Suaal uma qabo Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Suaal uma qabo Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Post by hanqadh »

Labbo saac oo aan xalay (habeenkii sabtida) fadhiyey kursi boqolaal Soomaali ah dhexdooda munaasabad uu hadal ka jeedinayay Admiral Maxamed Cumar Cusmaan, gudoomiyaha Jabhada ONLF ayaa iiga filnaa wax alaale wixii weeydiin ahaa een u qabay isaga iyo dhaqdhaqaaqa uu hogaamiyo.




Socdaal booqasho ah ayuu ku marayaa dalkani Koonfur Afrika, jaaliyada Ogaadeniya ee halkan ayaa u qabanqaabisey isu imaatin aan is iri, malaha waa kii aan kulla kulmey dadkii ugu badnaa ee sanooyinkan isugu yimaada hal dugaal hoostiisa oo Soomaali ah, dadkaasi waxaa hadal dheer u jeediyey hogaamiyahani



Waligeey ogaadeeniya ma tagin, waxbana kama aqaano, sidaasi oo ay tahay xogteeda wax badan ma moogi, laakiin marnaba fursad uma helin in aan ka dhagaysto hogaanka ugu sareeya ee dhaqdhaqaaqa ugu xooga badan ee u halgama xoriyada gobolkaasi.



Maxamed waxa uu taabtey boog kasta oo damqeysa Ogaadeeniya maanta, dhibaato kasta oo heysata, laga soo bilaabi hooyada xaabada doonatay ee ciidamada xabashida dhexda u galeen illaa gabadha arriga la joogta ee la faro xumeeyey, waxa uu hanfariir iyo utun aan harayn ku tilmaamay tabaha cadawga uu dhawaanahan lasoo baxay ee ah in uu dadka ceejiyo, isagoo tusaale usoo qaatay muuqaalo lasoo bandhigey oo ah haween ey cunaheeda ay ka muuqdaan marmarkii xarkihii lagu ceejiyey.



Waxa uu waqti badan ku qaatay sharixista jabhada, isagoo waliba sii hor dagayay weeydiin kasta oo uu filan karay, waxa uu dadka u xaqiijiyey in jabhada ay tahay urur Soomaaliyeed xubina ka noqon karo qof kasta oo Soomaali ah oo qaangaar ah oo maskaxdiisu fayoowdahaykaasoo ayidsan mabaadii’da loo dagaalamayo oo ah in gobolkaasi xoriyad la gaarsiiyo.



Arrin igu cusbeyd maqalkeeda ayaa ahayd in jabhada uu xubin sharaf ka noqon karo qof kasta oo ajnabi ah oo ayidsan hadafkeeda, mar uu ka hadlayay magaca ay jabhadu qaadatay ee Ogaadeeniya oo su’aalo badan ka yimaadeen ayuu sheegey in magaca uusan ahayn wax ka badan “neef lumey oo sumadii ku tiiley lagu baadi goobayo”, marka xoriyada la gaarana dadka Soomaaliyeed ee beel kasta leh ee gobolkaasi degen ay wada qaadan doonto magacii ay doonaan.



“Qadiyada Ogaadeeniya ma ahan muran xuduud oo labo dal ka dhaxayso, ee waa dal la heysto oo xoriyadiisa loo halgamayo” ayuu yiri Maxamed Cumar Cusmaan oo farta ku fiiqey in Ethiopia ay dooneyso in ay qadiyada gobolkani u xambaariso Soomaaliya si ay aduunka ugu dhaadhiciso in Soomaaliya dooneyso dhul balaarsi.



