Wararka laga helayo deegaanka Guduudey ee duleedka Kismaayo ayaa waxaa ay sheegayaan inay goobtaasi kulan aad xasaasi u ah ku yeesheen horjoogayaasha ugu sarsareeya kooxda Shabaabka oo ka wada hadlay arrimo aad xasaasi u ah xilligan la joogo.
Kulanka oo ay Horjoogayaasha Shabaabka ee Soomaalida ah ay ku weheliyeen seddax ajaaniib ah oo uu ka mid ahaa ninka Lagu Magacaabo Cumar Xamaami ee ku magaca dheer Abuu Masuur Al Amiriiki, ayaa shabaabku ku gorfeeyeen xaalado adag oo ku soo wajahan iyo sidii ay uga gaashaaman lahaayeen.
Horjoogayaasha Shabaabka ee Soomaalida ah ee shirkaasi ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, Fuaad Shongole, Axmed Godane iyo Khaliif Cadale ayaa waxay Horjoogayaasha ajaanibta aha u sheegeen in ay haatan ku soo wajahan tahay xaalado culus oo loo baahan yahay inay iska waraystaan.
Cumar Xamaami (Abuu Mansuur Al Amiriiki) ninka lagu magacaabo oo loo xilsaaray dagaal gelinta Shabaabka ay dowladda la gali doonto si ay Muqdisho uga sifeyso ayaa ugu horreyn madasha shirka Horjoogayaasha shabaab uga sheegay inay sameeyeen diyaar garoow dagaal oo dhameystiran, ayna diyaariyeen guutooyin dhalin yaro ah oo xaafad walba diyaar ku ahaan doona si ay uga hortagaan ciidamada dowladda ee furunta soo buuxiya.
Xamaami wuxuu intaas raaciyey inay dhalintaas siiyeen tababar iyo towjiihin ugu filan inay hawshooda uga soo baxaan sidii ay ugu talo galeen, isagoo ku faanay inaysan u baahneyn inay dagaal fool ka fool ah kaga hor yimaadaan ciidanka dowladda, balse ay meydadkooda furunta bilqi doonaan dhalinyarada ay ku diyaariyeen gudaha goobaha ay dowladda heysato iyo goobaha ay doonayaan inay qabsadaan.
Markii uu warbixintiisa dhameystay ayaa waxaa hadalkii kala wareegay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ku bogaadiyey niyad samidiisa balse u sheegay inay u baahan yihiin inay u diyaar garoobaan in laga soo adkaan karo, ayna u baahnaan doonaan meel ay gabaad ka dhigtaan, loona baahan yahay inay ka fekeraan halkii ay ku baqo carari lahaayeen haddii Muqdisho loogu awood sheegto.
Roobow wuxuu yiri, “xilligii Maxaakiinta aan ahayn markii la jabay waxaan u baqanay oo aan gabbaad ka helnay Gobalada Jubbooyinka iyo Galgaduud, gaar ahaa Dhuusamareeb iyo Raaskaambooni, balse haatan dadkii labadaasi deegaan colaad baan ku beernay oo wanaag nooma hayaan, waxaana u baahan nahay dad na soo dhoweeya”
wuxuuna intaas raaciyey inuu talo horey ugu soo jeediyey in shacabka la kasbado oo aan loo adeegsan awoodda ay shabaabka iminkan heystaan oo qura, iyo in shareeco lagu xukumayo, xilli ay shacabkuna isu arkaan kuwo aan awood ku heysano.
Intaas kaddib Godane oo ah Horjoogaha ugu sareeya Horjoogayaasha Soomaalida ah ee Shabaabka ayaa wuxuu sheegay inuusan ka walwal qabin in la soo jebiyo oo uu diyaar u yahay inuusan qixin oo uu ku geeriyoodo furunta, inta isagoo cararaya la dili lahaa ama la soo qaban lahaa.
Godane wuxuu intaasi ku daray in Roobow iyo rag uusan magac dhabin looga fadhiyo inay Yaqiintooda iska saxaan, Ilaahna ku kalsoonaadaan, taas oo keentay inuu kulankii isu bedelo mid buuq iyo gacma isku taagtaag ku dhamaaday. kaddib markii uu Roobow ku jawaabay inuusan godane ka caqiido wanaagsaneyn.
