Dumarka, Aqoonta iyo Guurka

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
edleh
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 386
Joined: Sun Jul 26, 2009 12:34 am

Dumarka, Aqoonta iyo Guurka

Post by edleh »

I'm not a frequent forumer of SN, and I hardly see anything that is written in Somali when I come here. Almost everything is in the language of AfQalaad. Today, I have a short Qoraal in Somali, a very interesting one, which I'm sure you'll like it (that is for those of you who can read Somali). I think I don't even need to give more faallo here since the Tittle itself says it all, BTW.

Dumarka, Aqoonta iyo Guurka

W/Q. Xasan C. Madar

Inkastoo sidiisaba guurku yaraaday waayadan, sababo badan oo yareeyeyna jiraan had dana wuxuu aad u sii taabtay dumarka, gaar ahaan inta aqoonta sare leh. Dumarka soom aalida iyo kuwa kale ee muslimiinta ahiba way ka duwanaayeen kuwa reer galbeedka iyo bulshooyinka kale marka la eego nolosha guurka iyo qoyska. Sababtu wax kale maaha, wa xa kala duwan ujeeddada laga leeyahay nolosha iyo qoyska iyo sida bulsho kastaa u dhis an tahay.

Markii dunidu isku sii furfurantay waxa isjiidhay dhaqammadii oo siday u kala awood badn aayeen u kala adkaaday. Waxa isbeddelay dhaqankii aqoonta, kii shaqada, kii qoyska iyo guud ahaan hab nololeedkii markii soohdimihii kala xadaynayey meesha ka baxeen ee la is ku wada tallaabay. Dhaqankii soomaalidu wuxu ka mid noqday kuwii markiiba la libdhiyey, weliba markuu dibedda u baxay. Soomaalida waxa sii wiiqay burburkii dawladnimo iyo bara kacii ay ku kala baahday dacallada dunida. Iyadoo sidaasi jirto oo guurkii guud ahaan hoos u dhacay, xikmaddiisiina luntay, furriinkiis iina batay ayaa halista ugu weyni soo food saartay dumarka waxbarta iyo kuwa aqoonta ku shaqeeya.

Markii waxbarashada casriga ah ee reer galbeedku soo gaadhay carriga soomaalida, ciddii ugu horraysay ee wax barataa waxay ahayd ragga. Waxa ku soo biiray dumar tiro yar. Dumarkaa tirade yari soo dhoweyn kalamay kulmin bulshada gaar ahaan ragga. Waxay ma rkaa dhinaca saareen oo la ollog noqdeen ragga markii laga fogeeyey dhinacii dheddigga. Waxa loo arkay inay ragga si aan loo baahnayn ugu dhodhow yihiin, tacliintii gaaladana ba ranayaan. Sidaas oo ay tahay haddana xilligii ingiriiska wiilasha iyo habluhu dugsiyo kala d uwan bay wax ku baran jireen. Kacaankii askartu hoggaaminaysay baa wax badan isku fa ruuray oo wiilashii iyo gabdhihii fasal isku mid ah geeyey, surwaal iyo shaadhna u wada ge liyey. Markii dambe waa lala qabsaday oo wax wada dhigashadii wax iska caadi ah bay no qotay. Hablo badani may dhammaysan jirin jaamacadaha oo guurka ayaa ka soo hormari jiray. Intooda wax barasho sare gaadha way la sii durki jirtay oo fursadda guurku way ka sii fogaan jirtay kadibna caqabado bulsho aqoontu ku yartahay baa ka hor iman jiray. Runtii bulshadu way u ayday dumarkaa waxbartay, iyaguse lafahooda waxa waxbarasha daasi u soo jiidday waa mid isweydiin leh. Dumar badani waxay baaqi ku ahaadaan kelinnimo xataa hadday doonayaan inay guursad aan. Waxay la yaabaan waxa ay keli u yihiin iyo waxa ay u waayeen nin u qalma. Dhakafaarkani shaqo kuma leh quruxdooda, qofnimadooda, heerka noloshooda, iyo helitaa nka rag. Waxa laga yaabaa inay qurux iyo qofnimoba leeyihiin, heerka noloshooduna wan aagsan yahay, ragguna yahay mid la heli karo aan suququl ku ahayn suuqa guurka. Inta badan arrintu waxay ku xidhantahay halkay arrinta iska taagaan iyo siday u abbaaraan.

