Wasiirka Maaliyada Oo Baarlamaanka Horgeeyey Miisaaniyada 2010-Ka Oo Dhan Sadex Boqol Iyo Sadex Iyo Lixdan Bilyan (363 Billion) Oo Uu Ku Jiro Kharashkii Doorashada Madaxtooyada Iyo Wakiiladu
“Waxaanu Ugu Talagalnay Doorashadan 2 Milyan Oo Dollar, Waanuna Diyaarinay, Komishankana Waxaanu Shalay U Sii Daynay Oo Ay Qaateen $1 Milyan”.
“Waxaanu Idin Leenahay Noo Soo Duceeya, Idinkana Waanu Idiin Soo Ducaynaynaa In Mar Kale La Idin Soo Doortee” Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale
Hargeysa, April 27, 2010 (Haatuf) - Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa Golaha Wakiilada Horgeeyey fadhigoodii shalay horgeeyey Oddoroska Miisaaniyad-sanadeedka 2010-ka, oo cadadkeedu dhan yahay sadex boqol iyo sadex iyo lixdan bilyan (363,808,584,812 ) S/land Shiling oo lagu soo daray kharashkii doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada oo wada jir loogu qoondeeyey 14,507,937,500 S/land Shiling.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), oo fadhiga shalay gudoominayey oo wasiirka maaliyada oo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan wasaaradaasi ayaa waxa uu wasiirku golaha soo hordhigay odoroska miisaaniyada 2010-ka oo ka kooban sadex boqon iyo sadex iyo lixdan bilyan S/land Shiling oo uu ku jiro kharashka doorashada madaxtooyada iyo wakiilada oo cadadkoodu dhan yahay afar iyo tobon bilyan (507,937,500) S/land Shiling, taas oo miisaaniyadii 2009-ka oo dhamayd laba boqol iyo shan iyo lixdan bilyan boqol iyo sagaashan boqol iyo afar, todoba boqol iyo laba iyo sodon S/land Shiling (265,190,104,732).
Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo golaha wakiilada sharaxaad iyo faahfaahin ka siiyey odoroska miisaniyada 2010-ka iyo asbaabaha keenay korodhka ayaa ku sababeeyey furitaankii dhoofka xoolaha ee loo furay sayladaha Sucuudiga.
Wasiirka Maaliyadu Mudane Cawil oo ka waramaya ku talo galka odoroska miisaaniyada 2010-ka ayaa waxa uu ku bilaabay hadalkiisii “Waxaa maanta Farxad weyn ii ah in aan idin horkeeno Oddoroska Miisaaniyad-sandeedka 2010, waxaanan ka cudur daaranaynaa in dib u dhac ku yimid xilligii aanu soo gudbin lahayn, waayo waxa jiray Wasiiro dalka dibedda uga maqnaa iyo qaar ku maqnaa Gobolka Sool oo hawlo shaqo u joogay, kuwaas oo naga codsaday in aanu la sugno, waxaanan idiin ogahay in aad si fiican noogu dul qaadateen intii aanu la maqnayn oo aydaan warbaahinta waxba ku qorin, wanaan idinka mahadcelinayaa in aad nala fahamteen duruufta timid, Miisaaniyadan waxa ku jira Misaaniyadii loogu talo galay doorashada madaxtooyada, oo ay ku xidhan tahay mustaqbalka ummaddeena iyo ictiraaf aynu ka helno beesha caalamka, taas oo ah doorashado xor oo xalaal ah oo aan lahayn dib u dhac dambe. Waxaanu ugu talogalay doorashadan 2 Milyan dollar, waxaanuna diyaarinay guddida doorashooyinka lacagtaas, imikana Hal Milyan waanu u sii daynay oo shalay ayey qaateen. Sidoo kale waxa ku jira Miisaaniyadan tii doorashada golaha Wakiilada loogu talo galay, waxaanu idin leenahay noo soo duceeya (Xukuumadda), idinkana waanu idiin soo ducaynaynaa in dib mar kale la idiin soo doorte’e”
