Ardayda Dugisiga Sare ee Faarax Oomaar oo Xusay Maalinta Wadaniyada Faarax Oomaar
Hargaysa (Jam)-Ardayda dugsiga sare ee Faarax Oomaar ee magaalada Hargeysa, ayaa si weyn u xusay munaasibad cusub oo ay ugu magac dareen maalinta wadaniyadda Faarax Oomaar, taasi oo ardaydu ku maamuusayeen qiimaha ay wadaniyadu leedahay iyo inay xasuustaan halyaygii waynaa ee Faarax Oomaar.
iyada oo ay si wayn u soo abaabuleen ardayda waqtigan dhigata dugsiga sare ee faarax oomaar, iyaga oio ku qabtay barxadda hore ee dugsigaasi.
Munaaisbaddan oo ay soo abaabuleen ardaydiga wax ka barata dugsiga sare ee Faarax Oomaar, waxa ka soo qaybgalay Ururo kala duwan oo ay ka mid yihiin Ururka wadaniyadda waalidiinta, maamulka iyo macalimiinta wax ka dhiga dugsiga sare ee Faarax Oomaar, ardayda hada dhigata dugsiga, kuwii hore uga qalin jabiyay iyo marti sharaf kale oo tiro badan, iyada oo halkaasi laga jeediyey khudbado isugu jira dhiiri gelin, waano iyo tusaalooyin loo soo jeediyay ardayda dhigata dugsiga.
Maamulaha dugsiga Faarax Oomaar oo ugu horayn madashaasi ka hadlay, ayaa aad ugu mahadceliyey ardayda soo qabanqaabisay munaasibadan, waxaanu xusay in wadaniyadu tahay shayga ugu qaalisan caalamka.
‘‘Waxan ugu mahad celinayaa ardayda sida gaarka ah u soo abaabushay munaasibadan layaabka leh, runtii wadaniyadu waxa weeye tan maanta ugu qaalisan caalamka, maanta dadkeena inta badan maaha qaar ay wadaniyadu daacad ka tahay oo dadka qaarkood waxad is odhanaysaa ciida ayaa dadkeedii keena, dadkan yaa ciidoodii geeya, markaa waxan idin kula dardaarmayaa inaad ciidiina ilaashataan oo iimaansadda, iska daaya tahriibta.
Dugsigan idinka ayaa iska leh, magac iyo sharaf ayuu ku leeyahay Somaliland, dugsiyada kalena wuu ka magac dheer yahay, waxa uu leeyaha taariikh kala duwan oo aan la soo koobi Karin, sidaa awgeed waxa la idinka rabaa in aad ilaalisaan sharftiisa maadaamaa aad tihiin kuwa iska leh masuuliyadiisuna ay dusha idinka saran tahay, wadaninimadu waa hagaajinta dugsigaaga iyo meesha aad ku nooshahay, mana aha siyaasad ee yaan la idin khaldin,’’ ayuu yidhi; maamulaha dugsiga sare ee Faarax Oomaar.
Macallin Maxamed oo ka mid ah macallimiinta Masaarida ah ee dugsiga Faarax Oomaar wax ka dhiga oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ardayda iyo macallimiinta dugsiga sare ee Faarax Oomaar yihiin qaar had iyo jeer ku fikira inay la yimaadaan wax cusun, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; ‘‘Ardayda iyo macallimiinta dugsigani waa kuwo had iyo jeer ka fikira sidii ay wax cusub u samayn lahaayee, sidoo kale waxa uu ka hadlay qiimaha ay wadaniyadu leedahay isagoo sheegay in ay dadka masaarida ahi yihiin kuwo aad ugu adag wadaniyadda, isla markaana ay somalidu la mid tahay oo ay wadankooda naf iyo maalba u huraan, ha nicina wadankiina oo cadwga maanta ka foojignaada.’’
Waxa ugu dambayntii munaasibadaasi ka hadlay qaar ka mid ah ardayda iyo waalidiintii ka qayb gashay xaflada lagu xusayey qiimaha ay leedahay wadaniyaddu, wax sidoo kale halkaasi lagu soo bandhigay riwaayad aad u xiiso gelisay dadweynihii goobta isugu yimi, waxa kale oo halkaasi lagu soo bandhigay gabayo iyo buraanburo muujinay qiimamaha ay wadaniyadu leedahay iyo sida loogu baahanyahay in loo ilaaliyo.
Jawiga munaasibadda ayaa ahaa mid ay qiiro ku lamaanayd oo dadkii ka soo qayb galay xasuusiyay marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray iyo doorkii uu marxuun Faarax Oomaar ku lahaa halkankii gobanimo doonka, halgankii qadhaadhaa ee ay ardayda Faarax Oomaar la soo mareen dib u xorayntii dalka iyo doorkii ay ku lahaayeen halgankaasi.
Jamhuuriya Online
Ardayda Dugisiga Sare ee Faarax Oomaar oo Xusay Maalinta Wad
Moderator: Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Ardayda Dugisiga Sare ee Faarax Oomaar oo Xusay Maalinta Wad
Faarax oomar great Halyeey Indeed.. You can read about His Biography on www.Buraoonline.com Somali History Section
Reer burao nShould have a Day for him as well, and Sheikh Bashiir