Dumarka aqoonta sare lihi waxa ay isweydiiyaan waxa ay nin uga baahan yihiin. Waayadii hore waxay ugu baahnaayeen ilaalin iyo xannaano iyo inuu qabyada nolosha la dhammay stiro oo ka gufeeyo meelo aanay awoodi karin. Maanta waxay gabadhu isu aragtaa inay qabyadaasi meesha ka baxday oo ay isku filan tahay. Waxay isku aragtaa mar hadday wa xbarasho heer sare ah gaadhay inay shaqaysan karto, dhaqaale heli karto, in badan oo ragga ka mid ah ka sarrayso oo ay wax badan ragga la qaybsan karto. Waxay u aragtaa inay wax badan oo raggu yahay noqon karto. Weydiinta ah inay nin u baahan tahay iyo in kale waa mid mar kasta hortaal oo ku soo noqnoqota. Way ogtahay inay nin u baahan tah ay laakiin weydiimaheedu waxay ku soo ururaan waxa ay nin uga baahan tahay. Taas baa war celinteedu ku adkaataa. Way ogtahay inaanay maanta ninka ugu baahnayn wixii sha lay loogu baahnaa ee dhaqaale, masruuf , ilaalin iyo difaac ahaa. Waa tanoo dhaqaalihii way heli kartaa, difaaciina meelo kale ayey ka heli kartaa. Waxay ku wareertaa ka jawaa bidda inay nin ugu baahan tahay wax dhaafsiisan baahida jinsiga. Tolow ninka ma waxay ugu baahan tahay inuu u noqdo wehel ay nolosha la wadaagto? Ma waxay ugu baahan ta hay inay ahaato marwo guri oo u banbaxda korinta iyo barbaarinta ubad haddii Eebbe kala siiyo? Oo ma maanta oo la joogo casrigii furfuranka iyo aqoonta ayey guri ku baaqi noqon kart aa?, sow dib ugu dhici mayso gacantii ninka ee dhaqaalaha? Maxaa dhacaya haddii ay lab aduba wada shaqo tagaan oo kolba midkood carruurta hayo? Markaas malaha waxa loo baahanayaa in la raaco nidaamka reer galbeedka ee ah in dhalmada la yareeyo oo mid iyo labo lagu koobo. Haddii kale oo ay u dhasho sidii soomaalida yaa u haynaya carruurta?

Gabadhu inay shaqo tagto oo qoyska dhaqaale ku soo kordhiso waa loo baahan yahay, we liba marka qoysku sabool yahay ama ninku aanu shaqayn. Waxa uun muhiim ah inaan la dayacin noloshii qoyska oo shaqada iyo hawsha guriga la isku miisaamo. Waxaba laga yaabaa in intooda badani aanay fikir sidaa u qoto dheerba arrinta siin balse waqtiga badankiisa ku qaataan waxbarasho, iyo shaqo oo ay xasuusanba waayaan ama haleeli waayaan ka fikirka dhisme qoys oo ay muraayadda waayaha isku eegaan iyagoo afartankii madaxa la galay-xilliga dumarkuba ku dhalmo daayaan inta badan, markaas oo ay meelahaa ku kulmaan mid isna sidaa u soo daalay.

Dhibka kale ee ay la kulmaan dumarka aqoonta lihi waa guurkooda oo xasili waaya iyo iya ga oo aan in badan helin rag dhiggooda ah. Haddii gabadhu guursato nin ka aqoon hoos eeya dhibaato badan bay la kulantaa, mid xaggiisa ah iyo mid xaggeeda ah. Mid xaggiisa ah oo ay ugu horrayso qabkii labnimo ee hoggaanka iyo talada qoyska ninku hayey oo ka horyimaad habka gabadhu wax u doonayso; mid xaggeeda ah oo u aragta in ninka ay ka sarrayso oo ay tahay inuu taladeeda u hoggaansamo mar hadday ka aqoon badan tahay. Marka gabadhu ninka ka aqoon sarrayso waxa ku abuurma qab iyo isla weyni, ninkana wax weyn uma aragto oo way yaraysataa. Halkaa waxa ka dhasha is afgaranwaa murgiya no loshii qoyska oo ku dambayn kara kala tag. Haddaba marka halkaa la marayo ma waxa la odhan karaa aqoontu waa ku khasaare dum arka? Maya..taasi mid lagu doodi karo maaha. Ilaahay wuu innoo sheegay innana waynu ognah ay inaan qofka wax yaqaan iyo ka kale isku mid ahayn, raadinta aqoontuna tahay mid lagu dhiirriyey rag iyo dumarba oo loo siman yahay.

