The official 6 April SNM threat 2010
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
The official 6 April SNM threat 2010
6da bisha april 2010 oo ku beegan maalintii lagu dhawaaqay ururkii snm/jsl.

--------------------------------------------------------------------------------
29 Sanadood ayaa hadda (April 2010) laga joogaa markii lagu dhawaaqay Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Somaliyeed (SNM), 6dii April 1981, Magaalada London. Waxa uu ahaa ururkii 2aad ee mucaarid hubaysan ah ee saaxadda ku soo biira. By. Maxamed Baashe Xaaji Xasan.
SNM: Taariikhdu Dadkay Hagtaa!
"Wixii libtooyo ama guulo halgankii SNM ka biqlay maxsuul ahaan dadka (Somaliland) waa u dhex oo maanta iyo berrito toonna lama kala sheegan karo, taariikh ahaan se gadood dhacayba goobtiisa ayuu lahaa, berritona yeelanayaa...."
Soddon sannadood oo mid la' ayaa hadda (April 2010) laga joogaa markii lagu dhawaaqay Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Somaliyeed (SNM), 6dii April 1981, magaalada London. Waxa uu ahaa ururkii labaad ee mucaarid hubaysan ah ee saaxadda ku soo biira. Jabhaddii Dimoqraadiga Badbaadinta Soomaaliyeed (SSDF) oo fadhigeedu ahaa Addis-ababa ayaa ka horraysey.
Bilowgii Aasaaska iyo Dareennadii ka Dhashay
SNM aasaaskeedu waxa uu ka soo unkamay dibedda, siiba waddamada Khaliijka Carbeed, gaar ahaan waddanka Boqortooyada Sacuudi Areebiya iyo waddanka Ingriiska. Koox ka mid ahayd dad hore waddanka uga haajirey, una cuntami waydey siyaasaddii Kacaanka iyo qaarkood tii dawladihii rayadka ahaa ee ka horreeyeyba, ayaa ahayd ibo-furkii muuqdey ee aasaaska SNM. Gudaha laftiisa dareenkaas dad la wadaagaa iyana si qarsoodi ah ayay uga jireen.
Sheekh Yuusuf Sheekh Cali Sh Madar (AHUN), Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Aadan Wadaad-diid (AHUN), Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi, AHUN), Prof Cabdisalaam Yaasiin Maxamed, Axmed Maxamed Jaamac (Dable) iyo Axmed Maxamed (Seyidi) ayaa ka mid ahaa hormuudkii Khaliijka ka hinqaday ee hillaabta ka qaaday dareenkoodii geesinnimo ee mucaaridnimada hubaysan ahaa. Suurta gal ma ahayn in Sacuudiga urur dabeecaddaas leh laga dhisaa ama lagaga dhawaaqaa. Sidaas darteed ayay kooxdaasi inta ay dhigeen wixii ay gacanta ku hayeen ugu hulleeleen waddanka Boqortooyada Ingriiska, iyaga iyo koox kale oo halkaas sii joogteyna sannadkaas SNM ugaga dhawaaqeen.
Xilligii Wadaaddada (April 1981 - March 1983)
Xasan Ciise Jaamac iyo Axmed Jimcaale (AHUN) ayaa ka mid ahaa ragga kale ee kooxdaas London kaga biiray. Guddoomiyihii koowaad ee SNM waxa loo doortay Axmed Jimcaale oo xilka hayey muddo gaaban.
Ku dhawaaqaas SNM wax weyn ayuu ka beedelay siyaasaddii dalka, waxaana abuurmay xiisad iyo jawi tuhunno siyaasadeed iyo qaar qabali ah huwanaa oo kala gurasho iyo xeelado dahsoonba lahaa.
Dabayaaqadii sannadkaas 1981 waxa xabsiyada loo taxaabay dhallinyadii UFFO magaalada Hargeysa, waxaana taas raacay gadoodkii caanka ahaa ee ardayeed ee magaalada Hargeysa ee maalintii 20ka February iyo dhawrkii cisho ee ku lammaanaa ee sannadkii 1982. Waxa kordhay oo baallaha fidsaday cadaadiskii maamulayaasha talisku dadka ku hayeen. 1dii May 1982 waxa magaalada Burco ka dhacay muddaharaadyo ka dab-qaadanayey kuwaas Hargeysa ka qarxaday. Muddo ka dibna waxa la xidhxidhay xubno ka mid ah dawladdii M S Barre, ayna ka mid ahaayeen Ismaciil Cali Abokor, Cumar Carte Qaalib, Maxamed Sh. Aadan iyo dad kale oo badan oo isugu jira saraakiil ciidammo iyo shibilba leh, iyo wax-garad kala duwan oo ka soo jeeda Gobolladii hore ee Waqooyi.
Tuulada Dharkayn-geeye ee Degmada Buuhoodle waxa maxkamad milateri badhka taagtay oo si foolxun loogu toogtay Col. Cabdillaahi X. Siciid Cabdi (AHUN) oo ka mid ahaa saraakiishii ugu qiimaha badnayd XDS, taas oo dareen weyn ku dhalisay oo dhiillo gelisey saraakiil badan oo ka soo jeeddey gobolladii hore ee waqooyi.
Bilowgii Xidhiidhka Itoobiya
Saraakiishii ugu horraysay ayaa ka gudubtey xuduudda oo u tallowday dhanka Itoobiya.
Maxamed Cali Faarax (AHUN) iyo Jabhaddii Afraad ayaa ka xidhiidh furtay ciidamadii Somaliya. Aadan Sh. Maxamed (Aadan Shiine, AHUN), Axmed Dhagax (AHUN) iyo Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka goostay saraakiishii ciidamada. Dawladdii Itoobiya ayaa saraakiishaas u soo jeedisey in ay ku biiraan SSDF oo saldhigyadeeda ciidameed daadsanaayeen soohdinta u dhaxaysa labada waddan min Goraya-cawl oo galbeedka Hargeysa ku qumman ilaa koonfurta shishe ee Somaliya.