Reer burao nShould have a Day for him as well, and Sheikh Bashiir

-
- SomaliNet Super
- Posts: 8363
- Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
- Location: H-Town in Somaliland
Re: Ardayda Dugisiga Sare ee Faarax Oomaar oo Xusay Maalinta Wad
Liqaaye nabad horta,LiQaaye_TDH wrote:Faarax oomar great Halyeey Indeed.. You can read about His Biography on http://www.Buraoonline.com Somali History Section![]()
Reer burao nShould have a Day for him as well, and Sheikh Bashiir
Wali budhkii baad sidataa inaadeer...

Reer burco didn't even name school after him or malcaamad for that matter, let alone having a whole day for the man.


- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Ardayda Dugisiga Sare ee Faarax Oomaar oo Xusay Maalinta Wad
Dhegobacaylll.. Inaader nin Wax og ayaad tahay walle.. Thats very true, Reer Burco havent even named any shools after the Halyey.. But Remember there is a whole District Named After Faarax Oomar and a Police station in South Burco 

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Ardayda Dugisiga Sare ee Faarax Oomaar oo Xusay Maalinta Wad
Sheikh bashir international airport of burco



- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Ardayda Dugisiga Sare ee Faarax Oomaar oo Xusay Maalinta Wad
Mudane Emperior... Support the New Sheikh Bashir international Airport of Burco coming soon!The_Emperior5 wrote:Sheikh bashir international airport of burco![]()

-
- SomaliNet Super
- Posts: 8363
- Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
- Location: H-Town in Somaliland
Re: Ardayda Dugisiga Sare ee Faarax Oomaar oo Xusay Maalinta Wad
LiQaaye_TDH wrote:Dhegobacaylll.. Inaader nin Wax og ayaad tahay walle.. Thats very true, Reer Burco havent even named any shools after the Halyey.. But Remember there is a whole District Named After Faarax Oomar and a Police station in South Burco
I think that comes with the new Somaliland names.

You guys still have xaafad called October? Why didn't they call it Liqaaye distrct...?

- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Ardayda Dugisiga Sare ee Faarax Oomaar oo Xusay Maalinta Wad
Inaader Octoobar Xaafad is the Second Biggest Area in Burco, that area Cant be changed.. but the way i was reading there is Octoobar in Hareisa as well, and even in Ceerigaabo>Dhaga Bacayl wrote:LiQaaye_TDH wrote:Dhegobacaylll.. Inaader nin Wax og ayaad tahay walle.. Thats very true, Reer Burco havent even named any shools after the Halyey.. But Remember there is a whole District Named After Faarax Oomar and a Police station in South Burco
I think that comes with the new Somaliland names.![]()
You guys still have xaafad called October? Why didn't they call it Liqaaye distrct...?
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 448 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 1 Replies
- 413 Views
-
Last post by C O S T A
-
- 2 Replies
- 506 Views
-
Last post by CismanMaxamud1
-
- 0 Replies
- 405 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 315 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 819 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 1 Replies
- 377 Views
-
Last post by JSL3000
-
- 0 Replies
- 594 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 28 Replies
- 1563 Views
-
Last post by Khalid Ali