Laascaanood ma qabiil gaar ah baa qabsaday mise maamulka Som

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Laascaanood ma qabiil gaar ah baa qabsaday mise maamulka Som

Post by Siciid85 »

Laascaanood ma qabiil gaar ah baa qabsaday mise maamulka Somaliland?
Written by C/xakiim Dirir
Apr 28, 2010 at 11:56 AM


Waxaa gobolada Sool, Eastern Sanaag iyo Buuhoodle ka taagnaa 20-kii sanadood ee ugu danbeeyey loolan siyaasadeed oo hadba heer marayey,waxaana ay garaadada iyo waxgaradka beesha dhulkaas degtaa ay shirar ku yeesheen Boocame bilowgii sanadkii 1991-kii,waxayna samaysteen hogaan iyo maamul u gaar ah goboladaas,waxaana la sameeyey khasuusi ka talisa aayaha dadka,iyadoo lagu bixiyey maal iyo juhdi badan shirkaas.

Masuuliyiintii shirkaas la doortay ayaa qayb ka noqday waftigii shirarkii lagu dhisay Somaliland uga qayb galay gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle,waxayna maamulkii iyo khasuusidii ka mid noqdeen maamuladii ugu horeeyey ee Somaliland,sida ala ha u naxariistee madaxii loo doortay hogaanka shirkii Boocame Fagadhe,waxayna khasuusidii ka mid noqdeen golayaasha Somaliland,iyadoo ay shirarkaas wada fadhiyeen garaadadii wakhtigaas jirey oo ay ka mid ahaayeen ala ha u naxariistee Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed,iyadoo Garaad Ismaaciil ku maqnaa dhinaca koonfurta Soomaaliya oo wakiilo u joogeen,waxayna garaadadu qoreen dadkii beeshaas uga midka noqday golayaasha maamulka cusub ee Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee maamulkii ama hogaankii lagu sameeyey Boocame,kalama aanu tashan shacabkii iyo umadii dooratay ee waxay si shakhsiyan ah ula galeen heshiis maamulkaas,waxayna ku heleen darajooyin.
Waxaa 8 sano kadib la sameeyey maamulka Puntland,waxaana siyaasiyiintii jagooyinka ka soo qabtay maamulka Somaliland ee markaas xilkoodii waayey ay hadana jagooyin ka heleen maamulkii cusbaa ee Puntland,iyadoo ay weli gacanta hayaan Garaadadii Hargeysa geeyey,ilaa 10 sano kadib uu maamulkii Puntland noqday mid kii Somaliland ee laga cabanayey ka daran oo beel kali ahi ay maroorsatay awoodii,waxaana maamulka Puntland uu soo kala dhoweystey jifooyinka beesha SSB,waxaana ay jifooyinkii ama siyaasiyiintii dulmiga ka tirsaday Puntland ay hadana mar kale u gacan haadiyeen maamulkii Somaliland oo ay ku caawiyeen inuu si sahal ah ula wareego maamulka dhulka beeshaasi degto oo ay ugu weyn tahay magaalada Laascaanood,jifooyinkaas oo ah jifooyinka dega deegaanada ku hareeraysan Laascaanood,iyo badanaa magaalada Laascaanood laftigeedaba.
Si kastaba ha ahaatee wakhtiyadii ay magaalada Laascaanood ku sugnaayeen labada maamul dad kala metela oo isla beesha ah,iyo weliba labada ciidan waxaa dadku u arkayeen arin iska caadi ah,maadaama aan maamul keliya ahi aanu ka talin dhamaan dhulka.
Arintu waxay is bedeshay markii ciidan uu wato nin lagu magacaabo Ina Afgaduud oo ka soo jeeda gobolk Bari uu isaga oo wata ciidan ku hubaysan tikniko badan soo maray tuulada Dabataag iyo Kalabaydh,isaga oo markaa ku andacoonayey inay kala dhexgalayaan laba beelood oo walaalo ah oo halkaas xurgufi ku dhex martay,balse wuxuu si lama filaan ah u soo galay Laascaanood,markaas oo ahayd markii ugu horeysey ee ciidan aan u dhalan magaalada uu soo galo,waxaana isla markiiba uu Afgaduud bilaabay inuu guryaha ka saaro dadkii taageersanaa maamulka Somaliland,isaga oo sheegay inuu banaynayo guryaha dawlada,waxaana dadka guryaha laga saaray ka mid ahaa masuuliyiin u dhalatay Laascaanood oo ka tirsan Somaliland,waxaana ay masuuliyiintaasi u baxeen dhinaca Yagoori,halkaas oo ay isku urursadeen,waxaana markaas bilowday hadalo iyo isu soo urursi ka dhex bilowday labada maamul,waxaana xigay dagaalo fooda la is daray oo ka dhacay inta u dhaxaysa Laascaanood iyo Yagoori,waxaana ku naf waayey dad badan oo ka tirsanaa ciidamada labada maamul oo ay labada dhinacba ka mid ahaayeen dad ka soo jeeda gobolada SSB.