Saraakiishaasi waxa ay diidmo ku qaaddeceen codsigii Itoobiyaanka, waxanay u sheegeen in ay ka mid yihiin Ururka SNM oo markaas fadhigiisu ahaa London. Halkaas waxa ka bilaabmay digorogashadii maamulka ee SNM uu Itoobiya ugu soo guurey. Markii ay SNM hoggaankeedu Addis-ababa ka soo degey. Waxa dawladdii Mingiste Hailu Mariam oo tixgelinaysa culays kaga imanayey dibedda, gaar ahaan, Yemen iyo Liibiya ay hordhigtay hoggaankii cusbaa ee SNM hindise uu qorshihiisu ahaa in ay la midoobaan SSDF oo lahayd xilligaas xoog ciidameed oo dhisan iyo taageero siyaasadeed oo ay ka haysatey waddamada ay ka mid ahaayeen Itoobiya, Liibiya, Yemen iyo Suuriya.
Hoggaankii SNM waxa uu hindisaha qorshahaasi ku noqday "laf dhuun gashay"! Cunaha ayuu u dhaafi waayey oo wuu liqi kari waayey. Laba arrimood ayaa diidmadaas hoosta ka xarriiqayey. Ta hore, hoggaankaasi markiisii horeba waxa uu dareen quus iyo qoomammo ah ka huwanaa is-raacii Lixdankii ee Somali Waqooyi iyo Ta Koonfureed oo xubnihii sare ee hoggaanku ay u aanaynayeen midowgaas laftiisa wax alle wixii dib u dhac iyo foolxumooyin gobannimo dabadeed waddanka ka dhacay. Sidaas darteed hoggaanku waxa uu bayr ka lahaa, sasna ka qabey oo aan la soo marin karayn magaca Koonfur iyo wax la yeelashadiisaba. Ta labaadna ee taas sii badhitaarayseyna waxa ay ahayd cududdii dhaqaale, ciidameed, iyo awooddii siyaasadeed ee gacanta Col. Cabdillaahi Yuusuf ku urursanayd oo ahayd mid aan wadaagga u jajabnayn oo keli toocsi ku dhisnayd. Hase yeeshee in Somaliland gooni isu taagtaa ma ahayn marna siyaasad u meel taallay qorshe ahaan SNM, waxa se uu ahaa fikir dadka dhex yaalla oo marba sii shiiqayey oo Federal ayaa loogu hadal hayn badnaa, dareenka se gooni-isu-taaggu waxa uu laabta la soo kacay markii dambe ee gumaadka iyo burburka xumi dhaceen, iyo hindisayaashii kooxdii Manafesto ee Muqdisho markii lagu dhawaaqay dawlad haba yaraato'e aan SNM laga talo gelin oo gacan-ku-rimis ah.
Hoggaankii SNM ee Addis-ababa yimi waxa haddaba uu waayihii adkaa ee xilligaas hor yaalley kaga tallaabsaday hal-adaygnimo. Waxa ay xubnihii hoggaanku go'aansadeen in haddii Itoobiyaanku ku jujuubaan wax aanay raalli ka ahayn ay ka tegayaan Itoobiya, waxaanay ka codsadeen in tigidhadoodii dib loogu xajiso, si ay ugu laabtaan halkii ay ka ymaaddeen, taas oo Itoobiyaankii fajiciso iyo la yaab ku noqotay oo aanay ka filayn.
Ciidamadii Afraad ee Maxamed Cali (AHUN) iyo saraakiishii kale ee soo tallowday ee Aadan Shiine (AHUN), Axmed Dhagax (AHUN) iyo Maxamed Kaahin oo xuduudda ku sugnaana hore waxa ay Itoobiyaanka ugu sheegeen iyana in ay SNM ka tirsan yihiin oo aanay SSDF ku biirahayn. Waxa kale oo jiiddaas si habqan ah ugu soo gurmayey oo gudaha ka soo goosanayey saraakiil iyo dad kale oo qubane ah maalin kasta, kuna soo biirayey SNM.
Aqoonsigii ugu Horreeyey
Idii Jan. 1983 waxa ay SNM jebisey jeelkii ugu weynaa gobolladii Waqooyiga ee Mandheera, kana sii daayeen oo soohdinta ka soo tallaabay maxaabiis kor u dhaaftay 700 qof, kuna jireen maxaabiis siyaasadeed. Arrintani waxa ay soo jeedisey indhihii ra'yal caalamka, waxanay SNM-tu ka heshay aqoonsigii ugu weynaa ee siyaasadeed iyo kii milateri ee ugu horreeyey.
Dawladdii martida loo ahaa (Itoobiya) dib ayay uga guratay hakad ahaan hindisihii ku saabsanaa in SNM-tu ay SSDF-ta ku biirto ama la midowdaba. Waana marka la samaynayo isku xidhka hawlgallada guud ee dhanka milateriga labada jabhadood iyo wadaagga Idaacaddii Radio Kulmis oo markaas ka dib la magac baxday Idaacaddii wareegi jirtey ee Codkii Midaysnaa ee Xoogagga Mucaaridka ee Radio Halgan.
Shirweynihii Koowaad ee SNM ayaa Herer ka dhacay March 1983, waxaana Guddoomiye loogu doortay Sh Yuusuf Sh Cali Sh Madar, ku xigeenna Xasan Aadan Wadaad-diid iyo Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi) oo isna noqday Xoghayaha Guud, saddexdaba Alle ha u naxariisto'e.
12-kii April 1983, waxa Birjeex, magaalada Hargeysa, dharaar cad lagala soo baxay Col Cabdillaahi Askar Barkhad oo halkaas laba-dible silsilad ugu yoongaysnaa.
