




Beled-Xaawo oo biyo galin lagu bilaabi doono maalmaha soo socda.
Apr 16,2010
by Nairobi GedoNet News.
Magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo waxaa ka bilaabatay biyo galin baaxad wayn oo ay wado shirkad lagu magacaabo Baraka oo ah shirkad ganacsi waxay shirkadaasi kaashanaysaa oo xaga qodista ceelka qabanaysa shirkad kale oo lagu magacaabo AQUA-SYSTEM.
Halka laga qodayo ceelka biyaha laga siinayo magaalada wuxuu degmeda u jiraa 7-km wuxuuna ka xigaa magaalada dhanka Waqooyi, deegaanka laga qodayana waxaa lagu magacaabaa Meel-Kaariyey
Inkastoo ceelka la doonayo in biyaha laga cabo uu horay u qodnaa hadana waxaa lagu sameeyey dibu habayn, ceelkaasi waxaa ugu dambeysay in biyo laga cabo muddo haatan laga joogo 25-sano.
Iminka waxaa lagu guulaystay wajigii hore ee soo dhalinta biyo nadiif ah oo ku filan magaalada iyo nawaaxigeeda, waxaa haatan la qorshaynayaa wajiga labaad oo ah biyo galinta magaalada oo bilaaban doonta maalmo kadib.
Magaalada B/Xaawo waxaa markii hore biyaha la cabo keeni jiray booyado oo kasoo dhaamiya wabiga DAAWO waxaana wali muuqata in gawaarida biyaha dhaamisa aysan baahi tiri karin biyaha magaalada looga baahan yahay.
Waqti waxaa jira aysan booyaduhu awoodin inay biyo ka keenaan waiba marka uu fatoho taasoo dadku ay siyaabo kale u xoogsadaan helista biyaha.
Inkastoo magaaladu ay leedahay shirkad biyaha sifaysa oo la dhoho NAJMA hadana baahida rasmiga ah ee biyaha lafteedu ma buuxin karto, maamulka shirkadda NAJMA oo la dhoho Xassan Axmed-Nuur Aadan-Deer ayaa qayb libaax ku lahaa dhiiri galinta in magaalada loo helo shirkad biyo-galin ah si loo helo biyo ku filan magaalada iyo nawaaxigeeda.
Sidoo kale shirkada fulinaysa qodista ceelka AQUA SYSTEM waxay hadda kahor ceel biyood ka qoday deegaanka Khadiijo-Xaaji oo 40-km u jirta Beled-Xaawo kana xigta dhanka koonfureed, waxaana howshaas fulinteeda lahaa hay'ad NGO ah oo lagu magacabo ASEP.
Waxaa la filayaa in magaalada Baardheere iyo Garileey loo sameeyo shirkad noocan oo kale ah oo biyaha galin doonta deegaanadaas, iyadoo riigii haatan biyaha nadiifta ah ka dhaliyay Meel-Kaariyeey uu qabtay dhinaca Baardheere.
Waxay shirkadda Aqua-system gobolka ka qoday laba ceel oo kala ah Beled-xaawo iyo Khadiija Xaaji.
Maxamed Jaamac Faarax-Barre. GedoNet News-Desk Nairobi. gedonetnews@gmail.com.