Burco(OWN)-Waxaa galabata ka furmay Garoonka kubada cagta ee taratan ciyaareed dhanka kubada cagata ah (Lixle Stadium) kaas oo ay ku tartami doonaan 4kooxood oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee Gobolkaasi ka dhisan.
Tartankani maanta Bilaabamay ayaa ahaa mid ay qabanqaabadiisa lahayeen ururka Dhalinyarada ee Soyma kaas oo ay ka soo qaybgaleen Xafladii Furitaanka Maamulka Ururkaasi iyo qaar ka tirsan Naadiyada ka qaybgalaya Koobkani .
Furitaankii ciyaarta ee maanta ayaa ahaa mid ay soo Buuxdhaafiyeen dadweyne aad u tirabadan kuwaasi oo kala taageersanaa labada kooxood ee maanta lagau furay tartankani kuwaasi oo kala ahaa Kooxda Dawlada Hoose iyo Kooxda Ilays.

Ciyaartan Furitaanka ee galabata ayaa ahayd mid soo jeedatay dad aad u tira badan oo garoonka ku sugnaa waxaanay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar aad u heersaraysa taas oo kubada inteeda badani ay u janjeedhay dhanka kooxda Dawlada Hoose oo iyadu ka mid ah kooxaha Heerka Koowaad ee ugu Kubada Wanaagsan Jamhuuriyada Somaliland maadama oo ay u ciyaaraan 11 ciyaartoy oo ka mid Xulkii Kubada Cagta Gobolka Togdheer ee Sanadii 2007 ku guulaystay Koobka kubada cagata ee Jamhuuriyada Somaliland.
Ciyaartan Galabta Dhexmartay Labadan Kooxood ayaa ahayd mid laysmariwaayay qaybtii hore ee ciyaarta balse markii lagu soo noqday qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa ciyaaryahanka ka Ciyaara baasha midig weerarka ee Kooxda Dawlada Hoose Farxaan Axmed Maxamed uu dhaliyay Goolkii keliga ahaa ee maanta ka dhashay Garoonka kaas oo u horseeday in maanta kooxda Dawlada Hoose ay la Kawsato Hogaanka tartankani oo noqondoona mid dhibco lagu kala bixidoono.

Tababaraha Kooxda Dawlada Hoose ee Burco Mr:Axmed Maxamed Iidle ayaa sgeegay in kooxdiisu ay filanaysay guusha ay gaadhay taas oo ku tilmaamay inay tahay mid ay awalba hido u leedhay waxaanu tilmaamay in kooxdiisu tahay kooxda keliya ee ka dhisan Gobolka Togdheer taas oo mudo ku dhaw 1sano ah oo xidhiidha aan laga guulaysanin.
Tartankan ayaa noqondoona mid socondoona mudo 6cisho ah kaas oo ay fooda isku daridoonan kooxaha kala ah Kooxda Dawlada Hoose,KooxdaJaamacada Burco,Kooxda Kaah Electronic,iyo kooxda Ilays waxaanu tartankani noqonayaa mid lagu kala qaadidoono dhanka Dhibco tirsiga.
Maaha Markii ugu Horaysay ee Garoonkan Lixle Stadium lagu qabto taratan ciyaareed oo noocan oo kale ah balse waxaa ugu danabaysay mudo haatan laga joogo 2sano oo ku beegnayd maalintii magacan Mujaahidka loo bixiyay Garoonkani ooh ore loogu magacaabijiray Saylada Burco.
Tartankan Maanta ayaa ku soo beegmaya xili aanay wasaarada dhalinyarad iyo ciyaaruhu aanay ka hirgelin Gobolkan Togdheer tartan ciyaareed mudo haatan laga Joogo 2sano.

Oodweyne News/Burco Office