Cadaadiskii iyo bahdilkii General Maxamed Xaashi (Gaanni) oo "Diiriye" looga yaqaannay gobolladii Waqooyi, ayaa cirka isku shareeray oo gaadhey heerkiisii ugu af-yuubnaa. Mawjad dad ah ayaa ku soo jabtay oo ka soo tallowday diillinta soohdineed ee labada waddan, kuna soo sunsumaysey maalin kasta saldhigyadii cusbaa ee SNM.
SNM waxa ay noqotay xoog aan dhayalsi gelin oo siyaasad ahaan iyo xag ciidameed baallaha la kala baxaya oo gobolka ku soo biiray.
Bilowgii Khilaafyada
Kobocaas degdegga lahaa ee SNM waxa la jaanqaadayey oo uu caloosha ku sitey khilaafyo iyo muranno siyaasadeed oo cidhibta ku hayey kala duwanaantii aragtida iyo qabitaannadii feker ee kooxihii kala duwanaa ee SNM isugu yimi, gaar ahaan hoggaankii sare ee dibedda ka yimi iyo dadkii gudaha ka soo baxay, siiba saraakiishii sarsare ee ciidamada iyo waxgaradkii kale ee isna gudaha ka yimi oo qaabili la'aa straatiijayadii hoggaanka oo si qayaxan u gobolaysnayd, lahaydna lifaaqyo iyo dareenno qabali ah oo aad u xoog badan. Taas oo SNM la sii koraysey marxalad iyo amin kastaba. Is-haystayaal la haysto ayaa SNM xilliyada qaarkood lagu masaali karayey oo khilaafyadu gaadhsiiyeen, hase yeeshee mar kasta burbur way ka nabad gelaysey.
Midabada khilaafyadu marba marka ka sii dambeeya waxa ay u sii xuub-siibanayeen dhanka kala baxa, waxaana sii xoogaysanayey aragti hoosta ka xarriiqaysey in hoggaankaas sare ee dibedda ka yimi aanu karti iyo awood u lahayn inuu waajaho oo buuxiyo baahidii dadka ee gudaha ka jirtey iyo siyaasaddii mandaqiga ahayd ee gobolka xagga Somalida iyo dhanka caalamkaba.
Xilligii Saraakiisha (Nov. 1983 - Aug. 1984)
Toban bilood ka dib markii hoggaankii Sh.Yuusuf xilka loo doortay, Nov. 1983, ayaa hoggaankii saddexaad ee SNM xilka lagu wareejiyey magaalada Herer. Hoggaankaas waxa keenada u qabtay saraakiishii ciidamada xag siyaasadeed iyo mid dagaal gelineedba.
Guddoomiye waxa loo doortay 1. Cabdilqaadir Koosaar Cabdi (AHUN), ku xigeenna
2. Aadan Sh Maxamed (Aadan Shiine, AHUN), 1. Maxamed Kaahin Axmedna Xoghaye Guud.
Dhinaca kale waxa dabka kulaalayey oo xeryaha iyo xarumaha SNM-ta dhuxulo dhabataysanayey oo tuurnaa saraakiil laxaad leh oo ku cindanayd hawlaha dagaal gelineed xilligaas ay saraakiishu hoggaanka la wareegeen Nov. 1983. Waxa ka mid ahaa saraakiishii maalintaas goobjoogga ahayd intooda mootan maanta haddii aynu ku horrayno, kana soo bilowno Alle ha u wada naxariisto dhammaantoode: Cabdilqaadir Koosaar iyo Aadan Shiine oo ahaa hoggaankii xilligaas, iyo Xasan Saleebaan-weyne oo isagu ahaa sarkaalkii ugu horreeyey SNM ee dagaalka ku naf waaya 4. Maxamed Xaashi (Lixle) 5. Axmed Dhagax 6. Maxamed Cali Faarax 7. Aadan Saleebaan 8. Mahdi Cali 9. Shakiib Cabdilqaadir 10. Ibraahim Koodbuur 11. Ibraahim Jaamac Dhiif (Halliqin) 12. Gacmadheere 13. Aadan Maxamed Dhamac 14. Xasan Younis Habbane 15. Dayib Gurey 16. Cabdillaahi Cali Suufi 17. Cabdi Siciid Muuse 18. Axmed Maxamed Siciid (Karandaash) 19. Abokor Ismaaciil Xasan Mataan (Shaadh-yare) 20. Xuseen Qarashyare 21. Cabdillaahi Mulac 22. Saleebaan Cilmi (Baylood) 23. Axmed Maxamed Guutaale 24. Capt. Daa'uud 25. Axmed Yuusuf (Qaaddiro) iyo qaar kale.
Inta maanta noolna marka aynu ka soo bilowno Maxamed Kaahin oo ka mid ahaa hoggaankii xilligaas: waxa ka mid ah: 2. Ibraahim Dhegaweyne 3. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax (Laba-tolle) 4. Axmed Mire Maxamed 5. Cabdillaahi Askar Barkhad 6. Cali Hayaan 7. Maxamed Cawed Baxooshe 8. Ismiiciil Aadan Finije 9. Cabdiraxmaan Turki 10. Cali Xuunsho 11. Cabdiraxmaan Maxamed Case 12. Cabdi Ibraahin (Jaalle-diid) 13. Ciise Curaagte 14. Axmed Weysacadde 15. Mahdi Isxal 16. Xasan Cali Abokor 17. Jaamac Digaale Ducaale iyo qaar kale.
