cilmi boodhari(haysku kay lurin)

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

cilmi boodhari(haysku kay lurin)

Post by hargaysaay »

Cilmi iyo saaxiibkii Tabaase oo goor galaba ulugaynaya maqaaxi ay dhalinyaradu iskugu iman jirtay, ayaa looga yeedhay guri. Gurigaas oo ay ku noolaayeen hablo jeclaa inay Cilmi wax laqabtaan, dareensana dhibta iyo wareerka uu jacaylku u gaysan karo qof ibni aadana. Cilmi iyo Tabaase guriggii bay soo galeen, markaasaa midba meel fadhiistay, waxayna la sheekaysteen hablihii, waxoogaa yar markii ay fadhiyeen ayey hablii laba ka midi Cilmi ka codsadeen iyagoo taladii wax ka siinaaya saaxiibkii Tabaase inuu Cilmi innan allaale iyo innantii kale ee uu doonayo ee magaalada joogta farta ku fiiqdo, ballana waxay ku qaadeen in ay u dhammeyn doonaan. Madaxa ayuu aad u lulay markaasuu tiriyey gabay-gan tiiraanyada leh, dhamaantoodna caloosha soo wada qaaday.

Luqun madoobe awrkuba kolkuu laacdan baranaayo
Isagaa u laakima badnaa laqanka xoolahe e
Hadba qaalmo laacdan ah wuxuu luqun jibaadhaba
Lix intaanu jirin haduu laacib ku ahaado
Lama loodin karo jeeray liicdo bowdaduye
Anna laabta kama gooynin caashaqii ladane
Luxudkaan la gelayaa sidaa igaga liil dheere
Midnaay hays ku kay lurin qalbigu laba jeclaan waaye
User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: cilmi boodhari(haysku kay lurin)

Post by hargaysaay »

CILMI BOODHARI (Qariya Laabtiina)

Maansadan Cilmi wuxuu tiriyey kadib markii koox hablo a ay isku dayeen inay Cilmi ka gun gaadhaan bal hada Jacaylkan jiif iyo joogba u diiday Cilmi, intuu qoto dheeryey, iyagoo soo ogaaday halka arin kajoog Hodan. Hablahaas oo kusoo tashaday, tii allaale iyo tii Cilmi boogtaa bugta bogsiin karaysa raacdo iyadoon wax xujo a ku xidhin Cilmi. Guri aad u qurux badan oo kuyaala suuqa loo yaqaano Dhalaalweyne ayay kooxdii hablahaa ahaa (oo Cilmi isagu u haystay inay arinka Hodan wax kala wadaan laakin iyagu arin kale wataa) ku casuumeen. intaan la isla gaadhin wakhtigii qadada ayaa hablihii oo labiskii ugu sareeyey xiligaa sitaa cilmi soo dhaweeyeen. Hablii intay midiba gees kasoo fadhiisatay Cilmi ayay kaftan boqola iyo qosol jacayl huriye a midiba mar Cilmi ku taabatay. Nin weyni wedki waa yaqaanaaye Cilmi wuu gartay sheekada meesha ka socota dabadeedna maansadan ayuu Qaafka ka higaadshay

Hadday ili wax qabanayso o lagu qaboobaayo
Ama qurux la daawado mar uun aadmi ku qancaayo
Aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane

Wax badan baan qumaati u hubsaday qalanjo naagoode
Ha yeeshee qaraan baa igu galay qalay naftaydiiye
Idinkuna halkii i qoomanayd baad i qabateene

Qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siiseene
Bal qiyaasa waataan qandahday qamareey awgiine
Qalaaxyaha gacmaa iyo junuhu way qarraqayaane

Qosolkaa yaryari waa waxaa nagu qaldaysaane
Inaan eebahay idin qatalin qariya laabtiina

M A Q A L


More


More


More










































Copyright ©2002, Hoygasuugaanta
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”