http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=16694
Xus Ballaadhan Oo Maanta Loo Sameeyey Sannad-guuraddii 29-aad Ee Ka Soo Wareegtay Aasaaskii Jabhadii Horseedka U Noqday Xornimada Somaliland Ay Hadhsanayso Ee SNM
http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=16696
DHEGAYSO HEESTII SNM
Moderator: Moderators
Re: DHEGAYSO HEESTII SNM
Saaka waxa magaalooyinka gaar ahaan caasimada Hargeysa looga dabaal degayaa xuska sanad guuradii 29aad ee aas-aaskii SNM oo 6-dii April 1981-kii lagaga dhawaaqay magaalada London ee carriga Ingiriiska, waxaana lagu wadaa inay fagaaraha khayriyadda Hargeysa khudbado munaasibadaa la xidhiidha ka jeediyaan qaar ka tirsan aas-aasayaashii iyo guud ahaan hogaamiyayaashii siyaasadeed ee ururka SNM.
Waxa ururka SNM magaalada London kaga dhawaaqaysiyaasiyiin isaga yimid dalalka Carabta iyo kuwa Reer Galbeedka gaar ahaan dalka Ingiriiska. Hase yeeshee marka laga yimaado kooxaha London kaga dhawaaqay ururka SNM, haddana dareenka mucaaradada ee aas-aaska ururka SNM intaa wuu ka sal-balaadhnaa, waxaana xataa jirey rag door ah oo gudaha ku jirey ama haddii ay doonaan ka tirsanaa maamulkii Siyaad Barre, oo uu ku jirey guuxa mucaaraddada, kuwaas oo xidhiidh la lahaa dhaqdhaqaaqyadii debbadda.
Hadaba waxaa Shabakada Halganews ka samaysay daraasad la xidhiidha aas-aaskii SNM, sidii loogu dhawaaqay, dareenkii mucaaradeed ee xiligaa jirey iyo dareenkii uu ka bixiyey hogaamiyihii taliskii Milatari ee wakhtigaa ka talinayey, Maxamed Siyaad Barre, iyada oo arrintaa ay ka hadleen rag door ah oo ka tirsan aas-aasayaashii SNM, iyo hogaamiyayaashii siyaasadeed iyo Milatari ee ururka SNM, oo markii lagu dhawaaqay muddo yar ka dib noqday urur xoogan oo ka kooban garab milatari iyo garab siyaasadeed labadaba, wuxuuna ururkii SNM in ka badan 10 sanadood dagaal hubaysan kula jirey xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre, oo dalkii Soomaaliya ka talinaysay in ka badan 21 sanadood.
Maxamed Siyaad Barre dareen cadho leh ayuu ka bixiyey ku dhawaaqidii ururka SNM wuxuuna waxyar ka dib xabsiga u taxaabay rag badan oo masuuliyado sar sare ka hayey dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa, kuwaas oo uu ku tuhmayey inay xidhiidh la leeyihiin ururka cusub ee mucaaradka ah ee lagaga dhawaaqay magaalada London.
Sida ay sheegeen qaar ka tirsan aas-aasayaashu ilaa afar nin ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay magaca ururka laakiin waxyar ka dib ayaa isla magaalada London lagu qabtey shirweyne si rasmi ah loogaga dhawaaqay aas-aaska ururka SNM, laakiin afarta nin ee markii u horeysay saxaafadda u sheegay magaca ururka SNM waxay kala ahaayeen Xasan Aadan Wadaad-diid, Maxamed Xaashi Cilmi, Axmed Ismaaciil (Duqsi) iyo C/Salaan Yaasiin, waxaase muddo yar ka dib qabsoomay shirweyne aas-aaskii ururka SNM, waxaana magaalada London laga sameeyey warside la ku hadla afka ururka SNM, magaciisuna ahaa Somali uncensored, joornaalkaas waxa tifaftire ka ahaa Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, oo isaga laftiisu ka mid ah raggii magaalada London kaga qayb qaatay aas-aaskii ururka SNM.
Hase yeeshee muddo todoba bilood ka dib ayey saraakiil sare sare oo ciidamadii Soomaaliya ka tirsani u talaabeen dhinaca dalka Itoobiya, halkaas oo iyaguna ka aas-aaseen garab Milatari oo ururka SNM ah, intaa ka dibna waxa is qabsaday halgankii siyaasadeed iyo kii milatari ee ururka SNM, wuxuuna ururka SNM noqday mucaarad kulul siyaasiyan iyo Milatari ahaanba, oo laf dhuun gashay ku noqday xukuumaddii Milatari ee Siyaad Bare.