Siddeed bilood oo keliya ayay saraakiishu talada hayeen, waxaana xilligaas minjaha la baxay isu muuqasho iyo is indho buuxin la'aan saraakiisha dhexdooda ah. Guux arrintaas ka dhashay ayaa hoosta ka xarriiqayey in talada siyaasadeed ku habboon tahay in shibilka lagu celiyo oo saraakiishu u go'aan arrimaha dagaal gelinta. Xafiiltan qabali ah ayaa laftiisu SNM dhexdeeda xoog ku sii yeelanayey oo xitaa marka laga gudbo awood qaybsigii beelaha ku salaysnaa ee hoggaaminta, waxa qaab beeleed u dhisnaa saldhigyada SNM ee soohdinta ku teedsanaa oo Qaaxo loo yaqiin. Hase yeeshee xilligaas gaaban ee ay saraakiishu hoggaanka hayeen waxa ay ku tallaabsadeen hindisayaal wax ka beddelaya siyaasaddii halganka, sida in la ballaadhiyo dhulka SNM ka hawl gasho oo Koonfurta Somaliya fadhiisimo lagu yeesho iyo in la hagaajiyo xidhiidhka dawladaha caalamka ee halganka ehelka u noqon kara ee taageero diblomaasi, milateri, dhaqaale, waxbarasho iwm laga heli karayey, arrimahaas oo bilow ahaan meerisyo hore u dhaqaaqeen.
Xilligii Siyaasiyiinta (August 1984 - May 1993)
August 1984 ayaa la doortay hoggaankii afraad ee SNM. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa guddoomiye loo doortay. Markii ugu horraysey ayay SNM jebisey derbigii gobolaysiga ee dhismaha hoggaankeedu ku salaysnaa ama saldhigyada ciidamadeeduna u yaalleen. Waxa guddoomiye-ku-xigeen loo magacaabay Cali Maxamed Cosoble (Cali Wardhiigley, AHUN) oo ahaa ruugcaddaa Siyaasi ah oo reer Muqdisho ahaa. Waxa kale oo golihii fulinta iyo kii dhexeba ku soo biiray xubno door ah oo Koonfur ka soo jeedey, ayna ka mid ahaayeen Cali Hagarrey, Sheekh Yarow, Col. Gorgor, Cabdinaasir Sheekh Cali (AHUN) iyo qaar kale. Fadhiisimmo cusub ayay SNM ka yagleeshay jiid-soohdimeedda gobollada Hiiraan (Mustaxiil), Gedo, Bay iyo Bakool (Doolow iyo Buur Aaminow iwm).
Furimahan cusubi iyo siyaasadda ka dambaysaa culays weyn iyo halis badan ayay ku keentay maamulkii magaalada Muqdisho. Dhinaca kalena waxa isla markiiba doorashadaas ka dib (Oktoobar 1984) ciidamadii SNM ee saldhigyadii Qaaxo ay hore ugu ruqaansadeen gudaha oo galeen buuraleyda galbeedka Hargeysa, kuwa Sheekh iyo kuwa Waqooyiga iyo Bariga Burco ee ay Buurdhaab ka midka tahay.
Heshiiskii bakhti afuufka ahaa ee M S Barre iyo Mingiste Hailu ee Djibouti March 1988, waxa uu soo dedejiyey gudogalkii weynaa ee SNM ku jiidhay ciidamadii qaybta 26aad ee XDS. Waxa taas la jaan qaaday oo raacay burburkii magaalooyinka, gumaadkii aan kala sooca lahayn iyo barakacii weynaa ee dadkii magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Diyaaradihii dagaalka ee Xooggii Dalka Somaliyeed ayaa gegida Hargeysa ka haadey oo duqeeyey isla magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kaleba, dadkuna sida duqsi la buufiyaya ayuu u le'day.
Axmed Siilaanyo waxa uu noqonayaa guddoomiyihii ugu wakhtiga dheeraa ee SNM soo mara (Agust 1984 - March 1990). Xilligaasi waxa uu ahaa xilligii ay SNM ugu xoogga badnayd milateri iyo siyaasad ahaanba, waxana xilligii uu ugu laxaadka badnaa khilaafkii iyo murankii SNM dhexdeeda oollimaadka ku lahaa.
1990 ayaa Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur, AHUN) Balligubadle loogu doortay guddoomiyihii shanaad ee SNM oo isna hoggaanka hayey ilaa dib u xorayntii buuxdey ee dalka iyo gooni-isu-taaggii ka dib, isaga oo noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland. Si talowadaagnimo ah ayuu 1993 xilkii ugu wareejiyey Boorame, loona doortay Maxamed X. Ibraahim Cigaal (AHUN) madaxweynihii labaad.
Qiimayn Dul-ka-xaadsi ah
SNM waxa ay gashay halgan hubaysan iyo mid siyaasadeed oo ku suntami doona taariikhda casriga ah ee Somalida guud ahaan, gaar ahaanna ta J. Somaliland. Taariikhda SNM waxa laga baran karaa qiyamta karti, talowadaagnimo iyo isu tanaasulaadka ku tusmaysan.
Shan hoggaamineed oo saddex marxaladood lahayd (Wadaaddo, Saraakiil iyo Siyaasiyiin) ayaa isu kala beddeley hoggaaminteeda sare muddadii tobanka sannadood ahayd ee SNM qorigeeda ay xabbaddu dhuunta ugu jirtey, fartuna keebka kohanaysey. Isbeddeladaasi waxa ay ku iman jireen hannaanka wax wada gorfaynta, wada hadalka geedka hoostiisa, is dhegaysiga, wada doodka mararka qaarkood labada is haya cawshu dhex miranayso, is qancinta, isu tanaasulaadka iyo u xilashada danta guud iyo duugga taariikheed. Dawladdii loo martida ahaa, kuwii kale ee saaxiibka lala ahaa iyo xitaa cadowgii ay is hayeenba taas way la yaabi jireen. Halkii wadnaha farta laga hayey ama laga guuddarraynayey in fadhiga markaas lagu jiraa yahay kii SNM ay ku kala yaacaysey, ayaa aakhirka wax lagu heshiis yahay gunaanadku noqon jirey. Taasi la'aanteedu waa tii ay SSDF ku guuldarraysatay ee xooggeedii kala dhantaalay, markii dambena kala dirtay ee burburtay.