Guriga gabadha aqoonta lihi wuu ka wanaagsan yahay kana tayo sarreeyaa ka ta aan aq oonta lahayn. Aqoonteedu waxay u fududaysaa inay ubadkeeda si wacan u barbaariso oo wax u barto. Waxay soo saari kartaa ubad aayatiin leh. Waxay ninkeeda ka dhigi kartaa mid ragga ka sarreeya marka uu yahay mid la jaanqaadi kara oo qudhiisu aqoon leh. Haddaba mar haddii xaalku sidaa yahay maxaa si ah? Maxaa guurka gabdhaha waxbartay u yaryahay? Maxaa guurka gabadha waxbaratay u saldhigi laa'yahay ?

Waxay ila tahay inaynu wax iska weydiinno inay mudan tahay jaadka aqoonta ee gabadhu helayso. Halkay ka soo jeeddaa aqoontan ay gabadhu baranaysaa? Marka gabadhu isku darsato aqoonta maaddiga ah iyo ta diiniga ee diinteeda iyo dhaqankeeda wax badan ka garanayso, ma jirto gabadh ka wanaagsani. Aqoonta maaddiga ahi waxay u fududaynays aa inay yeelato xirfad ay ku shaqaysato iyo aqoon ay wax ku taransato. Aqoonta diiniga ahi waxay u fudduaynaysaa inay fahanto nolosha qoysnimo iyo inay garato xuquuqda nin keedu ku leeyahay iyana ku leedahay, dadka kalena ku leeyihiin. Dhaqankeeda oo ay taqa annaana wuxu u fududaynayaa inay garato hab-nololeedka bulshadeeda, inta ku xil iyo xu rmo leh iyo sida la kala yahay. Dunida aqoontu waxay ka fogaysaa gabadha inay waqti u hesho barashada dhaqanka iyo mararka qaar diinta. Waxay ku dhex tuurtaa badweyn dhaqan shisheeye iyo bulsho u nool si ka duwan sida soomaalida . Aqoonta ay hesho gabadhu aad bay ula qiimo badan tahay, waxay ka sarraysiisaa dumar oo dhan iyo rag badan. Waxay jeceshahay inay muujiso inay aqoonyahanad tahay. Ninka ka aqoon hooseeya way yastaa oo ku jeesjeestaa. Marka aq oonteedu sii korodhaba waxa sii yaraada xidhiidhka toosan ee ay rag la yeelato, kagana fikirto dhismaha qoys. Waxay marka dambe iska noqotaa innama la joog aan ka qaloon dh exgalka ragga.

Dhibku aqoonta maaha ee waa halka ay salka ku hayso aqoontaasi ee ay ka soo jeeddo. Waa dhaqanka ay ku qotonto aqoontaasi. Waxa isweydaartay dhaqankii soomaaliga iyo dhaqanka aqoontaasi ku taagantahay. Sida loo aaminsayahay fikradda qoyska ama ay u shaqayso ayaa kala duwan. Gabadhii soomaaliga ahayd ee muslimadda ahayd waxay ku dhex wareertaa dhaqankaasi. Waxay in badan oo waqtigeeda ah ku soo qaadatay goobo waxbarasho oo manhaj kale ah iyo dad ajaanib ah. Kadib waxay u gudubtay nolosha shaqo iyadoo degaanka ay ka shaqaynaysaa yahay mid habka uu u samaysan yahay isna ku fa dhiyo dhaqan kale. Waa duni ragga iyo dumarku aanay kala soocnayn oo marar badan la isku dhex milan yahay. Waa duni uu ka jiro loollan xooggan oo loo yaqaan feminism- dhe ddignimo u dood. Taas baa waqti badani kaga lumaa. Waxay isku haysataa inay halgan ku jirto oo fursadba uma hesho waqti ay kaga fikirto dhismaha qoys ku fadhiya dhaqan Soomaali. Dhibka kale ee haystaa waa raggii soomaaliyeed ee geyaanka ahaa oo badanaa ka aqoon hooseeya oo aanay ku geli karin. Fursadda keliya ee ay heshaa waa inay la kulanto nin so omaali ah oo isna sideeda oo kale soo daalay oo ku dawakhay dunida aqoonta iyo shaqa da. Haddii kale maxaa ka hortaagan inay mid shisheeye ahba iska raacdo hadday heli kara yso isba waa nine?

