Sheekh Siciid wuxuu sheegay in howsha ay wadeen ee ay dad badan ka hadleen, ay tahay suulinta waxyaabaha ka soo horjeeda Shareecada Islaamka, isagoo ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeedna in ay ku dhaqmaan Shareecadooda, oo aysan cid kale oo aan Alle weyne aheyn talo saran.
Madaxa Ladagaalanka Shirkiyaadka wuxuu kaloo shaciyey in mudadii ay howshan wadeen ay arkeen waxyaabo la yabeen oo ahayd in la yiraahdo, shareecadii ayaa lugu xadgudbay iyo hadalo uu sheegay in ay ka yimaadeen dadka diinta Islaamka yaqaana oo uu sheegay in uusan garan Karin meel ay wax ka fiiriyeen.
Sheekh Siciid wuxuu balan ku qaaday in aysan marnaba soo dhaweysan doonin cid kasta oo caabuda wax Alle ka sokeeya, isla markaasna ay dagaal adag lagali doonaan cid kasta oo rumeysan arrintaasi, wuxuuna tibaaxay in ay hada udhaqaaqi doonaan wajiga labaad ee howshan.
Alle weyne wax ka sokeeye oo la caabuda ayaa ah dambi weyn, oo looga tagay Diinta Islaamka, waxa ayna Al- Shabaab sheegeen in aysan taasi cidna uga dulqaadan doonin oo ay sameyn doonaan talaabo kasta oo ay ku baajin doonaan.
Culumo badan oo Soomaaliyeed ayaa ka hadashay waxyaabaha ay Shareecada Islaamku ka aaminsan tahay qabuuraha qaarkood oo laga dhiso Guryo iyo dad aan ka dheeraan, tasoo ay Shareecadu meel cad iska taagtay.
Sheekh C/qaadir Muumin oo ka mid ah culumada waa weyn ee Soomaaliya oo qabtay muxaadaro dheer oo looga hadlayay arrimahaasi, ayaa muujiyey in aysan meelna kaga oolin diinta Islaamka dhisme loo sameeyo qabri iyo talo saarasho toona oo ay tahay diin ka bax weyn.