SNM waxa ay talada ku celisey dadka markii dalka la xoreeyey ka dib oo waa tii 1993 Boorame xilka iskaga wareejisey. Taasi ka baaqashadeeduna waa tii ay USC ku guul seegtay, markii dambena horseedday qalalaasayaasha la soo dabbaali la'yahay ee dagaallada sokeeye iyo ismaandhaafyada la hal maala ee gacan-ka-hadalka ah ee ilaa maanta dhisaalan.
Shaki kuma jirno in SNM meelo badan ka gaabisay ama ay ku guuldarraysatay. Waxa ugu weynaa dhalliilaheeda in ay abuuri kari weydey aragti ka shishaysa siyaasad qabali ah. Taas oo horseedday in ay awood u yeelan weydey in ay dadka ku qanciso mabaadi'da iyo dastuurkii u dhignaa, iyo in ay xilligii xoraynta ka dib dadka ka dhigi kari weydey qorigii ay u dhiibtay xilligii halganka hubaysan. Ismaandhaafyadii gacan-ka-hadalka ahaa ee xorraynta ka dib dalka ka aloosmayi waxa ay ka soo jeedeen arrintaas sida ay soo af-jarkoodiina uu jeeniga ugu hayey hab dhaqankii wada xaajoodka ku salaysnaa ee SNM-tu ballaysintay xilligii halgankaas hubaysnaa. SNM sidii jabhadihii kale ayay adeegsatay siyaasad aan ka casriyaysnayn tii ay ka horjeeddey marka laga eego docdaas cuskashada fog ee ku talax-tagga habka qabaliga ah ee beelaynta dadka, taas oo horseed ka noqotay tan maanta la furdaamin kari la' yahay ee wixii loo dhaqaaqaba qabyaaladdu ka soo bannafayso!
Si kastaba ha ahaato'e, wixii libtooyo ama guulo halgankaas SNM ka dhashay maxsuul ahaan dadka (Somaliland) waa u dhex oo maanta iyo berrito toonna lama kala sheegan karo, taariikh ahaan se gadood dhacayba goobtiisa ayuu lahaa, berritona yeelanayaa. Maanta Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ama Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Cirro ama inta kale ee ka midka ahayd intii la safnayd siyaasaddii taliskii Maxamed Siyaad Barre lagama sheegan karo Somaliland oo ka mid ah guulihii SNM ka biqlay. Agoontii SNM ee aabbahood lagu diley halgankaas iyo agoontii uu dhalay aabbihii xagga kale ka sii jeedey ee isna halkaas ku dhintay, labada agoonoodba maanta xuquuq siman ayay Dastuurka Somaliland ku wada leeyihiin oo uma kala sed burin karo. Kala duwanaantu se waa sooyaalka taariikheed oo Daahir Riyaale iyo Cabdillaahi Cirrona ku suntaysa in ay ka mid ahaayeen adeegayaashii iyo saaxiibbadii Taliskii Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Ciise Jaamac iyo Axmed Maxamed Seyidina aasaasayaashii SNM.
Ma debcayaal u taagnayaasha!
Sh Yuusuf Sh Cali Sh Madar (AHUN) iyo saddexda halgamaa ee nooli (Ina Xaashi, Xasan Ciise iyo Seyidi) waxa ay gaar u yeelanayaan hal-adaygnimo ay ku mutaysanayaan miigganaantoodii aanay maalinna bannaynin kaalintii ay ku lahaayeen goobihii halganku ka socdey ee safka-hore iyo naf-hurka. Maalinna midkood afartooda kama uu bixin goobahaas dhimashada, dhaawaca, diihaalka iyo dacdarradu yaalleen, iyaga oo kari karayey in ay ku laabtaan meelihii ay markii hore ka yimaaddeen iyo shaqooyinkoodii ka dib markii xilka hoggaaminta SNM-tii ay unuggeeda lahaayeen laga wareejiyey sannadkii 1983 horraantiisii. Iyagu dee ma aanay shaqo tegin, nusasaacana (Break Time) ma aanay qaadan haba yaraato'e maalinna! Intii badnayd ee kale ee halgankaas ugu timaaddayna ee sifadaas la wadaagtaana way la yeelanaysaa gaarnimadaasi oo in kaleba ka baaqanayso wax ku lahaanshaheeda.
Sooryo Waayeel
Taariikhdu dadkay hagtaa. Waxa ay u jeexdaa tubta ay u mari karaan tooda kala dhantaalan isu toosinteeda, waxaanay bartaa ka baydhista halka uu ba'oodu oolli karo. Tagtadii shalayto waxa laga dhex dheehan karaa quruxdeeda ama foolxumaanteeda joogtadeenna maanta, timaaddadeenna berritona waxa laga sii dhex hilaadin karaa joogtadeenna maanta. Hadbana waa sida aynu ka yeello ee looga faa'iidaysto dhacdooyinka waayaha sidaan khalad iyo saxnaantoodaba. In hor la eego loo socdaana ka hagaagsan in dib loo gucleeyo oo raad arooryo uun dib loo raaco. Taariikhduna waa ifsigaas dariiqa uun. Intaas uun bay tahay in aynu ka baranno taariikhda sooyaal ee Ururkii Dhaqdhaqaaqa Qaranka Somaliyeed ee SNM oo maanta sagaal iyo labaatan jirsadey (April 1981 - April 2010), sooryo waayeelna waa ixtiraam, xurmo iyo xaq-dhawr uun.
http://images.google.com/imgres?imgurl= ... 0202059715
8370.jpg&imgrefurl=http://www.facebook.com/pages/SNM/50202 ... s=1&tbnid=
oNZXTv30nu2VgM:&tbnh=75&tbnw=65&prev=/images%3Fq%3DSomali%2BNational%2BMovement%26um%3D1%26hl%3Den%26sa%3DG%26tbs%3Disch:1
Qalinkii, Maxamed Baashe Xaaji Xasan
mohamedbashe@hotmail.com

Re: The official 6 April SNM threat 2010
Mujaahid Xasan Ciise Oo Ka Hadlay Aasaaskii Ururka SNM Oo Ku Beegan Maanta, Xaalada Wakhtigan Uu Dalku Marayo Iyo Dayaca Agoomaha Haysta
Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha ururka SNM Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, ayaa ka hadlay maalintii lagu dhawaaqay ururka SNM 6 April, 1981 oo maanta ku beegan lagana joogo 29 sannadood iyo xaaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo oo uu sheegay inay tahay mid adag. Isagoo xusay inaanu xalkiina muuqan.