Laga soo bilaabo sanadii 1998 dii, Maxamed Cumar iyo dowlada Ethiopia inta meel wada fariisteen “bisha wataas iyo ma ahan” isuguma imansababtoo ah Ethiopia meeysan dooneynin in ay kasoo baxdo shuruuda koowaad ee wadahadala shuruud la’aanta ah taasoo ah in wadahadalada ay ka dhacaan wadan sedexaad oo nabdoon, dhexdhexaad ah, bulshada aduunka ka tirsan, kuu dooniba ha ahaadee si heshiiska la gaaro uu u noqdo mid marqaati leh, wax ka badan 10 jeer ayay Ethiopia ergo usoo dirtey ONLF si loo wada hadashiiyo, laakiin markasta waxay ku doodeysey “inaga kaliya aan wada hadalno”, sababtuna waxay ahayd “in ONLF fagaare aduunka jooga lala soo fariistaa waa citiraaf iyo aqoonsi la siinayo jabhada , taasina Ethiopia diyaar uma ahan” ayuu yiri.



Hadal kasta oo uu dhoho waxaa u dhacayay sacab dhagaha kula guuxayaan, laakiin aniga marna maanan sacabeyn, sababtuna waxay tahay meeshaba loogama hadleyn wax lagu farxo, shacab gumeysi ku hoos nool oo duruufo adag la doonayo in lagu xoreeyo ayaa looga hadlayay, tan kale shacab fursadba umaanan heyn sababtoo ah wuxuu iga mashquulinayeen maqalka dhagahayga ee hadalka aan sidii dawada ugu baahnaayeen ee Admiralka.



Qof ayaa igu yiri “maxaa waxbo duubi meeyside maxaa ku heley?”, waxaan ugu jawaabay “shaqadeyda waan heystaa” ma filayo sida aan hadalkiisa u dhuuxayay in uu jirey qof ila mid ahaa.



Haddii aan is iri, malaha wax dhaliil ah ayaa ku jirey hadalkiisa, taasi waxay ahayd mar uu sheegey in dadka reer Ogaadeeniya ee dibadaha jooga aysan ku fiicneyn bixinta qaaraamada jabhada, hadalkaasi haddii uusan ula jeedin sida rogiisa ah, waxaan marqaati ka ahay in uu yahay gaf, tusaalahana meel dheer kama keenayo, sanadii 2008 dii ayaan booqasho ku tagay magaalo yar oo ay cadaanka kaliya degaan oo la yiraahdo Grahams Town, gobolka Eastern Cape, waxaa jirta jaamacad ku taala oo la yiraahdo Rhodes University oo ah tan ugu saraysa Afrika barashada culuumta saxaafada, sababtaasina ay ahayd tan aan u aaday, halkaasi waa meesha aan ku arkay dhalinyaro Soomaaliyeed oo saraawiil dabogaabyo xiran oo kubad ku dhex ciyaaraya garoonka jaamacada oo bixinaya qaaraan bileedka jabhada xili aasku madoobaadey.



Dadkii meesha joogey boqolaal su’aal oo wadne-qabad ah ayay weeydiiyeen, qaarkood ogaal weeydiis yihiin, laakiin aniga inkastoo aan wariye ahaa, hadana hal su’aal xitaa maanan weeydiin, sababtoo ah waan ka qancay su’aal kastoon u qabay, waxaanan gaarey gunaanadka soo socda.



Madaxweynihii Maraykanka ee Ibrahim Lincoln ayaa laga soo xigtey in uu yiri “Inta aadan is weeydiin Dowlada Maraykanka maxay kuu qabatay, adiga isweeydii Maraykanka waxa aad u qabatay”, kolkaasi nafteyda waxaan u sheegey in ay haboontahay in qof kasta isweeydiiyo waxa uu isaga u qabtey Ogaadeeniya, inta uusan ONLF maraanmarin.



Waxaa iisoo baxay sawirka ah kureey inta reerkooda col wax ma hambeeye ah usoo dhacay, diley aabahood iyo hooyadod iyo wiilkoodii curadka ahaa, geelii qaaday, oo mooro duugey reerkii, kadibna inta falaaro qaateen si dhuumaaleysi ah colkii geeli sii wata kolba falaar ku halgaaday, marna mid ka dilaya, marka dhaawacaya, marka bajinaya, adiguna aad tahay ehelka kaliya ee kureydaasi ay leeyihiin, halkii aad inta duusho lasoo dhicin lahayd geela, ka waran inta aad toorabiin qaadato kadibna ku yuusto “shiish xumaa wuu la gafey falaarta, tabar daranaa wuu kufey, lixaad gaabanaa wuu gaari waayay, fuleysanaa dibbuu usoo gurtey?”, cid kasta oo Soomaali ah oo xagal daacisa ama dacaayadeysa halganka jabhadaha Soomaaliyeed ee gobolkaasi , tabtaasi ayay ku sifoobayaan.