Wasiirka maaliyada Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ka waramay shaxda miisaaniyada iyo saamiyada hay’adaha dawlada waxa uu yidhi “ miisaaniyada 2010 waxay dhan tahay 363,808,584,812 oo shilinka Somaliland ah, waxaanay ka kala iman doontaa dawladda dhexe oo laga filayo 310,259,111,704 oo Sh/Sl, oo Dekadda Berbera 28,167,118,628 S/land shiling, Wakaalada Biyaha ee Hargeysa,17,535,408,348 oo Sh/Sl iyo Wakaalada Xoogga Korontada oo laga filayo inay soo xarayso dhakhli dhan 7,846,946,132 Sh/Sl”
Wasiirku isagoo ka waramay meelaha ay dakhliga ka filayaan ee ay ka soo baxayaan lacagahaasi waxa uu yidhi
“ Kastamada laba boqol iyo laba iyo afartan bilyan oo u dhiganta 78 %
Cashuuraha Bariga afar iyo labaatan bilyan oo u dhiganta 8.05 %
Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta 372 milyan oo u dhiganta 0.12 %
Wasaarada Horumarinta reer miyiga 224 malyuun oo u dhiganta 0.07 %
Maxkamadaha 240 milyan oo u dhiganta 0.08 %
Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha 37 malyuun oo u dhiganta 0.01 %
Wasaaradda Qorshaynta Qaranka 125 malyuun oo u dhiganta 0.04 %
Dekedda Berbera laba bilyan oo u dhiganta 0.64 %
Deeqaha D/hoose shan bilyan oo u dhiganta 1.61 5%
Deeqaha iyo Daymaha laba bilyan 8.38 %
Wasaaradda Warfaafinta 18 malyuun oo u dhiganta 0.01 %
Wasaaradda Ganacsiga laba bilyan oo u dhiganta 0.96 %
Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Saddex bilyan 1.04 %
Laanta Socdaalka laba bilyan 0.94 %
Kuwaas oo isku noqonaya Totelkooda guud 310 bilyan S/land Shiling” isagoo ka waramaya siduu dakhligaasi kharash u kala baxayana waxa yidhi “ Mushaharooyin boqol iyo sagaal iyo soddon bilyan oo u dhiganta 44.84 %
Raashin sideed iyo soddon bilyan oo u dhiganta 12 %
Wakiiladda Somaliland ee dibadaha laba bilyan oo u dhiganta 0.91 %
Isgaadhsiinta laba bilyan oo u dhiganta 0.74 %
Shidaalka Sideed iyo toban bilyan oo u dhiganta 5.94 %
Stationary laba bilyan oo u dhiganta 0.80 %
Sagaal bilyan oo u dhiganta 2.99 %
Adeegyada Toddoba iyo Sagaashan bilyan oo u dhiganta 31.53 %, waxaanu sheegay in kharashaadkaasi ay ku baxaan adeegyada bulshada, nabad galyada, maamulka, siyaasada iyo mashaariicda guud.
Guddoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) ayaa gabagabadii mudanayaasha u sheegay in mudo todobaad ah ay soo naaqishaan odoroska miisaaniyada 2010-ka si ka dib su,aalo looga waydiiyo wasiirka.
Somaliland Budget 2010
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:

Re: Somaliland Budget 2010
Can some calculate it in dollars.
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Somaliland Budget 2010
Wasaaradda Maaliyadda oo Wakiillada Hordhigtay Miisaaniyad kuwii Hore ka Badan oo Muddo-dhaaftay
Sasabashadii iyo Suul-dhabaalayntii Wasiir Cawil, Saluugii Mudanayaasha Wakiillada iyo Sarbeebihii Duur-xulka ahaa ee Hoos la Isugu Dhigayey
“Waxaan aaminsanahay in aydun noogu ducaynaysaan [UDUB] in aanu doorashadan guulaysano, idinkana waanu idiinku ducaynaynaa inaad guulaysataan oo soo noqotaan”
Wasiirka Maaliyadda
Hargeysa (Jam)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa shalay Golaha Wakiilladda horgeeyey miisaaniyad-sannadeedka 2010-ka ee dawladda oo dhawr bilood ah dib uga dhacday waqtigii loogu talogalay.
