What happened to the airport project

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

What happened to the airport project

Post by The_Emperior5 »

Seems like riyaale stopped the project

Madaxweyne Rayaale oo Dhismaha Madaarka Hargeysa ka Horjoogsaday Shirkadda Shiinaha ah ee Warancadde iyo Maayarka Caasimadda Heshiiska la soo Galeen
Wasiirka duulista oo la sheegay inuu diiday in madaarka lagu dhiso daamur hay’adda ICAO ugu deeqday iyo shirkadda la siiyey casriyeynta garoonka diyaaradaha oo la filayo inay maanta kulamo la yeelato dhinacyadda wada shaqayntu ka dhexayso


“Markay shirkaddu qalabkeeda soo dhammaystiro ee ay wax walba keensadaan ayaannu ogeysiiska bilaabi doonaa, iminkana waxay sugayaan oo qudha daamurkii”

Agaasimaha waaxda madaaradda wasaaradda Duulista



“Alaabta markii hore ayaanu meesha geynay, markaa xilliga aannu bilaabayno jaraa’idka waannu u yeedhi doonaa”

Maamulaha shirkadda lagu wareejiyey dhismaha madaarka


Hargeysa (Jam)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la sheegay inuu fulinta dhismaha madaarka Hargeysa ka horjoogsaday shirkad Shiine ah oo Wasiirka Duulista & Hawada Md. Cali Maxamed Warancadde iyo Duqa Caasimaddu Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir heshiis kula soo galeen dalka Shiinaha.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland iyo Wasaaradda Duulista & Hawada oo xaqiijinaya sababta Madaxweyne Rayaale shirkadda Shiinaha ah uga horjoogsaday dhismaha madaarka Hargeysa. Haseyeeshee, sida Jamhuuriya shalay u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo arrintan u dhuun daloola, waxa Madaxweynuhu dhismaha madaarka ku wareejiyey shirkadda waddaniga ah ee ADCON oo ah shirkadda gacanta ku haysa dib-u-dhiska biriijka 2aad ee magaaladda Hargeysa, iyada oo sida la sheegay dhismaha madaarka maalgelinayso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP.

Maamulaha shirkadda waddaniga ah ee lagu wareejiyey dhismaha madaarka Hargeysa Mr. Jibriil Axmed Cali oo Jamhuuriya xalay khadka telefoonka kula xidhiidhay si wax looga waydiiyo waxa ka jira in shirkadooda la wareegtay dib-u-dhiska gegida diyaaradaha iyo waqtiga ay bilaabayaan, ayaa sheegay in wali wadahadal u socdo iyaga iyo dhinacyada ku hawlan dhismaha madaarka Hargeysa, sidaas darteedna ay arrintaas maalmaha soo socda tafaasiil ka bixin doonaan, balse waxa uu qiray in shirkadoodu madaarka gaysay qalabkii hawsha dhismaha lagu bilaabi lahaa.

“Wali wax war ah ma hayno oo beri [maanta] ayaanu kulmaynaa qoladii hawsha nala waday, markaa wixii ka dambeeya laba ilaa saddex casho, kadib ayaad ila soo xidhiidhi doontaan,” ayuu yidhi Mr. Jibriil_Axmed Cali.

Maamulaha shirkadda ADCON oo la weydiiyey waxa ka jira wararka sheegaya inay qalabkii dhismaha mar hore geeyeen madaarka, waxa uu ku jawaabay, “Alaabta markii hore ayaanu meesha geynay, markaa xilliga aannu bilaabayno jaraa’idka waannu u yeedhi doonaa.”

Wasiirka Duulista & Hawada Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa sida la sheegay ka cadhooday tallaabada Madaxweyne Rayaale dhismaha madaarka Hargeysa kaga horjoogsaday shirkadda Shiinaha ah ee isaga iyo Maayarka caasimadda kula soo heshiiyeen dib-u-dhiska iyo casriyeynta madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, isaga oo la sheegay in aannu ilaa hadda shirkadda waddaniga ah u saxeexin dhismaha ay ka bilaabayso gegida diyaaradaha.

Md. Cali Warancadde oo aannu xalay la xidhiidhay si wax looga waydiiyo arrintan, ayaanay noo suurtogelin, kadib markii uu xidhay mobile-kiisa gacanta, balse sida dadku dhowdhow wasaaradda Dulistu Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxa Warancadde diiday in shirkadda waddaniga ah dhismaha garoonka diyaaradaha ku bilowdo daamur hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca duulimaadyadda hawada ee ICOA madaarka ugu deeqday, tallaabadaas oo dib-u-dhac ku keenaysa waqtiga la bilaabayo dhismaha garoonka diyaaradaha Hargeysa oo in muddo ah u xanibnaa dayac la’aan, taas oo sababtay in diyaaradaha waaweyni joojiyaan hawlihii duulimaad ee madaarka, iyada oo masuuliyiinta qaranka ee u baxaya safarrada dibadda iyo muwaadiniinta caadiga ah ee qurba-jooga ahi maraan dhinaca dhulka ilaa magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya, halkaas oo laga raaco diyaarad tagta caasimadda Addis Ababa.