Laakiin taasi micnaheedu ma ahan in aanan la dhaliili karin JWXO, laakin waa marka ay tahay dhaliil wax toosin ah, dhaliisha koowaad een aniga u jeedin lahaa waxay tahay in sideedaba aanan la dhaliili karin jabhada, marka uu qofka isku dayo in uu wax dhaliilo, taageerayaal iyo xubno caadifada madax martey ayaa afka iyo faruuryaha kusoo goosanaya, haddii aysan caganta ku saarin waxaad halis u tahay in lagugu shabadeeyo “dabaqoodhinimo”.



Dhaliisha kale waa mid guud oo si shaqsiyan ugu wajahan Gudoomiyaha oo lagu xanto in uu xilka ka raaraco taasoo keentey kala jab aanan loo baahneyn oo jabhada dhexdeeda, ugu dambeyntiina kaliftey geeridii naxdinta lahayd ee Dr. Siraad Doolaal oo ay xabashida dishey, wallow aan la’iska indha tiri karin xaqiiqda ah in hogaanka wanaagsan ee Admiral Maxamed Cumar Cusmaan uu ONLF gaarsiiyey heer aanan laga fileyn oo hormar iyo hor u socodnimo ah,ayna tahay in jabhaduna ku faro adeygto hogaankiisa, hadane waa inaanan marnaba la ogolaanin in muran xaga hogaanka ah uu keeno kala jab kale oo JWXO ku yimaada sidii kol hore dhacday, haddeey suurtogal tahayna lasoo celiyaa garabka jabay ee Golaha Sare si looga miro dhaliyo halganka.



Iima aysan suurogalin in aan la kulmo si gaar ah, laakiin warka dhankiisa iiga soo yeerey wuxuu ahaa mid dhagaha ku diirsadaan, waxaa laga soo xigtey in odayaasha, waxgaradka iyo cid kasta oo qadiyadani quseeyso oo uu la kulmo uu talo ka weeydiinayay halganka, kana dhagaysanayay aragtidooda, isagoo dhahaya “noo sheega maxaa naga qaldan? Sideen u saxnaa? Maxaa talo ah”, tani waa xaqiiq ka duwan dacaayada fadhu diriryada aan ka maqlo ee ah “ONLF dadka talo ma weeydiiso”.



Waxaan si weyn ula dhacay hanaanka qabanqaabada xalflada, intii aan Koonfur Afrika ku noolaa maanan arag wax la mid ah, 5 meelood ayaa la’igu baaray markii aan galayay hoolkii ay xaflada ka dhacaysey, waxaana la’igu baaray qalab maarta ku shanqara, dabcan waxaanan filayaa in boqolaalkii soo xaadireyna sidaasoo kale loo baaray si loo sugo amaanka Madaxweynaha Ogaadeeniya oo soo dhaweyntan aan dalkani ka helin markii koowaad ee uu yimid sanadii 2004 tii.



Ugu dambeyntiina, meeris ka mid ah heesta astaanta Jabhada waa “diidi meeyno geerida” “inteey duulayaan degtaa qoriga noo suran” “dalka hooyaaloow kuu dagaalameynaa”, waxaan leeyahay “intuu gumeysiga Ogaadeeniye ka dul kacayo, JWXO dabka yeeysan dhigin”.



