Maxay iskaga mid yihiin Magangooyaha iyo Alshabaabku?

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
wagardhac
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 617
Joined: Sat Jan 02, 2010 9:28 pm
Contact:

Maxay iskaga mid yihiin Magangooyaha iyo Alshabaabku?

Post by wagardhac »

Magangooye (assassin-bug) waa xasharaadka jaad ka mid ah oo aad u gumaada cayayaanka kale. Wuxuu ka mid yahay bahala nafleyda kale dhiigooda iyo dhacaankooda ku nool.Maalin maalmahama ka mid ah yaa magangooyihii talo ku caddaatay oo waayey wuxuu cuno. Isgoo yaaban oo iska dabaka warreegaalaysanaya ayuu wuxuu arkay dundumo aad weyn oo dherer iyo ballaadhba isku darsatay. Dundumadii buu ku soo dhowaadey oo raadraadiyey meel uu ka galo, wuxuu ku dulwarreegaba mar danbe ayuu helay meel daloosha oo uu ka galo. Markuu guddaha galay buu arkay aboor aad u farabadan oo gaadh ka haya boqorada(termite queen) aboorka oo dhan dhasha. Boroda aboorka waxaa ilaaliya askar u gaar ah, oo ku shaqo leh quudinteeda iyo difaacideeda.
Magangooyihii wuu ka cabsaday inuu u badheedho aboorkaa safsafka ah, oo u diyaarsan inay boqorada ka difaacaan wax kasta oo isku daya inay waxyeellaan.

Magangooyihii wuxuu naftiisa u sheegay in aanu kuwan cuni karin ee raadsado kuwo dagan ama aan digtooneyn. Wuxuu u dhaadhacay dundumada xaggeeda hoose, markaasuu arkay abooro kale shaqo aad u muhiim ah haya, oo ku mashquulsan guritaanka ugaxantii boqoradu dhashay. Hadduu isku dayo inuu wax ka cuno, aboorka oo dhan ayaa soo weeraraya. Isgoo garanla wuxuu sameeyo ayuu ku joogsadey dhoobo qoyan, markaasuuna gartay sidii uu aboorka u siri lahaa.

Magangooyihii intuu dhoobo is mariyey ayuu jidka geeskiisa u fadhiistay aboorkii wax gurayey. Waxuu leeyahay af sida tuubada u dheer oo mici qaroofan ka taagan tahay. Isla markiiba mid buu micidii qaroofnayd ku qabsaday oo dhacaankii ka nuugey, ka dib qoloftii oo madhan soo laalaadiyey si uu kuwa kale dabin ugu dhigo. Aboor kasta markuu dareemo waxa meesha ka soo lusha ayuu soo aadaa si uu u ogaado waxa jira, halkaasuuna magangooyihii xabbadxabbad ugu cunay oo muraadkiisii ugu hirgalay.

Alshabaabna waxay ciiro isgu soo qariyeen sidii ay dadka soomaaliyeed u gumaadi lahaayeen iyagoo ugu soo gabanyada diinta islaamka.

Alshabaab waa raggii dagaal oogayaasha ahaa oo soomaali baradeedda ka saaray deriskoodana ku diray. Waxay ahaayeen niman naxariistu aad uga fog tahay oo cidnaba dhaafin, carruur, dumar iyo cirooleba.

Dadkii ay ku dhex noolaayeen ayaa khaati ka joogsaday dilka iyo budhcadnimada joogtada ah, taas oo noqotay filin aan dhammaanayn. Ka dibna waxaa bilaabmay in dadku farta isgu fiiqo oo ku sheegaan inay yihiin magangooyeyaal. Markii ay tuke canbaaraysan ka noqdeen bulshadii ay ku dhex jireen ayey dib isugu noqdeen oo yiraahdeen, war maxaan sameynaa waatanoo dadkii way ina fahmeene. Waxay shiraanba, ugu danbayntii waxay isku afgarteed inay diintu tahay waxa qudha oo dadku ku aammini karaan. Markaas ayey bilaabeen inay soo xidhtaan cimaamado iyo qamiisyo been ah oo ay dadka ku harawsanayaan. Fikrada diin ku soo gabashadu waxay alshabaab u hirgelisey inay soomaali badan ka helaan taageero iyo dhaqaale aad u farabadan. Lacagtii hadh iyo habeen la ururinayey oo dadku moodayey in diin lagu baridoono iyaga iyo carruurtooda ayaa waxay noqotay mid alshabaab hub iyo ciidan urursi ku kharash gareeyaan. Dadkii moodayey in diin la barayo waxay noqdeen la haystayaal aan haldi karin oo alshabaab carruurtooda ku fushadaan danahooda u gaarka ah, sida is qarxiska iyo wax qisaaska. Qofkii amarkooda diidana qoorta laga gooyo.

Amina
http://www.laasqoray.org/press/?p=5899
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”