Kadib dagaalo dhacay ugu yaraan 3 jeer oo mararka qaarkood maxaabiis la kala qabsaday ayaa keenay in 15 oktoobar 2007,ay awooda magaalada Laascaanood iyo guud ahaanba gobolada SSB ay la wareegaan maamulka Somaliland,waxaana saraakiil badan iyo siyaasiyiin ka soo jeeda goboladaas ay u wareegeen dhinaca Somalialnd,waxaana magaalada Laascaanood iyo tuulooyinka ku xeeranba laga abaabulay malasyhiyo beeleed taageersan Somaliland,kuwaasoo ka qayb qaatay dagaalkii uug danbeeyey.
Hadaba hadaan u soo noqono ciwaanka maqaalka oo ah Laascaanood ma qabiil baa qabsaday,mise maamul,ayaa dadku ka kala bixinayaan fikrado kala duwan,kuwaasoo qaar aaminsan yihiin ama laga dhaadhiciyey in qabiilka Isaaqa ay qabsadeen dhulkoodii,oo u arka maamulka Somaliland maamul ay beeshaasi leedahay,kuwa kale ee ka midka ah maamulkaas ee aan beeshaas ahayna ay yihiin kuwo u shaqeeya oo aan cidna metelin.
Kuwo kale ayaa u arka in waxa isku hayey awooda goboladaas inay yihiin labada maamul ee hareeraha ka xiga oo ay ku kala adkaadeen,ee aanay ahayn arin qabiil wax shaqo ah ku leh,waxayna dadka sidaas aaminsani ku doodayaan,in qabiilka Isaaqa ama qabiil kaleba aanu awood u lahayn inuu isaga oo wata magac qabiil uu iska daa Laascaanoode aanu qabsan karin tuulo ku taala xadadka qabiilada kala sheegtaan.
Tusaale hadaan u soo qaadano arinta danbe ee ah in maamulo ay magaaladaas kala qabsadeen,ayaa waxa xoojinaya tusaale ahaan waxa beesha Habarjeclo iyo beelaha Dhulbahante ee reer buuhoodle ay malayshiyo isku qabsadeen lahaanshaha meel ceelal ka qodan yihiin oo la yidhaahdo Galgal oo Qurilugud aan ak fogayn,waxaana markii malayshiyaadka labada beelood isku sigteen kala dhex galay odayaashii labada beelood,taasoo keentay in beeshii Habarjeclo tanaashuso oo ergo u soo dirto Buuhoodle,waxaana lahaanshihii meeshaas lahaaday beesha Buuhoodle,arintaas oo kale ayaa ah arin qabiil ama lagu tilmaami lahaa hadii beel kale iyaga oo malayshiyo beeleed ah iska qabsato meel beel kale leedahay,balse Laascaanood waxa mudo ka badan 17 sano isku hayey labada maamul,wakhtigii uu maamulka Puntland ku sugnaa Laascaanood lama odhan jirin beel kale oo aan reer Laascaanood ahayn baa dhulka haysata,ee waxaa hadalku ahaa Puntland baa haysta oo ah qabaa'ilo kala duwan oo wada samaystay maamulkaas.
Hadaba su'aasha is weydiinta leh ayaa waxay tahay markii ciidamada ka yimid gobolada Bari,Nugaal,Mudug,Sool,Sanaag iyo Buuhoodle oo ka wada tirsanaa maamulka Puntland ay ku sugnaayeen Laascaanood,waxa ay ahaayeen ciidan maamul,balse markii ciidamada ka kooban gobolada Boorama,Sanaag,Waqooyi Galbeed,Togdheer,Sool,iyo Buuhoodle oo ka wada tirsan maamulka Somaliland ay la wareegeen Laascaanood iyo badanaa goboladaas oo dhan,maxaa keenay in la yidhaahdo waxaa qabsaday qabiil?Waa su'aal da weyn oo madaxa daalinaysa!!