Inta aan kulanka lagu kala tagin ayaa Mukhtaar Roobow iyo rag ka soo jeeda Gobalada koofureed oo la socday waxay Godane u sheegeen in abaalkii Shabaabka loo galay aysan u gudin shacabkii u galay, haatanna shacabka aysan soo dhoweyneyn qof shabaab ka mid ah haddii la jabo, wuxuuna taas eedeeda dusha ka saaray Godane oo uu ku eedeeyey Hogaan xumo iyo isla weyni.
Ugu Dambeyntii Waxaa shirkaasi isaga baxay Mukhtaar Roobow iyo Ragii la socday taas oo Godane u arkay inay tahay handadaad isaga lagu sameynayo, wuxuna bilaabay inuu xilalkii hogaamineed ka wareejiyo dhamaanba saraakiisha uu ku tuhmayey inay ku feker ahaayeen ama ku heyb ahaa Mukhtaar Roobow oo la sheego inuu yahay ku xigeenkiisii balse xiriirkoodu uusan marnaba hagaagin.
Mukhtaar Roobow oo markii uu ka soo Laabtay Guduudey horey u soo maray Xero ay shabaabka Dhalinta ku tababaraan oo ku taala duleedka Buulo Mareer kana qudbeeyey ayaa wuxuu maleeshiyaad uu la hadlay u sheegay in loo baahan yahay in Jihaadka laga run sheego, oo aan awoodda loo adeegsan si qaldan, taas oo uu u duurxulayey Godane, wuxuuna ku baaqay inay shacabka u turaan oo aan la dulmin dad dhibaateysan.
Godane oo ay arrintaasi gaarsiiyeen rag taageerayaashiisa ah ayaa si deg deg ah u bilaabay safar uu ku marayo dhamaanba xerooyinka ay dadka ku tababaraan isagoo u jeedinaya qudbad saacad ku dhaw oo uusan uga hadlin Riddo iyo culimada islaamka in la dhaleeceeyo sida caadada u ahayd Godane, Wuxuuna kaga codsaday inay amiirkooda adeecaan oo daacadna u noqdaan, taas oo laga dheehan karo kala aamin baxa ku dhex jira Godane iyo Roobow.
Godane Wuxuu isku dayayey inuu ka hor tago kala qeybsanaan shabaabka ay geliyaan ereyadii uu isaga ka hor Xerooyinka dhowr ah ka jeediyey Mukhtaar Roobow.
Xil ka qaadista saf marka ah ee uu Godane ku sameeyey ragga ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya ee loo arkay inay ku feker yihiin Roobow ayaa waxay tashwiish ku furtay ragga u dagaalama Shabaab oo haatan u arka in Jihaadka lagu hawlgelinayey uu u muuqdo mid salka ku haya rabitaanka horjoogayaasha oo qura oo uusan aheyn mid si sax ah uga tarjumaya Alla dartiis.
Beef between Godane al-niqabi and Abu Mansur
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
- Enemy_Of_Mad_Mullah
- SomaliNet Super
- Posts: 20796
- Joined: Fri Mar 10, 2006 6:27 pm
- Location: In the plains out in hawdka im'a tell ya, mess with the reer and a vest could'nt help ya
Re: Beef between Godane al-niqabi and Abu Mansur
source, they're makin up fake news



-
- SomaliNet Super
- Posts: 10442
- Joined: Mon Nov 02, 2009 2:19 pm
- Location: singapore
Re: Beef between Godane al-niqabi and Abu Mansur
he had tensions with the more "millitant" leadership ever since he gave amnesty to those warlords from his clan. but they still have the same goals pretty much. i wouldn't get my hopes up 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 604 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 3 Replies
- 500 Views
-
Last post by MarsinQorahay
-
- 4 Replies
- 707 Views
-
Last post by afisoone
-
- 6 Replies
- 2207 Views
-
Last post by DropkickMurphy
-
- 50 Replies
- 4970 Views
-
Last post by Xildiiid
-
- 47 Replies
- 1799 Views
-
Last post by Lillaahiya
-
- 12 Replies
- 1597 Views
-
Last post by street-thug
-
- 3 Replies
- 456 Views
-
Last post by Aragsanahmed