Xuuraan: Waa qormo joogto ah oo falanqeyn iyo laffogur ah

Image


W/Q: Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo), Email: saxansoxo1@hotmail.com, tell: +27767059384, Johannesburg.
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Suaal uma qabo Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Post by hanqadh »

Deep stuff in this article....This guy has seen the light i guess, Long live Admiraalka :up:
Maxamed waxa uu taabtey boog kasta oo damqeysa Ogaadeeniya maanta, dhibaato kasta oo heysata, laga soo bilaabi hooyada xaabada doonatay ee ciidamada xabashida dhexda u galeen illaa gabadha arriga la joogta ee la faro xumeeyey, waxa uu hanfariir iyo utun aan harayn ku tilmaamay tabaha cadawga uu dhawaanahan lasoo baxay ee ah in uu dadka ceejiyo, isagoo tusaale usoo qaatay muuqaalo lasoo bandhigey oo ah haween ey cunaheeda ay ka muuqdaan marmarkii xarkihii lagu ceejiyey.
Waxa uu waqti badan ku qaatay sharixista jabhada, isagoo waliba sii hor dagayay weeydiin kasta oo uu filan karay, waxa uu dadka u xaqiijiyey in jabhada ay tahay urur Soomaaliyeed xubina ka noqon karo qof kasta oo Soomaali ah oo qaangaar ah oo maskaxdiisu fayoowdahaykaasoo ayidsan mabaadii’da loo dagaalamayo oo ah in gobolkaasi xoriyad la gaarsiiyo
Arrin igu cusbeyd maqalkeeda ayaa ahayd in jabhada uu xubin sharaf ka noqon karo qof kasta oo ajnabi ah oo ayidsan hadafkeeda, mar uu ka hadlayay magaca ay jabhadu qaadatay ee Ogaadeeniya oo su’aalo badan ka yimaadeen ayuu sheegey in magaca uusan ahayn wax ka badan “neef lumey oo sumadii ku tiiley lagu baadi goobayo”, marka xoriyada la gaarana dadka Soomaaliyeed ee beel kasta leh ee gobolkaasi degen ay wada qaadan doonto magacii ay doonaan.
“Qadiyada Ogaadeeniya ma ahan muran xuduud oo labo dal ka dhaxayso, ee waa dal la heysto oo xoriyadiisa loo halgamayo” ayuu yiri Maxamed Cumar Cusmaan oo farta ku fiiqey in Ethiopia ay dooneyso in ay qadiyada gobolkani u xambaariso Soomaaliya si ay aduunka ugu dhaadhiciso in Soomaaliya dooneyso dhul balaarsi
Laga soo bilaabo sanadii 1998 dii, Maxamed Cumar iyo dowlada Ethiopia inta meel wada fariisteen “bisha wataas iyo ma ahan” isuguma imansababtoo ah Ethiopia meeysan dooneynin in ay kasoo baxdo shuruuda koowaad ee wadahadala shuruud la’aanta ah taasoo ah in wadahadalada ay ka dhacaan wadan sedexaad oo nabdoon, dhexdhexaad ah, bulshada aduunka ka tirsan, kuu dooniba ha ahaadee si heshiiska la gaaro uu u noqdo mid marqaati leh, wax ka badan 10 jeer ayay Ethiopia ergo usoo dirtey ONLF si loo wada hadashiiyo, laakiin markasta waxay ku doodeysey “inaga kaliya aan wada hadalno”, sababtuna waxay ahayd “in ONLF fagaare aduunka jooga lala soo fariistaa waa citiraaf iyo aqoonsi la siinayo jabhada , taasina Ethiopia diyaar uma ahan” ayuu yiri.
Waxaa iisoo baxay sawirka ah kureey inta reerkooda col wax ma hambeeye ah usoo dhacay, diley aabahood iyo hooyadod iyo wiilkoodii curadka ahaa, geelii qaaday, oo mooro duugey reerkii, kadibna inta falaaro qaateen si dhuumaaleysi ah colkii geeli sii wata kolba falaar ku halgaaday, marna mid ka dilaya, marka dhaawacaya, marka bajinaya, adiguna aad tahay ehelka kaliya ee kureydaasi ay leeyihiin, halkii aad inta duusho lasoo dhicin lahayd geela, ka waran inta aad toorabiin qaadato kadibna ku yuusto “shiish xumaa wuu la gafey falaarta, tabar daranaa wuu kufey, lixaad gaabanaa wuu gaari waayay, fuleysanaa dibbuu usoo gurtey?”, cid kasta oo Soomaali ah oo xagal daacisa ama dacaayadeysa halganka jabhadaha Soomaaliyeed ee gobolkaasi , tabtaasi ayay ku sifoobayaan.
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: Suaal uma qabo Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Post by ina aadan »

