Garowe Asks the Warring Parties in Mogadishu to End insanity

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Garowe Asks the Warring Parties in Mogadishu to End insanity

Post by Somalian_Boqor »

Garowe, calls for the immediate & unconditional end to all hostilities in the South.

Great call by the VP and Acting President of Puntland Mudane Cabdisamad Cali Shire.

Puntland is the only sanity left in a crazy gone country. The VP not only called for an end of the senseless blood-letting and hostilities of the south but he said that they will do everything possible in their hands to mediate between the warring parties of the south.

This is the way to go. Puntland is a voice for reason and sanity. Well done to the VP for this call of sanity to end the craziness that has engulfed the south for nearly 20 years now.

---------------------------------------------------------

Garoowe:"Puntland waxay ugu baaqaysa Dhinacyada ku dagaalamaya Koonfurta Nabad & inay Heshiis Dhex dhegto"Madaxweyne Xigeenka Punland.
12. april 2010

APL

Garoowe:(Allpuntland)-Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa markale ku celisay Qeylo dhaan & Baaq ay u jeedinayso Kooxaha Soomaalida ah ee ku Dagaalamaya Koonfurta Dalka Soomaaliya Mudada 20-ka Sano ah,waxayna Dawladu ku baaqday in Dagaalada & Colaadaha aan dhamaadka lahayn ee kasocda Dalka intaas lagu joojiyo Shacabkana loo turo.

Madaxweyne Xigeenka Dawlada Puntland Jen,Cabdisamad Cali Shire ayaa Maanta markale ku baaqay in Wadahadalo la'isugu yimaado,wuxuuna Madaxweynuhu sheegey in Dawlada Puntland ay Diyaar u tahay in ay Heshiis dhex dhegto Walaalaheeda ku Dagaalamaya Koonfurta Dalka Soomaaliya,wuxuuna Dhinacyada kala duwan ee Waqtigan Diriritu u dhaxayso ugu baaqay in Midnimada la'adkeeyo.

"Waxaanu Walaalahayaga Dagaalamaya ee Shacabku dhexdooda ku dhamaaday ugu baaqaynaa in ay Joojiyaan Colaada Miiska Wada Hadalkana Yimaadaan,Dawlaa Puntlandna waxay diyaar u tahay inay Heshiisiiso Cid kasta oo Nabad & Soomaalinimo doonayso,waayo Puntland waa meel u taagan Qaranimada Soomaaliya sida aad ka akhrisanaysaan Ciidankaan Qalabka Sida ee matalaya Kuwii Soomaaliya"Ayuu yiri Madaxweyne Xigeenka Puntland oo Hanbalyo ku saabsan Maalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed dirayey.

Jen,Cabdisamed Cali Shire wuxuu Sheegey in aana loo dulqaadan karin Maatida Soomaaliyeed ee Maalinkasta ku Dhinta Khasaaruhuna kasoo gaaraan Dagaalada Koonfurta Dalka Soomaaliya,wuxuuna Muujiyey Sida ay Xukuumadiisu uga xuntahay Dhibaatooyinka Shacbiga Soomaaliyeed ee Koonfurta Dalka kusugan Maalinkasta lasoo darso,isagoo sheegey in shacabku ay hada daaleen.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweyne Xigeenka Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed isla markaasna ah Kusimaha Madaxweynaha ayaanan ahayn kii u horeeyey ee ay Puntland sheegto,waxaana ay Puntland Maalinkasta ku dhawaaqdaa in la joojiyo Dagaalada Muqdisho & Koonfurta kasoconaya,balse ma jirto Ci ka hoos qaada ama ka dhagaysta Hadalka Nabdeed ee Puntland.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr,Cabdiraxmaan Sh,Maxamed Maxamuud oo Mudo Sanad & Bilo ah Xilka Madaxtinimo ee Puntland haya ayaa Dhowr jeer ku celceliyey sida uu Maamulkiisu diyaarka ugu yahay inuu Wada hadal Nabdeed oo Walaaltinimo u furo Dawlada Kumeel gaarka ah & Dhinacyada kasoo horjeeda,wuxuuna Madaxweynuhu sheegey in Puntland ay Fidisay Gogol Nabdeed oo Loo wada dhan yahay.

Koonfurta Dalka Soomaaliya ayaa Sanadkii 20-aad u jirsaday Dagaalada & Xasuuqa aan Dhamaadka lahayn ee ay Kooxo kala duwan oo hadba Magac labaxa ay u geysteen,waxaana ay Dagaaladu Sanadihii ugu danbeeyey lugaha la galeen Magac Diimeed oo ay Siyaasiyiin badani ku tilmaameen halkii ugu khatarsanayd,Shacbiga Soomaaliyeed ayaa imika Waxay Xaaladoodu u egtahay"Cidina Uma Maqna Ceelna Uma Qodna".

Cabdiqani Xayir
Allpuntland
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”