Kismaayo (RBC Radio):-Maamulka Al Shabaab gobalada Jubbooyinka ayaa sheegay in ay Heshiis lagaareen Beesha Harti ee degto magaalooyin katirsan Gobalada Jubbooyinka Xilli dhawaan jubbooyinka laga hirgeliyay maamul cusub oo ka duwan kii hore.
Gudoomiyaha Cusub ee Al Shabaab gobalada Jubbooyinka Sheekh Abuukar Cali Aadan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa xaqiijiyay in ay Heshiis buuxa lagaareen Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Harti islamarkaan ay Shabaab lasafteen.
Sheekh Abuukar Cali Aadan wuxuu carrabka ku dhiftay in kulan balaaran oo Kismaayo ka dhacay lagu xaliyay Mad madoow u dhexeeyay Al Shabaab iyo Beesha Harti kaasi oo ka dhashay dagaallo Kismaayo ku dhaxmaray Shabaab iyo Shaqsiyaad beesha kasoo jeeda.
Waxgarad katirsan Beesha Harti oo iyana hadlay waxay sheegeen in ay Baayaco ama Heshiis buuxa lagaleen Al Shabaab islamarkaana ay kala shaqayn doonaan Amaanka
Nabadoon Cabdi Baashi Axmed cali oo la sheegay in uu Heshiiska u saxiixay dhanka Beesha Harti ayaa balan qaaday in Beeshiisu ay maamulka cusub kala shaqayn doonto Nabad gelyada iyo is dhaxgalka Bulshada.
Beesha Harti Daarood ee Jubbooyinka degta ayaa la sheegay in ay saluugsanayd qaabka uu wax u maamulayay gudoomiyihii hore ee Jubbooyinka Sheekh Abuukar Zeylici oo ay u arkayeen shaqsi colaad u qabo beeshooda maadaama uu kasoo jeeday gobalada Waqooyi Galbeed Somalia.
Maamulka cusub ee dhawaan lamagacaabay ayaa la sheegay in Beesha Harti ay ku leedahay mas’uuliyiin islamarkaana ay ku qanceen gudoomiyaha cusub ee Jubbooyinka loo magacaabay oo aan ka qayb gelin dagaaladii Jubbooyinka.
Ilaa iyo Hadda majirto diidmo katimid Siyaasiyiinta Beesha ee sida weyn u mucaaradsan Howlaha ay Shabaabku ka wadaan Gobalada Jubbooyinka gaar ahaan Jubbada Hoose oo ay kula dagaalameen Ciidamo Axmed Madoobe daacad u ahaa balse Beesha Harti u badan.
http://www.raxanreeb.com/?p=40020