This guy has seen the light i guess yaah
Admiraalku hadalka wuu deeqsiyaa dadka
Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Re: Suaal uma qabo Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Post by Faarax-Caytame »

Qodobkii doorashada miyaa laga saaray dastuurka ONLFTa horta..? Bal warkaas iigu deeqa, waan raadiyayoo waayaye
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Suaal uma qabo Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Post by hanqadh »

Faarax wali dastuurka way ku jirta, dastuurka ma is badalo lakiin..marxalado adag bay Jabhadu gashay, Jabhada madaxdeeda iyo Golaha dhexe'na waxaa la isku afgaratay in dib loo dhigo, markaas taasi waxay ku xidhan tahay Jabhada dhinaceeda.Waxaana ila quman aniga, si looga fogaado is qab qabsi iyo kala jab ku timaada Jabhada in laga fiirsado.waxaan u malayn ragga badali kara ina Cumar Cismaan waa Maadey,Abdikariim,ama Cadaani Hirmooge, ragaasaa u qalma Gudoomiye.fursad aad u balaadhan baan haysanaa maanta hogaanka Admiraalku Jabhada iyagoo sadex sadex u socda buu qabsaday, maantana wuxuu dhisay Jabhad heersara ah, kumanaan ka tirsan,Jwxo uu Dowlad ka dhigay, Jaliyadihii oo u abaabulay, Siyaasad ahaan Itoopiya dhulka ku jiid jiiday, xag Milatarina jabhadu afarta dhinac ee Ogadeenia wa'y fadhidaa iyagoo u dhisan sidii ciidan qaran..markaa si fudud looma badali karo Maxamed cumar Cismaan.
Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Re: Suaal uma qabo Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Post by Faarax-Caytame »

hanqadh wrote:Faarax wali dastuurka way ku jirta, dastuurka ma is badalo lakiin..marxalado adag bay Jabhadu gashay, Jabhada madaxdeeda iyo Golaha dhexe'na waxaa la isku afgaratay in dib loo dhigo, markaas taasi waxay ku xidhan tahay Jabhada dhinaceeda.Waxaana ila quman aniga, si looga fogaado is qab qabsi iyo kala jab ku timaada Jabhada in laga fiirsado.waxaan u malayn ragga badali kara ina Cumar Cismaan waa Maadey,Abdikariim,ama Cadaani Hirmooge, ragaasaa u qalma Gudoomiye.fursad aad u balaadhan baan haysanaa maanta hogaanka Admiraalku Jabhada iyagoo sadex sadex u socda buu qabsaday, maantana wuxuu dhisay Jabhad heersara ah, kumanaan ka tirsan,Jwxo uu Dowlad ka dhigay, Jaliyadihii oo u abaabulay, Siyaasad ahaan Itoopiya dhulka ku jiid jiiday, xag Milatarina jabhadu afarta dhinac ee Ogadeenia wa'y fadhidaa iyagoo u dhisan sidii ciidan qaran..markaa si fudud looma badali karo Maxamed cumar Cismaan.
Yaakhay hadalkaasaa i mara, tijaabo yaay iga aheyd, ogaadeenka meesha soo gala, hadii la qalandaaro oo janbal lagu tijaabiyo, inay si diplomacy ah uga jawaabi karaan.
Awoowgay xuseen hudlaa yidhi " Wax Maldahan masalo rag dhigoo la isu maan geystay".... Waad ka baxsatay walee, waranka si fiican baad u gil gishay
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: Suaal uma qabo Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Post by ina aadan »

