Careys Ciise Kaarshe - Guumeysi iyo Gobbannimo:
1.Ga’ gabay baa laga galaa
2. Gawaan waa lagu kufaa
3. Gadiid waa la cuskadaa
4. Goowaa laga dhaadhacaa
5. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]
6. Kol waa gaajo iyo dharag
7. Kol waa guud iyo gohaad
8. Kol waa roob soo gud ciya
9. Abaar xooluhu go’een
10. Waa yoom labadii gelin
11. Adduun geeri iyo nolol
12. Mid uun baa kula gudbane
13. Gumaysi iyo gobanimadu
14. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
15. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]
16. Kadeed baan soo marnoo
17. Maantana gaashaandhig iyo
18. Gaadiid baanu leenahayo
19. Gembiga waan geli karnaa
20. Gumaysi iyo gobanimadu
21. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
22. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]
23. Gaagabe wiil taagayoo
24. Korkiisii giijay iyo
25. Gurgurtaa taariikh iyo
26. Kumaan dood-gaar hayiyo
27. Daraawiish gaardidiyo
28. Kolkii aan gees kadayo
29. Galiilyaa iga kacdee
30. Gumaysi iyo gobanimadu
31. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
32. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]
33. Hub aad kuu gubahayiyo
34. Gantaalaan yeelanoo
35. Hadii meel lagu kacshaa
36. Kor iyo hoos lama gafna’e
37. Gumaysi iyo gobanimadu
38. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
39. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]
40. Calooshii gocan jirtiyo
41. Guhaaddii laga baxyoo
42. Galladi noo soo gashaye
43. Gumaysi iyo gobanimadu
44. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
45. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]
46. Nin goomoonaan jirraba
47. Garaadkiisuu hadloo
48. Geesbuu gaawe u cuftaye
49. Gumaysi iyo gobanimadu
50. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
51. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]
52. Gurrac iyo gacambid hayn
53. Af-xumaddii goor walbiyo
54. Ganaaxii lama arkee
55. Gumaysi iyo gobanimadu
56. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
57. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]
58. Gamboonaantii horiyo
59. Godkii laga soo baxyoo
60. Gudcurkii kuma jirna’e
61. Gumaysi iyo gobanimadu
62. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
63. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]
64. Mudanayaal geesiyoo
65. Kursiga loo doortay iyo
66. Gudoonshe Mineestar iyo
67. Madaxweyne guud
68. Garsoorraan yeelanaye
69. Gumaysi iyo gobanimadu
70. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
71. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]
72. Xornimadaa gaamurtiyo
73. Luulyow Gawdeeda iyo
74. Gegada loo soo baxiyo
75. Garwaaqsiga maalintiyo
76. Ganuuniga dhacahayana
77. Waa guul noo soo gashaye
78. Gumaysi iyo gobanimadu
79. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
80. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]
81. Waaggii gaaladdu fadhiday
82. Garaada haddii la xulo
83. Korkeeni loo dhigaa
84. Isbatoor gaasfuriyo
85. Kablow lama dhaafi jirin
86. Maantana geeddanaan watiyo
87. Taleeti is giija iyo
88. Mindir gaasmeera iyo
89. Kabtankii iyo kormeer
90. Garoon haasaw leh baa
91. Garbaha loo xuubsadaye
92. Gumaysi iyo gobanimadu
93. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
94. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]
95. Xafiis aad soo gashoo
96. Nin gacalkaa ihi fadhiyo
97. Dantaada uu kuu gudiyo
98. Afkiisaba kaan la garan
99. Haloo fiirsha’e gadaal
100. Gumaysi iyo gobanimadu
101. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
102. Ga’dii kale waxaan lahaa [Hee]
103. Arday kumanyaal ahoo
104. Galaas wada dhaatayoo
105. Tacliintoodii gutoo
106. Kooris qaar galahayana
107. Haloo fiirsha’e gadaal
108. Gumaysi iyo gobanimadu
109. Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]