Md. Xasan Ciise, oo isagoo jooga xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu faahfaahiyay aasaaskii ururkaas oo uu ka mid ahaa raggii ku dhawaaqay isagoo xilliyadaasna shaqadiisii saxafnimo ee laanta Afka Somaliga ee BBC-da ku waayay dhadhaqaaqaas siyaasadeed ee uu kaga soo horjeeday dawladii Maxamed Siyaad Barre ee ay SNM ugu dambayn ku riday dagaalka hubaysan. “Intaan SNM lagu dhawaaqin, waxaanu qolooyinkayagii Ingiriiska joogay lahayn urur la odhan jiray Somali Welfare Organization, oo ahaa urur aanu ku caaridi jirnay dawladii Siyaad Barre, Mudaharaado joogto ah ayaanu sannad iyo dheeraad magaca ururkaas ku samayn jirnay, Maalinta Sabtida iyo Axadda oo xaggaas fasax ah ayaanu mudahraad ku samayn jirnay safaaradii ay dawladii Siyaad Barre ku lahayd London, wakhtiyadaas safiiradii joogay waxa ka mid ahaa Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo imika Hargeysa jooga. Markaas mudaharaadyadaas aanu Siyaad Barre ku bilownay waxay ku noqotay dhimbiil dab ah, dawladiisu waxa ay xoogeeda isugu gaysay in mudaharaadkaas la joojiyo, haddii aan mudaharaadka la joojin karayn waa in la joojiyo warka mudaharaadka ku saabsan ee ka soo baxayay laanta Afka Somaliga ee BBC-da ayay tallo ku gaadhay. Marka aan arrintaas dib u xasuusto waxaan is tusaa xadiiska nebiga SCW laga soo weriyay ee odhanaya jidhaadka waxyaabaha ugu qiimaha badan waxa ka mid ah kelmad xaq ah oo aad nin boqor ah oo daalin ah aad hortiisa ka tidhaahdo. Dhibaatada ay markaas arrintaasi Siyaad Barre ku lahayd ninkii maalintaas joogay wuu garanayaa iyo miisaankeedii. Waayo wadankii ayuu qabsaday, cid juuq tidhaahda ma ogola, dibadii ayaanu dabadeed ka dhawaaqnay oo aanu nidhi ha dhaco, oo dadkii gudaha joogay ee uu lahaa ma hadli kartaana ay dhegaysanayaan.” ayuu yidhi Xasan Ciise,
isagoo ka sheekaynaya aasaaskii SNM, waxaanu intaas raaciyay “Markii aanu muddo sidaas ku wadnay waxa nala soo xidhiidhay qolyihii gudaha iyo carabta degenaa, oo aad noogu bogay, way noo yimaadeen aakhirataankiina wada hadalayada ayaa waxa ka soo baxay in urur jabhadeed la sameeyo oo markaas halgan hubaysan u diyaar garooba inuu ku qaado dawladii Maxamed Siyaad Barre.
Markaas aakhirataankii SNM ayaanu go’aaminay, waxaanan 6 April shirkii u horeeyay ku qabanay
London oo aanu kaga dhawaaqnay intaanu saxafiyiintii isugu yeedhnay markaas intayadii mudaharaadka samayn jirtay oo dhan ee mudaharaadyada samayn jirnay waanu ku dhammayn maalintaas. Muu ahayn go’aan saddex ama afar nin go’aamiyeen ee wuxuu ahaa go’aan aanu iltaalkayaga ku muujinaynao oo aanu isu habar wacanay.” Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in shirkii u horeeyay ee lagu go’aansaday ku dhawaqista SNM lagu qabtay guri uu magaalada London xilligaas ka degenaa guddoomiye kuxigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax. “Markii hore waxaanu go’aanka ku gaadhnay guri uu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir degenaa, dabadeedna 6 April ayaanu si rasmi ah ugu dhawaaqnay ururka SNM, shirkana waxaanu ku qabsanay hool ku yaalay magaalada London oo aan wax badan ka fogayn daarta BBC-da ee Bush House.” ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac.
Xasan waxa uu sheegay in markii la dareemay dhaqdhaqaaqa iyo abaabulka ku dhawaaqista SNM laga joojiyay shaqadii uu BBC-da ka hayay, “intii aanaan isla gaadhin SNM, afar bilood ka hor ayaa aniga shaqadii BBC-da la igaga eryay wuxuu wadaa urur siyaasadeed oo mucaarad ah oo Siyaad Barre ka soo horjeeda, markaas afar bilood ka hor intii aan SNM lagu dhawaaqin ayaa shaqadaydii aan ku waayay, waxaan ahaa qofkii u horeeyay ee ay dhibaato ka soo gaadhay SNM, oo Siyaad Barre waxa sidii aan sheegay dhimbiil ku noqotay warkaas BBC-da ka baxaya ee ay dadkii guduhuna dhagaysanayaan.”
