Madaxweyne ku xigeenka oo maanta si diiran loog soo dhaweeyay magaalada Berbera
Written by Qarannews
Apr 16, 2010 at 08:27 AM
Hargaysa,(Qarannews)- Waxa maanta abaara 11:30,kii soo gaadhay magaalada Berbera madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, oo dhawaanahnba ku sugnaa dalka Faransiiska, oo u u joogay hawlo caafimaad.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yusuf Yaasiin ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Berbera, iyada oo ay madaarka magaaladaasi ay kaga hortageen dhamaan wasiirada xukumada Somaliland iyo wasiirio ku xigeeno iyada oo ay madaxdii xukumada iyo xisbiga UDUB ay isku wada shubeen magaalada Berbera, waxa sidoo kale soo dhawaynta madaxweyne ku xigeenka ka qayb qaatay, madaxda gobolka Saaxi iyo kuwa magaalada Berbera, hogaamiye dhaqameedyo,culimo awdiin aqoonyahno iyo dadweyne aad tiro badan.
Madaxweyne ku xigeenka oo salaan ka gudoomay dhamaan dadkii madaarka kaga hortagay ayaa xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsantahay, sidoo kale soo dhawayn taasi la mid ah ayaa madaxweyne ku xigeenka looga diyaar garoobay magaalada Hargaysa iyada oo uu iman doono maalinta bari ah, diyaargarowga soo dhawaynta madaxweyne ku xigeenka ayaa noqon doonta tu aan hore u dhicin iyada oo la qorsheeyay in ay dadku garbaha isku hayaan intaq u dhaxaysa magaalada Berbera oo uu ka soo baxaayo iyo ilaa iyo magaalada uu imnaayo ee caasimada ah ee Hargysa, taasi oo uu hada qorshaheedu dhamaystiranyahay.
Duqa magaalada Hargysa mudane Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa isna si baaxdleh ugu diyaar garoobay soo dhawaynta madaxweyne ku xigeena, sidoo kale madaxda xisbiga ee gobolka maroodi jeex ayaa aad iyo aad ugu diyaargaroobay soo dhawaynta madaxweyne ku xigeenka.
Qarannews kala soco soo dhawaynta madaxweyne ku xigeenka
Next>
Somaliland vice president returns home
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Somaliland vice president returns home
He is doing well mashallah



Re: Somaliland vice president returns home
Of course he is doing well...xamiytedina laga soo saar and his diabetes is better. 

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Somaliland vice president returns home
How do you know that?
Re: Somaliland vice president returns home
Let just say i know someone who works for him. 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 687 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 18 Replies
- 1460 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 574 Views
-
Last post by KingBlack
-
- 0 Replies
- 680 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 7 Replies
- 808 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 6 Replies
- 1288 Views
-
Last post by ZubeirAwal
-
- 2 Replies
- 579 Views
-
Last post by Cumar-Labasuul
-
- 75 Replies
- 6438 Views
-
Last post by ina aadan
-
- 4 Replies
- 921 Views
-
Last post by shiniile9
-
- 0 Replies
- 258 Views
-
Last post by original dervish