Fadhigii shale ee Golaha Wakiilladda oo uu hagayey Guddomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen wefti ka socda Baarlamanka dalka Uganda oo dalka booqasho ku jooga, ayaa Wasiirka Maaliyadda oo ay weheliyaan saraakiisha sarsare ee wasaaraddaasi waxay golaha soo hordhigeen odoraska miisaaniyadda qaranka ee sannadkan oo la sheegay inay tahay mid ka badan tii sannadkii hore, laguna soo daray lacagayow aan hore miisaaniyadaha loogu soo dari jirin.
Wasiirka Maaliyadda oo golaha ka hor akhriyey khudbad uu ku naaqishayey miisaaniyadda wasaaraddiisu soo diyaarisay, qaybaheeda kala duwan iyo xadiyadda lacag ah ee meel walba ka soo baxday, ayaa shaaca ka qaaday in tirada lacagta miisaaniyadda ee sannadkani dhan tahay 363 bilyan oo shillinka Somaliland ah, taas oo noqonaysa tii ugu badnayd ee dalku yeesho, waxaannu ku sababeeyey koradhkaasi dhoofka xoolaha nool ee la furay iyo suuqa ganacsiga xorta ah oo sii kordhaya.
Md. Cawil oo muddo ka badan saacad la hadlayey Golaha Wakiillada, ayaa khudbadiisa waxa dhextaal u ahaa weedho sasabasho iyo suul-dhabaalayn isugu jiray oo uu mudanayaasha kaga dalbayey inay si degdeg ah u meelmariyaan odoraska miisaaniyadda uu horkeenay, balse dalabkaas wasiirka waxa ka gows-qaniinay qaar ka mid ah mudanayaashii fadhiga ka qaybgalay oo hadalo tuurtuur ah oo lidi ku ah, kuna naqdiyayeen weedhaha wasiirka kaga jawaabayey, waxaanay qaarkood Shirguddoonka ka dalbanayeen in aan waqtiga lagu lumin miisaaniyad muddo-dhaaftay ee masuuliyiinta sidataa iskala noqdaan.
Wasiir Cawil oo hadalkiisa ku furay cudur-daar uu ka bixiyey dib-u-dhaca ku yimi soo gudbinta miisaaniyadda oo uu ku macneeyey inay sabab u ahayd wasiiro dalka ka maqnaa iyo qaar kale oo ku sugnaa magaaladda Laascaanood oo ka dalbaday in lala sugo miisaaniyadda. Haseyeeshee cudurdaarkaasi ma noqon mid wada qanciya xildhibaanada, waxaanay qaar ka mid ahi sare ugu dhawaaqeen erayo ka dhan ah wasiirka, “Dastuur baa jira oo markaasaad leedahay wasiiro ayaa i yidhi ila sug, waxaasi soconmaayaan.” Sidaa waxa golaha ka dhex yidhi Md. Ibraahim Axmed Haybe oo ka mid ah mudanayaasha ka soo baxay xisbiga KULMIYE.
Wasiir Cawil oo mar kale xildhibaanada ku tuuray hadal duurxul ah, isagoo dib-u-dhaca miisaaniyadda ugu gabbanaya waxa uu sheegay inuu mahad wayn oo aan la iloobayn u hayo Golaha Wakiillada, maadaama ay u dulqaateen muddadii uu la habsaamay soo gudbinteeda, warbaahinta aanay ka sheegin, “Waxa xilkasnimada iyo sharafta ka mid ah in marka hawl qaran dib u dhacdo amaba qabyo ku timaado in la isu dulqaataa masuuliyadda ina saaran ayey ku jirtaa, golahana masuuliyad gaar ah ayaa saaran, duruufo hadday yimaadaan in marka loo micneeyo aqbalaan waa lagama maarmaan. Aad baanad u mahadsan tihiin, waana mid aannu idiin xasuusanahay,” ayuu yidhi Md. Cawil.