Guddoomiye Xasan Ciise, oo la weydiiyay maanta oo 6 April 1981 laga joogo 29 sannadood sida uu dareenkiisu yahay, waxaanu yidhi “Maanta dareenkaygu wuxuu yahay mid aad u wanaagsan, sababtoo ah, ujeedadii halganka aanu ka lahayn wuxuu ahaa in Siyaad Barre oo keliya maahee dulmigii wadanka oo dhan inuu meesha ka baxo oo aanu annagoo ilaahay la kaashanayna aanu meesha ka saarno, Allena wuu nagu guuleeyay. Siyaad Barre wakhtigaas wax yar ka hor hay’adaha ciidamada aadduunka darsaa waxay qori jireen inuu yahay dawladda Afrikada madoow ugu xooga weynayd, raggii ciidamada xilligaas madaxa ka ahaa qaar aan weydiiyay way qireen arrintaas. Markaas waa himilo uu Alle nagu guuleeyay dalkii iyo dadkii oo xor ah ayaynu maanta haysanaa. Himilooyinkii SNM lama wada gaadhin, waayo xoraynta dalka oo keliya may ahayn ee waxay ahayd dawlad ay dadka iyo dadkuba ku aayaan oo wadanka horumar la beegsata in lagu bedelo nidaamkii dulmiga ahaa, weli maynaan gaadhin taas, laakiin waynu gaadhi karnaa, waxaynu haynaa raasamaalkii, macaashkana waynu gaadhi doonaa.”
Sida laga warqabo waxa aan weli xaqoodii helin mujaahidiintii SNM ee halgankaas ku naafoobay iyo agoomaha aabayaashood ay halgankii ku dhinteen oo ay dhibaato iyo diifi ka muuqato qaar badan oo ka mid ah. Sidaas daraadeed Xasan Ciise, oo la weydiiyay sida uu arrintaas u arko, ayaa yidhi, “Arrintaasi waxay ka mid tahay dhibaatooyinka koowaad ee wadanka ka taagan, dalka markii la xoreeyay ee uu Alle inagu guuleeyay, maamulkii SNM ee yimid wakhti uu wax ku dhisaba muu helin, mucaaradad baa ka hortimid, dhibaatooyinka maanta taagan ee ay dhibaatada mujaahidiinta haysataa kow ka tahay waxa aasaaska u ah khilaafkii SNM ay wadanka la soo gashay, khilaafkii SNM gudaheeda ka dhacay ayaa burburiyay, itaalkeedu wax kastaba ha noqdee. Khilaafkaas ayaa iska hor taagay inay wax qabato, khilaafku waa shayga wax kasta burburiya. Maamulkan maanta jiraa kii ka horeeyay ee uu dhaxlayna waa kii odhan jiray kuwii xoreeyay ayaanu ka xoraynaynaa, wax ay daryeelanba daayoo kuwan maanta joogana hadalkoodaba daa’, markaas arrintaas dayaca agoomaha iyo mujaahidiintu waxay ka mid tahay nusqaamaha waaweyn ee maanta wadanka ka taagan, sababaha keenayna khilaafkaas ayaa kow ka ahaa oo waa la yaqaan, dawladan dambe ee aan danaynayn, guud ahaan dadkana aan danaynayn, gaar ahaana SNM aan danaynayn ayaa dambigeeda leh.”
Ugu dambayn mar la weydiiyay sida uu u arko xaaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo oo adag, waxa uu yidhi, “Xaaladda uu maanta dalku marayo, wadanka dhibaato culus ayaa haysata, dhinac dawlad la’aan ayaa la odhan karaa dhinacna dawlad xumo, xal diyaar ahina ma muuqdo, laakiin Alle waxaynu weydiisanaynaa faraj khayr qaba oo ka duwan mid ay dad badani filayaan weliba annagu SNM ahaan kama rajo xumin, sababtoo ahaa waayo aragnimadu waa jaamacadda koowaad ee adduunka, oo waxyaabo badan ayaad ku baranaysaa, markaas SNM-ta waxyaabaha aanu ku baranay waxa ka mid ah dhibaatadu markay ugu darantahay ayaaba laga yaabaa inuu xalku ugu dhowyahay oo annaga way na soo martay, markaas Somaliland iyo dadkeeda dhibaato culus ayaa haysata xal diyaar ahina ma muuqdo laakiin Alle ayaynu u baryaynaa.”
Aasaaskii SNM Oo Aan Goob Joog U Ahaa
Waxaan arkay qoraal si qalad ah uga hadlaya aasaaskii SNM markii uu soo gaadhay London ee lagu dhawaaqay bishii April 1981-kii. Waxa aanu caddaynaynaa qodobadan:
1. Magaca SNM (Somali National Movement), waxa lagu go’aamiyay guriga aan ku jiray ee ciwaankiisu ahaa “34, Charleville Mansions, London W14.” Calaamadda ururkana (Logo), waxa halkaa ku sameeyey Yuusuf Warsame Siciid.
2. Waxa go’aankaas wada gaadhay madaxdii Ururka Somali Welfare Organisation oo muddo dheer London ka waday mudaharaadadii lidka ku ahaa xukunkii Maxamed Siyaad Barre, madaxdaasna waxa ka mid ahaa:-
1. Axmed Xaaji Cabdillaahi (Axmed Sufi)
2. Axmed Maxamed Ibraahin Cigaal.
3. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax.
4. Dr. Cumar Dixood.
5. Ibraahin Sheekh Muuse.
6. Ibraahin Cali Wayrax.
7. Marxuum Ismaaciil Maxamuud.
8. Xasan Ciise Jaamac.
Waxa go’aankaas nala qaatay weftigii nooga yimi dalka Sucuudi Arabiya iyo Emaratka oo ka koobnaa:
1. Marxuum Xasan Aadan Wadaad-diid.
2. Marxuum Axmed Ismaaciil Duqsi.
3. Marxuum Xuseen Abokor X. Faarax.
4. Marxuum Maxamuud Yuusuf Cartan.
5. Dr. Cabdisalaan Yaasiin.
6. Maxamed Xaashi Cilmi.
7. Maxamuud Xuseen Yuusuf.
3. Waxa halkaasi lagu qorsheeyey in la qabto shir ay isugu yimaadaan xubnihii iyo taageerayaashii ururka SWO iyo saxaafaddii London oo lagaga dhawaaqo ururka cusub ee SNM.
