Because An Iraqi Cockroach Got Killed, Somalis must die
Posted: Tue Apr 27, 2010 1:12 pm
Shabaab oo qaraxi ismiidaaminta maanta ugu aaray Abu Cumar Al Baqdadi iyo AMISOM oo ka hadashay weerarka
Kooxda Shabaab ayaa marki ugu horeysay si rasmi ah uga hadashay qaraxi maanta lagu weeraray AMISOM ee ismiidaaminta ahaa iyaga oo ku sifeeyey mid aargoosi ahaa.
Afhayeenka Shabaab Cali Dheere oo shirjraa'id qabtay ayaa carabka ku adkeeyey in qaraxaasi ay ugu aareen laba homaaye oo ka tirsanaa Al Qaacidada dalka Ciraq kuwaas oo kala ah Abu Cumar Al Baqdadi iyo Abu Xamsa oo lagu dilay Ciraaq.
"Waxaan ugu aarnay laba walaal oo ka mid ahaa geesiyaasha Islaamka oo ay gaalada dhawaan ku dileen duqeymo kuwaas oo kala ah Abu Cumar Al Baqdadi iyo Abu Xamsatul Muxaadir, Islaamka meel kasta uu joogo waa walaalo wuuna isu aarayaa, waxaan ka aaryenaa mushrikiinta meel kasta oo ay joogaan" ayuu intaasi sii raaciyey.
Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in weerarka uu qeyb ka ahaa sidii ay ugu aari lahaayeen dad Soomaaliyeed oo ay dhawaan ciidamada dowlada ka saareen guryaha ay maanta lagu weeraray AMISOM.
Dhinaca kale Afhayeenka AMISOM Major Brijiye Bohuko oo isna shir jaraa,id ku qabtay Muqdisho ayaa beeniyey in qasaaro xoog leh uu kasoo gaaray qaraxi maanta,wuxuu ku adkeystay in ciidamadoodu ay fashiliyeen qarax ismiidaamin ah.
Cali Dheere ayaa faah faahin ka bixiyey sida uu u dhacay qaraxa iyo qasaaraha uu geystay.
"Waxa ka dhacday Muqdisho camaliyo istishhaadiyo ah oo barakeysan waxaa lagu qaaday bankigi hore ee Ganacsiga oo ay hada daganyihiin gaalada loogu yeero AMISOM, xogta dhabta ah ee aan ka heyno ayaa ah in uu gabi ahaan baab,ay gurigii bankiga, waxaa ku dhintay labaatameeyo ka tirsan gaalada" ayuu yiri Sheekha.
Qaraxan ayaa waxaa fuliyey sadex nin oo watay gaari UD ah waxaana inti aysan gudaha u galin rasaas ku furay askari ka tirsan AMISOM inyar kadibna gaariga ayaa ku qarxay afaafka hore.
Dhinaca kale AMISOM oo ka hadashay waxay beenisay in askar badan ay kaga dhimatay.
Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa sheegay in laba askari ay kaga dhaawacantay qaraxi ismiidaaminta ahaa.
Hoyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com