Caqabadda kale ee hortaagani waa iyadoo cadow badan bulshada ku yeelata. Waxa suuqa loo mariyaa inaanay qof hagaagsan ahayn ama guur diyaar u ahayn. Waxa ku dhaca dheg xumo iyo cadowgeeda oo bata mid arkay iyo mid kaleba. Waxa dacaayadaasi dhaawacdaa in la guursado si kastaba gabadh wanaagsan ha u ahaatee. Gabadh aqoon sare leh oo yar aan lagu guursadaa way yar tahay. Wax barashada ay ku raagto iyo qabka ka dhash aa heerka ay gaadhaan ayaa ka mid ah sababaha. Waxay xaqiiqsataa markay meel durugs an gaadho, ilaa ay halkaa gaadhana maskaxdeeda kuma soo dhacdo inay tallaabo qaa ddo. Maan helin kaan raadinayey bay odhanaysaa.

Waxay rabtaa nin aqoonteeda oo kale ama mid ka sarraysa leh oo xilkas ah. Aqoon iyo ma suuliyad rag isku darsaday waa yar yahay. Ragga aqoonta lihina dumar aqoon leh ma dan eeyaan. Gabadhu hadday wax qori karto ama akhiri karto way ugu dhan tahay. Iskaba da aye waxay ka doorbidaan tu aan waxna qorin waxna akhriyin oo guriga u joogta. Kuma qa ldana dhinac ahaan oo waxay ogyihiin marka ninkii iyo gabadhiiba dibedda u wada bax aan ee shaqo tagaan in gurigii dayacmayo oo carruurtii aanay helayn barbaarintii ay u baahn aayeen. Raggu waxay yidhaahdaan gabadhu aqoonteeda iyo fariidnimadeeda gurigee da ayey ku dumisaa. Runtuse waxay tahay in gabadhu aqoonteeda gurigeeda ku dhisto. Gabadha fariidda ahi awoodda ninka ayey la wareegtaa. Heblaayaa xukunta ayaa la odha nayaa markay ka firfircoonaato, isna uu nin qabow yahay. Waa halkaas halka raggu fardii dnimada gabadha ku diidan yahay. Colaad baa ku dhalanaysa markasta qarxi karta.

Waxa ninka lagu yidhaa gabadh fiican baad qabtaa, iyadaa sidan kaa dhigtay. Reerkii bay kaga magac weynaataa. Ninka gabadha jaadkaas ah guriga kula nooli diiqad buu dareemaa dadka kalena nin nasiibleh bay u arkaan. Wuxu istusaa in ragannimadiisii hoos u dhacday. Aqoontii shaqo ayey u keenaysaa gabadhii, way sii macaansanaysaa, hadii la guursadana shaqadii way sii wadaysaa. Masuuliyadeeda shaqo markay korodho, waxa isbeddela higsi geeda. Fikirkeeda ayaa isbeddela. Waxay la mid noqotaa gabadhii reer galbeed ee aan iya da guurku mudnaanta koowaad u ahayn. Aqoontii iyo shaqadii baa la fogaada. Afkaar aan waafaqsanayn dhaqankii dadkeeda ayaa ku xoogaysta. Afkaartaasi waxay baajisaa rag b adan oo guur ugu soo dhiirran lahaa. Qaar badani shaki ay ka qabaan baanay hawaysan ba.

