Lasanod Online- Sunday, April 25, 2010
Garoowe,(Lasanod Online)- Waxaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland lagu dhacay gaadhigii khaaska ahaa ee Garaad Jaamac Garaad Cali-
Gaadhiga Garaadka ayaa ay ka qaadeen niman direyska ciidanka watay dareewalkii waday mar ay kaga daba yimaadeen kaantaroolka magaalada isagoo kusoo waajahan dhanka Buuro Wadal.
Darawalka gaadhiga laga qaaday oo khadka Telefoonka aan kula xidhiidhnay isagoo taagan halkii baabuurka lagaga qaaday ayaa wuxuu noo xaqiijiyay in niman askara ay ka qaadeen baabuurkii iyo sidoo kale telefoonkii gacanta.
Dareewalka oo lagu magacaabo Max'ed Cabdicasiis ayaa wuxuu noo sheegay in muddo kadib ay usoo celiyeen baabuurkii iyagoo u sheegay in baabuurka ay ku khaldeen kii Garaad Jaamaac Garaad Ismaaciil.
Darewalku wuxuu noo sheegay inaanu furaha ka qaadan askarta, isagoo jawaab ku celiyay in labada Garaad baabuurtoodu isku mid yihiin sidaa awgeed haysta kanba hadaad markii horeba iga qaadeen.
Arrintan ayaa si wayn hada loo hadal hayaa Magaalada Garoowe, iyadoo aan la ogayn sababta keentay in Maamulka Garoowe uu bartilmaameedsado Gaadiidka Gaarka ah ee labada Garaad ee Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaciil.
Wariye: Abdiqani I. Goox
admin@lasanod.com
Xafiiska Wararka Lasanod Online, Laascaanood.