Wasiirka Maaliyadda oo ka waramayey miisaaniyadda iyo ahmiyadeeda, waxa uu sheegay inay xambaarsan tahay saddex arrimood oo aad muhiim ugu ah dalka, kuwaas oo kala ah doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo lacagihii lagu qabanayey ku jiraan iyo adkaynta nabadgelyada iyo tayo-gelinta ciidammada qaranka, si ay awood ugu yeeshaan durbaano colaadeed oo gobolka ka socda, kana difaacaan dalka cadow kasta oo isku daya inuu mijo-xaabiyo Somaliland.
“Wixii miisaaniyad ku saabsan doorashada in aanu diyaarano waa masuuliyad na saaran weeyaan, qoladan deeq bixiyayaashu waxa ay na saareen laba malyuun iyo badh Dollar, iyaguna todoba malyuun oo Dollar ayey bixinayaan. Guddiga Doorasooyinka waanu u diyaarinay labadii malyuun, waxaanuna shalay u sii daynay hal malyuun oo ay ku qaybinayaan kaadhadhka cusub, malyuunka kalena in aanu doorashada ugu hayno ayey naga codsadeen.”
Wasiir Cawil waxa uu xildhibaanada Golaha Wakiillada ku af-gobaadsaday inuu miisaaniyaddan ku soo daray kharashkii lagu qaban lahaa doorashadooda oo bilo koobani ka hadheen, taa beddelkeedana waxa uu ka codsaday inay xisbiga UDUB ugu duceeyaan doorashada inuu ku guulaysto, waxaannu yidhi, “Miisaaniyaddani doorashadiinii [Golaha Wakiillada] ayey xambaarsan tahay oo lacagteedii way ku jirtaa, waana muhiim, waxaanan aaminsanahay in aydun noogu ducaynaysaan [UDUB] in aanu doorashadan guulaysano, idinkana waanu idiinku ducaynaynaa inaad guulaysataan oo soo noqotaan.”
Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay in sannadkan markii u horraysay miisaaniyadda qaranka lagu soo daray qaar ka mid ah wakaaladaha madaxabannaan sida Wakaalladda Biyaha iyo Warshadda Xoogga Korantada oo aan hore ugu jiri jirin.
Md. Cawil oo ka hadlayey tirada lacagta miisaaniyadda uu Golaha Wakiillada soo hordhigay waxa uu yidhi; “Odoroska miisaaniyada sanadkan ee dawlada dhexe waxa ka muuqda korodh ballaadhan, marka loo eego tii kal hore oo ahayd 265 bilyan, miisaaniyadda sannadkani waa 363 bilyan shillin oo Somaliland, hlkaa waxa ka muuqda korodh aad u balaadhan, korodhkaasina waxa uu ka yimid suuqa xoolaha ee la furay dhawaan.”
Wasiirka oo sharraxayey xadiga miisaaniyadda uu Golaha horkeenay iyo meelaha ay ka soo kala baxday, waxa uu yidhi, “Odoraska Miisaniyada 2010 lagu soo kordhiyey labada wakaaladood Biyaha iyo Xoogga Korantada Hargeysa oo sannadihii hore aan ku jirin waxay u kala baxdaa sidan;
1. Dawlada dhexe 310 Bilyan 259, 111, 704
2. Dekedda Berbera 28 bilyan 167, 118, 628.
3. Wakaalada Biyaha 17 bilyan 535, 408, 348.
4. Wakaalada laydhka 7 bilyan 849, 946, 132.
Isugeyntoodu waa 363 bilyan 808, 584, 812.