Ururka SNM waxa uu ka abuurmay cadaadiskii ay xukuumaddii Siyaad Barre saartey dadkii ku dhaqnaa gobolada waqooyi ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyah haatana ah Dalka Somaliland, iyada oo ay taa ka horeysay tabashooyin soo jiitamay ilaa iyo xiligii midawga, ee Somaliland iyo Soomaaliya 1960-kii, ka dib markii ay labadaa dal xorriyadoodii ka kala qaateen labadii gumaysi ee Ingiriiska (Somaliland) iyo Talyaaniga (Soomaaliya).
Sidaa darteed Shabakada Halganews waxay hambalyo u diraysaa dhamaan shacbi waynaha Somaliland guushaa uu soo hooyay Ururkii SNM oo ah xoriyada Somaliland ay maanta hadhsanayso waxaananu si gaar ah u hambalyaynaynaa inta ka nool Halgamayaashii SNM ee sida sharafta iyo karaamada leh naftooda ugu sadqeeyay in ay shacbigooda ka dul qaadaan taliskii dhiigya cab ka ahaa ee dhibaatada badan u gaystay.
aanu kaga baxno Qormadan baydadkan ka tirsan gabaygii Gud-gude ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi
Nin dharaar wuxuun laga guntay, guushu jamataaye
Gobannimadu ruux kuma xidhniyo, Giib ninkii dilaye
Agaabaynta maalmaha gudbiyo, galaha taariikhda
Gadood dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade
Ganba-xoorka waayaha haddii, laysu minan guursho
Dad uun baa ma guurtada lahaa , goobihii baxaye.
Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide
Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede
Nin uun baa guddoonsha’e xil waa, laysu gororshaaye
Galladduna waxay saaran tahay , wax isu geygeyne
Inkastuu wax galo ama wax gudo , ama wax weyn gooyo
Inkastuu galool mudhay ka yahay, dhiraha gaagaaban
Hadduu geel abuuriyo hadduu, gaas cartama beero
Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye
Noloshana galgalaheeda iyo, gebi ahaanteeda
Waxaan geesi karin baa jiroon, gaar ninawfaline,
Xaajaba gan baa loo unkaa, talaba waa goore
Ummadyahay tiraa kaa gedmane , wax isu geygeyso
Ninkii aad garaaddiyo shaxshaxo, saartay garabkiisa
Kol hadduu dharaar goonya kulul, kaa gelgelin doontay
Waxaad galabsatuun baa jiree, gaado kale yeelo
Halganews, Hargaysa

- Mr_Alfaas
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3439
- Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
- Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland
Re: DHEGAYSO HEESTII SNM

Waayo magaalooyinki kale ee somaliland sida Burco Berbera n cerigaabo oodweyne gabiley..n so on looga xusi waayey why only in hargeysa..
Snm tu ma hargeysa oo kaliya ayey aheyd.

Nimanki Reer burco ee Snm qayb lixaad leh ka qaatay.. xagay mareen.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 385 Views
-
Last post by garoweboy
-
- 0 Replies
- 373 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 2 Replies
- 566 Views
-
Last post by maryandagan
-
- 0 Replies
- 269 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 1 Replies
- 508 Views
-
Last post by Cirwaaq
-
- 25 Replies
- 1640 Views
-
Last post by qardasay
-
- 16 Replies
- 1569 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 5 Replies
- 1706 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 2 Replies
- 1490 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 0 Replies
- 834 Views
-
Last post by libaaxyare