Hadaba hadii odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda goboladaas ay markii hore Hogaan iyo gole khasuusi Boocame ka samaysteen bilowgii sagaashameeyadii,markii danbena Somaliland ka mid noqdeen,marna Puntland ka mid noqdeen,hadana mar kale hogaan iyo khasuusi la sameeyey,shacabku ma giraantaas bay ku jirayaan,oo marba siyaasi dan leh baa danihiisa ku fushanaya,meesha odayaasha dhaqankuna ay masaariif iyo gawaadhi ay ku xaragodaan ka heleen maamulada jira,oo hadba kii jeebka u buuxinaya ay u xagliyaan,taasoo keentay in umadii ka aamin baxdo siyaasi danbe oo dantiisa ku fushada,jaaliyada dibadana dhaqaale kaga hela been aan afka baarkiisa dhaafsiisnayn,sida ereyada uu gacan ku dhiigle kasta,iyo nacas kastaa idaacadaha ka sheego ee uu leeyahay Laascaanood baan xoraynayaa,arintaas oo ah arin noqotay in ay baayacmushtar gasho oo dadka qaarkood u arkeen inay tahay jaanis ay ku kasban karaan dhaqaale ay ka helaan jaaliyada jibaysan ee qurba joogta ah,berina aad arkayso isagoo maamulkii uu lahaa waa diidanahay ka mid ah.
Akhrsitoow hadaan tusaale u soo qaadano raga madaxda ka ah hogaankii Nayroobi,sida Xaglatoosiye,oo ahaa ninkii sanad ka hor u tartamay madaxweyne ku-xigeenka Puntland,taas oo kaga adkaaday Cabdisamad Cali Shire,bal akhristoow haduu maanta Xaglatoosiye fadhiyi lahaa kursiga Cabdisamad sidee xaalku ahaan lahaa,siyaasadiisu ma ka duwanaan lahayd ta Cabdisamad?Jawaabta akhristayaasha ayaan u daayey.Sidoo kale Yaasiin Tamaad oo hada la leeyahay waxaa lagu bedelay Khaarajiye isna waa ragii isu sharaxay madaxtinimada Puntland,isga oo horay u ahaa wasiir ka tirsan maamulkii C/llaahi Yuusuf,meesha Khaarajiye ahaa saraakiishii C/llaahi Yuusuf xamar uga dagaalamay.
Sidoo kale waxaa golaha khasuusida ka mid ah dumar iyo rag isu sharaxay ama jagooyin ka soo qabtay madaxtimada Puntland,oo jagooyinkoodii markii danbe waayey,waxaana ninka siyaasiga ahi mar walba ula jabaa dadka siday u jabaan,oo ragii la soo shaqeeyey maamulka Somaliland,oo uu ka mid yahay madaxeyne-ku-xigeenka Puntland Cabdisamad,Yaasiin Tamaad,Keyse Cabdi Yuusuf,Xassan Geerash,iyo kuwo la mid ah ayaa hada mar kale arkay jaanis ay umada ku maalaan,kaasoo ah qabiil baa ina qabsaday,iyo waa la ina gumaystaa,oo ah eray loo isticmaalo dadka ay ku fogaatay caadifada qabiilku,si ay colaad uga dhex abuuraan dadka walaalaha ee dhibaato in ku filani ay haysto.
Akhrsitoow ma go'aan u khaas ah beel gaar ah baa Laascaanood lagu qabsaday,mise maamulka Somaliland oo ay ka mid yihiin qabiilo badan,sida ka Puntlandba uga midka yihiin beelaha kala duwan ayaa labada maamul awooda ula kala wareegeen deegaankaas?Waa su'aal uu qofkii wax garad ahi si sahal ah uga jawaabi karo,balse in badan oo u badan qurbajoogta oo ay wadankii ugu danbeysey wakhtigii colaadaha iyo qabaa'iladu is dilayeen ayay ku adag tahay in la fahansiiyo in Soomaaliya hada laga guuray habkii Tola'ayda oo loo guuray hab danaysi ku salaysan,oo gobol walba iyo beel walba ay la nabdi karto ama maamul la samaysan karto beelaha deriska ay yihiin,oo la gaadhi doono wakhti qabyaalada soomaaliya aafaysay ay isu bedesho in la isku taageero qadiyad ama ha ku salaysnaato koox diimeed,ama mabda'a maamul oo kaleba.Waxaa dadka reer Laascaanood ee qaba in maamulo awooda dhulkaas la kala waregeen ay aaminsan yihiin in awooda ciidan ee Somaliland aanay u saamixin inay dhulkaas ka talisom,balse ay ku joogaan dadka deegaanka oo la shaqeeya,isla markaana u arka maamul u dhaama kii hore ee Puntland,balse hadii aan maamulka Somaliland haysan taageerada dadka Laascaanood,oo aanay la shaqayn masuuliyiin,ganacsato,waxgarad,ciidan iyo saraakiil ka soo jeeda deegaanka aanay saacad joogi kari lahayn deegaankaas.
Ilaahay dadka goboladaas degan ha siiyo nadab waarta,hana ka saaro wakhtiga adag iyaga oo nabad ah,hana ka qabto kuwa qabyaalada iyo colaada ku hurinaya,isla markaana u isticmaalya danahooda shakhsiyadeed,iyo inay ku gaaraan darajo ay ka helaan maamulada ka dhisan deegaankaas.Aamiin...
C/Xakiim Dirir Axmed.


Qarannews
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”