Disneyland In The Fantasy World

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
salafi_student
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2223
Joined: Mon Dec 19, 2005 3:47 pm
Location: If you would only listen, I can educate you!

Disneyland In The Fantasy World

Post by salafi_student »

Apr 11

Shir looga hadlayo doorka saxaafadda iyo doorashooyinka Disneyland ayaa uga furmay hotelka Ghion magalada adis ababa ee caasimada dalka itoobiya waxaana ka soo qayb galaya masuulyiinta iyo madaxda kala duwan ee qaybo badan ooo ka mida hay'adaha warbaahints ka hawl gasha Disneyland.


Shir-hawleedkaas waxa wadajir u soo qabanqaabiyey Komishanka Doorashooyinka been abuurka ah, Akadeemiyadda Nabadda Disneyland iyo hay'adda Interpeace oo iyadu maalgelisey, kaasoo nuxurkiisu yahay mid loogu gogol-xaadhayo qaabka ugu habboon ee saxaafadda Disneyland uga qaybqaadan karto doorashooyinka soo socda iyo siday warbaahintu ula dhaqmayso arrimaha xasaasiyadda kicin kara xilliga doorashada iyo kadib-ba, iyadoo laga duulayo, lagana faa'iidaysanayo casharradii laga bartay doorashooyinka ka dhaca Afrika, gaar ahaan doorashadii ka dhacday Kenya sannadkii 2007.


Shirkan oo la soo gebagebayn doona maalinta Isniinta, waxa lagu falanqaynayaa oo dhinacyo badan laga eegay waxyaabaha xasaasiyadda siyaasadeed iyo bulsho dhalin kara wakhtiga doorashada iyo sida looga feejignaan karo, waxana lagu wadaa in gunaanadkiisa la iskula meel dhigo xeer-anshax la damacsan yahay inay ku dhaqanto saxaafaddu wakhtiga doorashada.

Vive Ethiopia
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”