
Kulan ku aadan Sidii Xawaalada Dahabshiil Xarun weyn u Furan lahayd oo Ka dhacay Bosaaso(Sawirro)
April 6, 2010 | NEWS
0 comments
Munaasabad balaaran oo lagu gorfeynaayay sidii Xawaalada Dahabshiil ay xarun weyn ka furan lahayd degaanada Puntland ayaa lagu qabtay Hoteelka International Village ee magaalada Bosaaso.
Waxaa kasoo qaybgalay masuuliyin ka socotay Maamulka Puntland oo uu ka mid ahaa Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Shire iyo Kuxigenkiisa,Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Puntland Maxamuud Xayir,masuuliyin ka socotay Xawaalada Dahabshiil iyo Martisharaf kale.
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim oo halkaasi hadalo kasoo jeediyey ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay in la helo Bangi,waxaana u ganacsatada ugu baaqay in ay maalgashadaan Bangiyada dalka isagoo maamulka Xawaalada Dahabshiil usoo jeediyey in ay ilaaliyaan xuquuqda ay leedahay samaysashada Bangiyada.
Wasiirka Maaliyada Dowlada Puntland Faarax Cali Shire oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa dardaaran iyo bogaadin usoo jeediyey maamulka Dahabshiil.waxaana uu kula dardaarmay in ay ka fogaadan wax kasta oo keeni kara burbur iyo hoos u dhac asagoo xusay in dalka uu u baahanyahay in la maalgashado oo aan laga guurin dalka.
Agaasimaha Dahabshiil Maxamed Cismaan Nuur ayaa isaguna halkaasi ka sheegay in Xawaalada Dahabshiil ay wax badan oo horumar ah u qabteen Shacabka Soomaaliyeed ayadoo u xusay in ganacsatada Soomaaliyeed ay soo dhowaynayaan isla markaana maalgashadaan Bangiga.
Xawaalada Dahabshiil ayaa iyadu ka mid ah Shirkaddaha Xawilaada ka howlgala dalka Soomaaliya iyo Caalamka.
C/salaan Axmed Shire
Horseed Media
Bosaaso,Puntland