Page 1 of 1

halgamaa(abwaan cabdi qaasim)

Posted: Wed Apr 14, 2010 3:17 pm
by hargaysaay
Go'doon, 1990

Axmed Ismail Dirie "Qaasim", HY
Gabaygani wuxuu ka mid yahay gabayadii HALGANKA ee maandeeq lagaga soo dhacsanayey Dhidarradii damcay inay cunaan. Wuxu gabaygan gaar ahaan kula hadlayaa Samarroonka oo uu ku tilmaamayey inay la safteen dad-la-moodkii dalka iyo dadka Somaliland isku deyey inay cabudhiyaan;

Ha go'doonto Gudabiirsidii Ganafka jeexnayde
Ha la guurto gaajiyo baryiyo gelelefkeediiye
Dameerkii Gafuurrada caddaa Geela yuu didinne

Meeshay gabbood moodayaan haw gurguriyeene
Goonyaha Ilaahay halkay garan ha aadeene
Gob baa lala dersaa waa wixii gaday abaalkiiye

Gallad kagama helin reer Xareed gacan ku hayntiiye
Gabdhii loo dhisiyo may xurmayn guurki reeraha'e
Geyiga reer Isaaq uguma hadhin Gob ay midhaystaane

Ciisuhu Gunnuu siin jiree ha iska gooyeene
Amxaarada inay soo galaan waa ka garanuuge
Garaad-xumadu waa waxay cidlada ula gandoodaane

Gogti iyo Shar-laga-naadi bay gebi dhacaayaane
Waa waxay la goobyaalayaan Goraya-Cawlaaye
Waa loo gartee hays tubeen goobta ciilka lehe

Marreexaan Gun bays urursatee gacal ha moodeene
Iyaga iyo Gabooyahaba waa galabsigoodiiye
Guryaha ay Mafiiqda u siteen yaanay soo geline

Geestay xigeen Laydh san baa iiga soo geliye
Guu-gaa'da haygala tageen garacdi shaydaane







Copyright 2000 - 2002 HoygaSuugaanta.com

Re: halgamaa(abwaan cabdi qaasim)

Posted: Wed Apr 14, 2010 3:24 pm
by Mr_Alfaas
hargaysaay abti ma haysaa gabayo uu qoray abwaan yuusuf aadan alaale iyo abwaan cusman askari...... :up:

Re: halgamaa(abwaan cabdi qaasim)

Posted: Wed Apr 14, 2010 3:27 pm
by hargaysaay
hadaan sxbn helo waan soo post garayn inshaalh

Re: halgamaa(abwaan cabdi qaasim)

Posted: Wed Apr 14, 2010 3:29 pm
by Mr_Alfaas
hargaysaay wrote:hadaan sxbn helo waan soo post garayn inshaalh
Yea Mahadsanid sxb :up:

abwaan Yusuf Aadan Alaale....abti ayuu ii yahaya close relative ayaan aheyn Alla Yarxam...