MADAXWAYNAHA MAAMULKA SOMALILAND OO SAFAR QARSOODI AH KU TAG

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

MADAXWAYNAHA MAAMULKA SOMALILAND OO SAFAR QARSOODI AH KU TAG

Post by ina aadan »

ADDIS ABABA - Madaxwaynaha maamulka Somaliland, Dahir Riyaale, ayaa safar aan horey loo faafin ugu kacay shalay dalka Jabuuti, Itoobiya iyo Farnsiiska.



Waxaa madaxweyne Riyaale safarka ku wahiliya qar ka mid golaha wasiiraddisa iyo madaxa dakada Barbara.



Lama garanayo sababta looga dhigay safarkiisa mid qarsoon laakiin dad ku dhaw dawlada Riyaale ayaa laga soo xigtay in madaxwaynuhu ka helay dalka Faransiiska martiqaad rasmi ah.



Madaxwayanaha yaa la filaya in uu ku hakado dalka Jabuuti si uu ula kulmo safiirka Faransiiska oo dhawaan booqasho ku tagay maamulka Soomaliland.



Hakashada Jabuuti ka sakow, waxa uu Riyaale booqanaya Addis Ababa halkaas oo la filayo in uu kula kulmo madax ka socota dalka Itoobiya iyo qaar ka mid ah diblamaasiyiinta shisheeye ee fadhigoodu yahay Itoobiya.



Waxaa aad loo hadal haya in safarka Riyaale uu salka ku hayo heshiis u doonayo in uu la galo shirkad Faransiis ah oo la filayo in ay maalgalin ku samayso dakada Berbara. Shirkada oo lagu magaacabo Bolloré Africa Logistics ayaa doonaysa in ay lacag dhan 700-milyan oo doolar ku maal galiso dakada Barbara.



Madaxda shirkada Bollore ayaa kulan gaar ah la yeeshey Meles Zenawi kal hore.



Xukuumada Somaliland ayaa aad isugu dhabar jabisay in ay ka dhaadhiciso Itoobiya adeegsiga Barbara hasayeeshe xukuumada Addis ayaa wali arrintaa ka cagajiidaysa..



Dawlada Itoobiya ayaa doorbidaysa dakadaha Jabuuti iyo Casab balse waxa ay kordhisay in ay si dadban u adeegsado dakada Barbara tan iyo intii ay isku dhaceen xukuumada Asmara.



Lama hubo in heshiiska uu u socdo Riyaale uu hirgalayo iyo in kale iyada oo maalgaliyaashu saadaalin karin arrimaha Soomaaliya.



Dhanka kale, dawlada Jabuuti ayaan marna raali ka noqon karin heshiis noocan ah iyada oo taasi wax u dhimi karta dhaqaaalaha wadankaasi.



editor@somalistate.com
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: MADAXWAYNAHA MAAMULKA SOMALILAND OO SAFAR QARSOODI AH KU TAG

Post by Siciid85 »

Source? i know about him going to france & Djibouti, but no somaliland website mentioned about him going to Ethiopia.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”