Waxaan xusuusinayaa golaha sharafta leh miisaaniyadda markii aan wasiirka noqday waxaanu ka soo qaadnay oo ay ahayd 79 bilyan maanta waxay maraysaa 363 bilyan, taasi waa dadaal Wasaaradda Maaliyaddu muujisay ee waxaannu idinka codsanaynaa inaad intaa noo qirtaan.
Odoraskaas miisaaniyadda waxa ka muuqda koradh ballaadhan marka loo eego tii sannadkii hore oo ahayd 265 bilyan, koradhkaasina waxa uu ka soo jeedaa dhinaca ku talogalka suuqa xoolaha ee la furay iyo baahiyaha kharashaadka awalba taagnaa oo ay ka mid yihiin koradhka ciidammada, qalabayntooda, shaqaalaha iyo sicirka raashinka oo aan meel fadhiyin.”
Wasiirka Maaliyaddu waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyey lacagta ka soo xaroota hay’adaha iyo goobaha cashuuraha ee dalka oo uu sheegay inay ku saleeyeen miisaaniyadda, waxaanna isagoo meelahaasi mid mid uga waramaya xadiga lacagta ah ee laga helo uu yidhi; “Tafaasiisha dakhiliga oo u baahan in culays iyo xoojin qaran la saaro soo ururintiisa, waxaannu odorasnay in dakhliga aannu ku qoondaynay miisaaniyadda 2010 uu ka soo xaroodo goobahan;
1. Kastamada, waxaannu ka filaynaa 242 bilyan 145,798,856 u dhiganta 78.05%
2. Cashuuraha berriga, waxaannu ka filaynaa 24 bilyan 968,572,653 noqonaysa 8.05%
3. Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, waxaannu ka filaynaa 372 bilyan 766,636 u dhiganta 0.12%
4. Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga, waxaannu ka filaynaa 224 milyan 724,701,012 oo u dhiganta 0.07%
5. Maxkamadaha, waxaannu filanaynaa 240 bilyan144,999 u dhiganta 0.08%
6. Wasaaradda Macdanta Biyaha 37 milyan 486,533 oo u dhiganta 0.01%
7. Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, waxaannu ka filaynaa 25,000,000 malyuun oo u dhiganta 0.04%
8. Dekedda Berbera waxaannu ka filaynaa 2,000,000,000 bilyan oo u dhiganta 0.064%
9. Deeqaha dawladda hoose, waxaannu ka filaynaa 5,000,000,000 bilyan oo u dhiganta 0.061%
10. Deeqaha iyo daymaha waxaannu ka filaynaa 26,000,000,000 u dhiganta 8.38%
11. Wasaaradda Warfaafinta, waxaannu ka filaynaa 18 milyan 018,362 u dhiganta 0.01%
12. Wasaaradda Ganacsiga, waxaannu ka filaynaa 2 bilyan 989,161,019 u dhiganta 0.96%
13. Wasaaradda Duulisa iyo Gaadiidka Cirka, waxaannu ka filaynaa 3,233,065,479 oo u dhiganta 1.04%
14. Laanta socdaalka, waxaannu ka filaynaa 2,904,396,154 oo u dhiganta 0.94%
Isugu geyn 310,259,111,704.”
Mar uu sharraxayey sida loo isticmaalo kharashka miisaaniyadda dawladda iyo meelaha ugu badan ee uu ku baxo, waxa uu yidhi; “Madaxyada kharashyada miisaaniyadda u kala baxdo;
Mushahar iyo gunnooyin oo noqonaya 44.84% oo u dhiganta 139,115,694,356.
Raashinka ciidammada, maxaabiista, cusbitaallada iyo agoomaha oo ah 12.25% lacag ahaan u dhiganta 38,004,843,528.