Agaasimaha Waaxda Madaarrada ee Wasaaradda Duulista & Hawadda, ayaa xalay Jamhuuriya khadka telefoonka ugu xaqiijiyey in shirkadda waddaniga ah ee ADCON ay bilaabayso dhismaha madaarka Hargeysa, isaga oo caddeeyey in shirkaddu ay hadda sugayso daamurkii ay ku bilaabi lahayd oo qudha, iyadda madaarkana uu yaal daamurka wasiirku ka hor istaagay shirkadda, waxaannu xusay in marka shirkaddu soo dhammaystirto qalabkeeda ay sii dayn doonaan ogeysiiska dhismaha gegida diyaaradaha.

“Markay shirkaddu qalabkeeda soo dhammaystiro ee ay wax walba keensadaan ayaannu ogeysiiska bilaabi doonaa, iminkana waxay sugayaan oo qudha daamurkii,” ayuu yidhi Agaasimaha Waaxda Madaaraddu.

Agaasimaha oo aannu waydiinay in laga maarmay shirkaddii Shiinaha ahayd ee Wasiirka Duulista & Hawaddu kula soo heshiiyey dhismaha madaarka Hargeysa, maadaama hawshii lagu wareejiyey shirkadda waddaniga ee Jibriil, waxa uu si kooban u yidhi; “Qoladii Shiinaha ahayd mayee lagama maarmin ee iyaguna way iska soconayaan uun.”

Wasiirka duulista Md. Cali Maxamed Warancade oo 14 February 2010 ka soo noqday safar uu ku tagay dalka Shiinaha, ayaa saxaafadda u sheegay inay heshiis la soo galeen shirkad Shiine ah oo lagu magacaabo China Overseas Investment Group Company, isaga oo warbaahinta u soo bandhigay muuqaaladda naqshada madaarka cusub ee shirkadda Shiinaha



Jamhuuriya Online
Last edited by The_Emperior5 on Mon Apr 19, 2010 6:30 am, edited 1 time in total.
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: What happened to the airport project

Post by Goljano Lion »

The_Emperior5 wrote:Seems like riyaale stopped the project
there was no project in the first place, it was all khayaali and entertainment for shicibka
paidmonk
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11989
Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
Location: http://majerteen.blogspot.com/

Re: What happened to the airport project

Post by paidmonk »

Did you think there would be Heathrow #2 in Hargeisa? :|
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: What happened to the airport project

Post by Cali_Gaab »

Lets ask Siciid. It was him afterall that claimed these airport projects have nothing to do with the government but rather 'local initiatives'.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: What happened to the airport project

Post by The_Emperior5 »

Cali_Gaab wrote:Lets ask Siciid. It was him afterall that claimed these airport projects have nothing to do with the government but rather 'local initiatives'.

Hows that possible if the minister of aviations is involved :lol:
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: What happened to the airport project

Post by Cali_Gaab »

That's what i tried to tell him at one point. There was one topic a while ago where we were arguing about airports and he said something along the lines of Reer Burco having failed their own airport. I told him that these airports are government dealings and he straight up refused to acknowledge that. According to him, it's up to the locals and since Warancadde was a 'local' of Hargeisa, it's him and shacabka that are building the airport and the government had nothing to do with it.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: What happened to the airport project

Post by The_Emperior5 »

Cali_Gaab wrote:That's what i tried to tell him at one point. There was one topic a while ago where we were arguing about airports and he said something along the lines of Reer Burco having failed their own airport. I told him that these airports are government dealings and he straight up refused to acknowledge that. According to him, it's up to the locals and since Warancadde was a 'local' of Hargeisa, it's him and shacabka that are building the airport and the government had nothing to do with it.
:lol: :lol: :lol:
what does he think we are from buhoodle :lol:
where locals ay runwayga digaaga ka gurayaan :lol:
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: What happened to the airport project

Post by LiQaaye_TDH »

Let me know when you guys start Listening to me..... where is Dhegeobacayl and Siciid who thought there was the Next Heathrow would be built in Hargeisa? Jac Dhe :mrgreen: :lol:

Even the Ministers travel from Berbera (the last Functioning Remaining Airport in the Country) or Ethiopia (Jijiga)
User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: What happened to the airport project

Post by hargaysaay »

the stupid udub government does not want one single improvement in ciidagale areas, I think ciidagales should take their weopons and karbaash riyaale just one day, then settle

PS no offense to beesha samaroon, it is just their son riyaale is not good man
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”