Waa dhab in dumarka waxbartay sii badanayaan, waana loo baahan yahay. Waxa kale oo dhab ah in aqoontaasi ay tahay mid dhinac keliya u qormaysa oo miisaankii noloshu ka ma qan yahay. Waxa barbar socda guurkii oo sii yaraanaya iyo dhaqammadii bulshooyinka dunida ee kala qoqobnaa oo intay isku furfurteen kala adkaanaya. Yurub iyo dunida reer galbeedka inta sharci darro ku wada nool ayaa ka badan inta isqabta. Xorriyadda aan xud uudda lahayn ee la haysto ayaa badan. Iyagu, reer galbeedku, waa bulsho sidaa u sama ysan. Jabku waa marka gabadha soomaalida ahi u fahanto in xorriyaddaasi tahay mid la wada leeyahay. Wax dad u gobannimo ah baa dad kale u gunnimo ah. Marka xidhiidhkii gu urku meesha ka baxo, baahidii jinsi iyo wehel lala noolaadaana meesha taal, waxa raggii iyo dumarkii soomaalida iyo muslinka ahaa halis ugu jiraan inay ku dhacaan dunida xumo-ku-wada-noolaanshaha ee dhadhanka iyo xikmadda ka madhan. Kala daadasho bulsho ay aa imanaya, burbur iyo baaba’ aan laga soo waaqsan baana xigaya. Haddii uu sidaa yahay xaalka gabadhii soomaaliyeed ee waxbaratay, maxaa talo ah? Sideebay iyadoo aqoonyahanad ah haddana u dhisi kartaa nolol qoys oo deggenaan iyo x asillooni ay ku hesho? Waa arrin dooddeeda iyo hadalkeedu u yaal cid kasta oo aqoon u le h ama wax ka odhan karta.

Si ay jidka ugu xaadho guur waa inay garato oo go'aansato waxa ay nin uga baahan tah ay. Waa inay fiiro u yeelato dunida ku xeeran iyo in ummaduhu kala duwan yihiin.Waa inay garato waxa ay u abuuran tahay iyo cidda ay tahay. Waa inay isku miisaanto nolosh eeda oo aqoonteedu noqoto mid u horseedda dawga toosan balse aanay noqon mid dhan walba seejisa. Waa inay garato in waxa ugu wanaagsan ee ay noqon kartaa yahay HOOYO aqo on leh oo hesha Say wanaagsan iyo ubad oo deggenaansho iyo xasillooni ku hesha si mas kaxdeedu firaaqo ugu hesho Alle ka cabsi iyo garashada inay jirto nolol tan ka dambaysaa.
User avatar
LionHeart-112
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17794
Joined: Tue Mar 15, 2005 1:53 pm
Location: Not yet determined

Re: Dumarka, Aqoonta iyo Guurka

Post by LionHeart-112 »

Wax cusub ma heysid. Educated women have always had trouble balancing a career and motherhood/being a wife. Western women r still struggling.


PS...That was an extremely long article. OH MY GOD.

PPS. Ma eelay baa qortay waxan? Af somali ma aha..Qaladaad aa ka batay.
sexy-kitten
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11300
Joined: Wed Jan 28, 2004 7:00 pm
Location: You'll never catch me, might as well just watch me.

Re: Dumarka, Aqoonta iyo Guurka

Post by sexy-kitten »

edleh wrote:I'm not a frequent forumer of SN, and I hardly see anything that is written in Somali when I come here. Almost everything is in the language of AfQalaad. Today, I have a short Qoraal in Somali, a very interesting one, which I'm sure you'll like it (that is for those of you who can read Somali). I think I don't even need to give more faallo here since the Tittle itself says it all, BTW.
:lol: :lol: :lol: How does the long version look marka? :lol:

What is afqalaad? You mean af gaalad? If you DO mean af gaal, I can assure you that there are a bunch of Somalis born and raised in Saudi, Yemen, Kuwait(arab speaking countries) and they mostly speak Arabic. Is it OK for people who grew up in Arab countries to mostly speak Arabic and the ones who have the same religion and culture but grew up in America are speaking afgaal and they're looked down upon. Shame! :roll:

Kir nooh. :arrow:
User avatar
kambuli
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17268
Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
Location: Proud Toothless Old Faqash Woman

Re: Dumarka, Aqoonta iyo Guurka

Post by kambuli »

Dee haaye dheeraa qoraalku :lol: I have to print and read later :!:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”