Danjirayaasha wakiillada Somaliland dibedda ku leedahay 0.91% una dhiganta 2,835,714,000
Kharashka isgaadhsiinta oo noqonaya 0.74% lacag ahaan u dhiganta 2,299,586,132
Shidaalka iyo saliidaha oo noqonaysa 5.94% lacag ahaan u dhiganta 18,416,738,306
Qalabka xafiisyada iyo daabacadaada 0.80% oo u dhiganta 2,477,659,318
Hawlaha gurmada qaranka oo noqonaysa 2.99% una dhiganta 9,276,033,256
Kharashka adeegyada kale ee maamulka dawladda oo noqonaya 31.53% una dhiganta 97,832,842,808
Isugu geyn 100% = 310,259,111,704.”
Ugu dambayntii Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale, waxa uu Golaha Wakiillada ugu baaqay inay ansixinta miisaaniyadda tixgelin gaar ah siiyaan, “Aniga oo aan waxba kala hadhayn dadaalka lagu hirgelinayo odoraska miisaaniyadda sannadka 2010, kuna kalsoon in si wadajir ah golaha sharafta leh iyo xukuumadduba ka midho-dhalin doono, waxaannu si sharaf iyo maamuus leh idiinka codsanaynaa ansixinta miisaaniyadda qaranka ee maanta hortiina taala sida ugu dhakhsaha badan.”
Jamhuuriya Online

- Mr_Alfaas
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3439
- Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
- Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland
Re: Somaliland Budget 2010
Sxb 363 Billion waa 363,000,000,000 SL SH.Halki Dollar wa apprx 6500 SL SH.....Marka 363 Billion u qaybi 6500 SLSH ....its comes to 55,846,153.84$...
Approx wa 55 million ama 56 Million Approx
Hope that makes sense.
Approx wa 55 million ama 56 Million Approx
Hope that makes sense.

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Somaliland Budget 2010
Tnx Mr alfaas For the xisaab

- Keyse_0208
- SomaliNet Super
- Posts: 9898
- Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
- Location: L D N
- Contact:
Re: Somaliland Budget 2010
The_Emperior5 wrote:Sadex Boqol Iyo Sadex Iyo Lixdan Bilyan (363 Billion)

- Mr_Alfaas
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3439
- Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
- Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland
Re: Somaliland Budget 2010
The_Emperior5 wrote:Tnx Mr alfaas For the xisaab![]()
![]()
its oki Sxb.
Ilaahay kuma soo celiyo.................war miyaanu dharginba wali..........Waxaanu Idin Leenahay Noo Soo Duceeya, Idinkana Waanu Idiin Soo Ducaynaynaa In Mar Kale La Idin Soo Doortee” Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale

- HooBariiska
- SomaliNet Super
- Posts: 7692
- Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
- Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'
Re: Somaliland Budget 2010
Keyse_0208 wrote:The_Emperior5 wrote:Sadex Boqol Iyo Sadex Iyo Lixdan Bilyan (363 Billion)
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()
![]()

-
- SomaliNet Super
- Posts: 8363
- Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
- Location: H-Town in Somaliland
Re: Somaliland Budget 2010
[quote="
1. Dawlada dhexe 310 Bilyan 259, 111, 704
2. Dekedda Berbera 28 bilyan 167, 118, 628.
3. Wakaalada Biyaha 17 bilyan 535, 408, 348.
4. Wakaalada laydhka 7 bilyan 849, 946, 132.
Isugeyntoodu waa 363 bilyan 808, 584, 812.
[/quote]
What happen to WAJAALE and qad traders tax money? That is where the majority of the revenue is generated in daily bases.

- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 1866 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 14 Replies
- 1203 Views
-
Last post by CismanMaxamud1
-
- 22 Replies
- 1898 Views
-
Last post by Aseelah-Raaida
-
- 7 Replies
- 1088 Views
-
Last post by AbdiJohnson
-
- 6 Replies
- 1217 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 2 Replies
- 599 Views
-
Last post by Deqa111
-
- 54 Replies
- 4736 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 11 Replies
- 1318 Views
-
Last post by Mr_Alfaas
-
- 14 Replies
- 1921 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 535 Views
-
Last post by The_Emperior5