Faarax-Caytame wrote:
hanqadh wrote:Faarax wali dastuurka way ku jirta, dastuurka ma is badalo lakiin..marxalado adag bay Jabhadu gashay, Jabhada madaxdeeda iyo Golaha dhexe'na waxaa la isku afgaratay in dib loo dhigo, markaas taasi waxay ku xidhan tahay Jabhada dhinaceeda.Waxaana ila quman aniga, si looga fogaado is qab qabsi iyo kala jab ku timaada Jabhada in laga fiirsado.waxaan u malayn ragga badali kara ina Cumar Cismaan waa Maadey,Abdikariim,ama Cadaani Hirmooge, ragaasaa u qalma Gudoomiye.fursad aad u balaadhan baan haysanaa maanta hogaanka Admiraalku Jabhada iyagoo sadex sadex u socda buu qabsaday, maantana wuxuu dhisay Jabhad heersara ah, kumanaan ka tirsan,Jwxo uu Dowlad ka dhigay, Jaliyadihii oo u abaabulay, Siyaasad ahaan Itoopiya dhulka ku jiid jiiday, xag Milatarina jabhadu afarta dhinac ee Ogadeenia wa'y fadhidaa iyagoo u dhisan sidii ciidan qaran..markaa si fudud looma badali karo Maxamed cumar Cismaan.
Yaakhay hadalkaasaa i mara, tijaabo yaay iga aheyd, ogaadeenka meesha soo gala, hadii la qalandaaro oo janbal lagu tijaabiyo, inay si diplomacy ah uga jawaabi karaan.
Awoowgay xuseen hudlaa yidhi " Wax Maldahan masalo rag dhigoo la isu maan geystay".... Waad ka baxsatay walee, waranka si fiican baad u gil gishay
:lol: :lol:
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Suaal uma qabo Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Post by hanqadh »

ina aadan wrote:
Faarax-Caytame wrote:
hanqadh wrote:Faarax wali dastuurka way ku jirta, dastuurka ma is badalo lakiin..marxalado adag bay Jabhadu gashay, Jabhada madaxdeeda iyo Golaha dhexe'na waxaa la isku afgaratay in dib loo dhigo, markaas taasi waxay ku xidhan tahay Jabhada dhinaceeda.Waxaana ila quman aniga, si looga fogaado is qab qabsi iyo kala jab ku timaada Jabhada in laga fiirsado.waxaan u malayn ragga badali kara ina Cumar Cismaan waa Maadey,Abdikariim,ama Cadaani Hirmooge, ragaasaa u qalma Gudoomiye.fursad aad u balaadhan baan haysanaa maanta hogaanka Admiraalku Jabhada iyagoo sadex sadex u socda buu qabsaday, maantana wuxuu dhisay Jabhad heersara ah, kumanaan ka tirsan,Jwxo uu Dowlad ka dhigay, Jaliyadihii oo u abaabulay, Siyaasad ahaan Itoopiya dhulka ku jiid jiiday, xag Milatarina jabhadu afarta dhinac ee Ogadeenia wa'y fadhidaa iyagoo u dhisan sidii ciidan qaran..markaa si fudud looma badali karo Maxamed cumar Cismaan.
Yaakhay hadalkaasaa i mara, tijaabo yaay iga aheyd, ogaadeenka meesha soo gala, hadii la qalandaaro oo janbal lagu tijaabiyo, inay si diplomacy ah uga jawaabi karaan.
Awoowgay xuseen hudlaa yidhi " Wax Maldahan masalo rag dhigoo la isu maan geystay".... Waad ka baxsatay walee, waranka si fiican baad u gil gishay
:lol: :lol:
:lol: :lol: :lol: :lol:

kkkk....Waxaan islahaa Ugaaskii dhanaa ee Faarax show maanta waa loo soo sheekeeyay, kuwa baas baa shirqool u dhigay, Dhabaqoodhiga qarsoon baa dadka ooga bilaaba shekadaa oo kalee. :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”