Rer Galgaduud & Hiiraan
Posted: Fri Apr 30, 2010 8:41 am
Why do you allow your turf to become a football pitch for Al Shabab/XisbulIslam/Ahlu Sunnah ? Why can't these clowns take their games to the North and Northeast ?
Deegaannadii ay dagaalladu ka dhaceen ee Goballka Galgaduud oo saakay degan iyo Culima'udiinka Ahlu Sunna oo sheegtay in ay la wareegeen.
Jimco, 30, April, 2010 (HOL) Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya Goballka Galaguud ayaa sheegaya in saakay ay degan yihiin deegaanno hoos taga degmada Guri-ceel kadib dagaall culus oo shalay halkaa ku dhaxmaray Ciidamo ka kala tirsan Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Wariye jooga degmada Guri-ceel ayaa saakay u sheegay HOL in xaaladu tahay mid degan islamarkaana Saraakiil u hadashay Culim'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca sheegteen in ay la wareegeen deegaannka Ceel-baxay oo maalintii shalay saacado kooban gacanta u gashay Xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Saraakiishu waxaa ay intaa ku darreen in Xoogagga Al-shabaab soo wareerareen deegaannka xili aysan halkaa ku sugneen Ciidamada Ahlu Sunna iyaga oo markii ay ka war heleen kadib u dirray gadiidka dagaallka Ahlu Sunna oo markii danbe halkaa la wareegay.
Inkastoo ay sheegeen Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca in ay iyagu hadda gacanta ku hayaan deegaannka Ceel-baxay oo ka tirsan degmada Guri-ceel ayaa haddana waxaa jirrin warar madaxbanaan oo si dhab ah uga hadllay sheegashooyinka kala duwan ee ka soo kala baxaya Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljmeeca iyo Al-shabaab.
Maalmihii ugu danbeeyay ee ayaa Goballka Galgaduud ayaa guud ahaan deegaannada dhaca bartamaha Soomaaliya waxaa ka jirray dagaallo u dhaxeeya Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo Kooxaha Islaamiyiinta ah sida Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo iyagu hadda maamula deegaanno badan oo ka tirsan bartamaha Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com