4. Waxa kale oo la go’aansaday in shir-weyne la qabto lix bilood kadib, bisha October 1981, waxa la qorsheeyey in intaas ka hor mar kale raacdo lagu maro dalalka Carabta, Yurub iyo Afrikada Bari. Iyada oo la raadinayo cid kale oo u soo baxda halganka bilaabmaya iyo cid kale oo ka mid ah Soomaalida kale oo hawsha nala bilawdas.
5. shirkaasi 6dii Aprill 1981 ee lagu aasaasi ururka SNM waxaanu ku qabanay hoolka “Connaugh Rooms” oo u muuqda BBC, Bush house.
Aniga ayaa hayay makarafoonka oo hagayay barnaamijka Madasha, waxa halkaasi SNM kaga dhawaaqay intayadii arinta soo wada go’aamisay ee ku wada socotay ee aan soo sheegay iyo xubnihii iyo taageerayaashii ururka SWO ee SNM ka horeeyay ee Mudadda dheer halganka dheer ku soo jiray, tiradooduna way ka badnayd boqol qof, shirkana aad iyo aad ayaa loo camiray, waxa kale oo SNM nagula dhawaaqay Marxuum Siciid Cabdilaahi Cigaal oo ka yimid Sweden.
Waxa shirkaasi ka soo qayb gallay Wariyayaasha BBC-da iyo kuwo kale oo badan oo ka socday Wargeysyada Ingiriiska
Wargeyska Geeska Africa.

- Keyse_0208
- SomaliNet Super
- Posts: 9898
- Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
- Location: L D N
- Contact:
Re: The official 6 April SNM threat 2010
it was the day a sleeping lion was woken up and went back into the hunting ground
http://www.facebook.com/group.php?gid=30947448368

-
- SomaliNet Super
- Posts: 8363
- Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
- Location: H-Town in Somaliland
Re: The official 6 April SNM threat 2010
ILAHAY dhamaan inti dhimatay naxariistii jano haka waraabiyo inteena noola ha garan siiyo wixii ay u dhinteen. AAMIIN!
- Cali_Gaab
- SomaliNet Super
- Posts: 14013
- Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
- Location: Sleeping next to my life's cottage
Re: The official 6 April SNM threat 2010
Interview in 1988 with Silaanyo after the capture of Burco.
He talks briefly about the situation in Gabiley, Oodweyne, Sheikh & Berbera.

- HooBariiska
- SomaliNet Super
- Posts: 7692
- Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
- Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'
-
- SomaliNet Super
- Posts: 11028
- Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm
Re: The official 6 April SNM threat 2010
You cannot have a SNM appreciation thread without this video:
S
N
M 
Also this video is very inspiring and shows their true struggle:
There's one quote I like when Carab Ducaale(green hat) was giving a speech, he says something along the lines of: "Waxaad-na mooda sidi bahal ama dacawo/dawaco dabadda war-wareegeya, iyaguna gurigeenay fadhiyaan "
GUUL
GUUL
SNM 

Also this video is very inspiring and shows their true struggle:

There's one quote I like when Carab Ducaale(green hat) was giving a speech, he says something along the lines of: "Waxaad-na mooda sidi bahal ama dacawo/dawaco dabadda war-wareegeya, iyaguna gurigeenay fadhiyaan "

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: The official 6 April SNM threat 2010
Turning the SNM
into ciidanka qarranka eeh somaliland in 1993
[youtube]ew2VUFCZfJg&feature=related[/youtube]

- abdikarim86
- SomaliNet Super
- Posts: 12077
- Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
- Location: Bristol
Re: The official 6 April SNM threat 2010
aamiin!!!Dhaga Bacayl wrote:ILAHAY dhamaan inti dhimatay naxariistii jano haka waraabiyo inteena noola ha garan siiyo wixii ay u dhinteen. AAMIIN!

-
- SomaliNet Super
- Posts: 11028
- Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm
Re: The official 6 April SNM threat 2010
aamiinabdikarim86 wrote:aamiin!!!Dhaga Bacayl wrote:ILAHAY dhamaan inti dhimatay naxariistii jano haka waraabiyo inteena noola ha garan siiyo wixii ay u dhinteen. AAMIIN!![]()
- abdalla11
- SomaliNet Super
- Posts: 8228
- Joined: Mon Aug 03, 2009 9:43 pm
- Location: If you got mooryaan problems if feel for you son, i got 99 problems and a southie aint one
Re: The official 6 April SNM threat 2010
Was it celebrated in Somaliland? I know Riyaale cancelled it last year because of security issues.
- ToughGong
- SomaliNet Super
- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: The official 6 April SNM threat 2010
True words themKeyse_0208 wrote:it was the day a sleeping lion was woken up and went back into the hunting ground
http://www.facebook.com/group.php?gid=30947448368

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 1031 Views
-
Last post by afisoone
-
- 99 Replies
- 7426 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 1 Replies
- 1041 Views
-
Last post by waryaa
-
- 1 Replies
- 971 Views
-
Last post by Moguul21
-
- 2 Replies
- 938 Views
-
Last post by hanad_mn
-
- 8 Replies
- 1128 Views
-
Last post by OliveOil
-
- 45 Replies
- 6783 Views
-
Last post by Ashlee
-
- 2 Replies
- 1032 Views
-
Last post by Futurist
-
- 29 Replies
- 2902 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 69 Replies
- 5168 Views
-
Last post by Keyse_0208