Musharixiinta Xisbiga UCID Iyo Ardayda Jaamacadaha Hargeysa

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Musharixiinta Xisbiga UCID Iyo Ardayda Jaamacadaha Hargeysa

Post by Siciid85 »

Musharixiinta Xisbiga UCID Iyo Ardayda Jaamacadaha Hargeysa Oo Madal Fooda Isku daray Dood-cilmiyeed Xoogan Oo La Xidhiidha Barnaamijka Siyaasadeed Ee Xisbiga +SAWIRO

Hargeysa(Oodweynenews)- Xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID, ayaa xalay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ku soo bandhiga bandhigay barnaamij-siyaasadeedka wax-qabad ee Xisbigu ugu talo-galay inuu doorashada ku galayo iyo waxyaabaha uu qaban doono haddii uu talada dalka ku guulaysto doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay sanadkan dalka ka qabsoonto.


Image

Image

Tallaabadan ayaa ku qotontay kulan-ballaadhan laga geesood ahaa oo Xisbiga UCID ku soo marti-qaaday Ardayda Jaamacadaha kala duwan ee dalka wax ka barta iyo kuwa ka qalin jabiyey, isla markaana ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta sare, dhexe iyo kuwa ilaa heer Gobol ee xisbiga, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Xildhibaanno, Marti-sharaf kale iyo Taageerayaasha Xisbiga qaarkood, ayaa galinkii dambe ee maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Image

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire Waqaf, oo ugu horreyn Xafladdaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer sharaxaad uga bixiyey barnaamijka Xisbigu maanta soo bandhigay, isaga oo sheegay in aanay maanta ahayn markii koowaad ee uu Xisbiga UCID barnaamij siyaasadeedkiisa soo bandhigo, balse uu bandhigay dabayaaqadii sannadkii dhamaaday ee 2009, markana ay tahay markii labaad. Aadan Waqaf waxa uu si weyn ugu mahadceliyey Ardayda Jaamacadaha dhigta, kuwa ka baxay iyo ka qayb galayaasha kale ee munaasibaddaa ka soo xaadiray.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Madashani maaha madal la leeyahay Ardaydii Jaamacadahaa waxay ku soo biireen UCID, ee waa madal aynu kaga hadlayno, kagana tashanayno aayaha dalkeenna, isla markaana lagu soo bandhiygayo barnaamijka siyaasadeed ee Xisbiga UCID. Waxa ka mid ah Qodobbada barnaamijkan, sidii loo heli lahaa bulsho caddaalad iyo wanaag ku dhisan, dimuqraaddiyada diinta Islaamka oo kow ka ah. Dawlad ilaashanaysa qarannimadeeda iyo madaxbannaanideeda, muhiimad siinaysa xidhiidhka dunida, dhawridda iyo horumarka muwaadiniinta.” Ayuu yidhi Mudune Waqaf.

Image

Aadan Maxamed Mire Waqaf, waxa uu sheegay inay barnaamijkan muddo badan ka baaraan-degayeen, isla markaana waafajiyeen qaabkii ugu fiicnaa ee barnaamij loo dhigi lahaa. Iyaga oo ka eegay sida uu sheegay dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, dib u dhiska dalka, horumarinta iyo guud ahaan arrimaha bulshada. Ictiraaf raadinta, adkaynta qarannimada iyo madaxbannnaanida Somaliland horumarinta Siyaasadaha arrimaha dibadda iyo gudaha. Horumarinta Caddaaladda, xuquuqal iinsaanka iyo ku dhaqanka diinta Islaamka oo kow ka ah barnaamijka Xisbiga.

Image

Xoghayaha qorshaynta maamulka iyo ololaha dhalinyarta ee Xisbiga UCID Maxamed Xasan Dirir, oo isna halkaa ka hadlay, waxa ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi; “Maanta laga bilaabo aqbali mayno Xisbi dhalinyarada yidhaahda markaan doorashada ku guulaysto ayaan jaga heblaayo iyo Wasaarad heblaayo idin siinayaa, ee waa in maanta xaqeenna Xisbiyadu ina siiyaan, sida Xisbiga UCID. UCID waa Xisbiga kaliya ee doonaya inuu Cirrada iyo timaha madaw tartansiiyo, maantana waad aragtaan, UCID waa Xisbiga kaliya ee dhalinyarta xaqoodii siiyey isaga oo madaxtooyada dibadda ka joogga, mana aha in ololaha doorashada oo kaliya laynagu guuro.”

Image

Sidoo kale, Guddoomiyaha Garabka dhalinyarada Xisbiga UCID Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac, ayaa hadal ka jeediyey Xafladdaas, isla markaana waxa uu ku dheeraaday hawlaha dhalinyarada, qorshayaasha dhalinyarada iyo horumarinta dhalinyarada ee Xisbiga UCID oo uu sheegay inuu intaba ka shaqaynayo xisbigu.

Image

Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, ayaa ka waramay siyaasadda Somaliland tan iyo 1960-kii iyo qaabka ay u soo dhisnayd iyo waxa maanta is-beddalay. “Siyaasadda Somaliland illaa lixdankii waxa lagu maamulayay qaab gurracan oo odayaal qaad la siiyo ayaa go’aan gaadhi jiray. Laakiin tan maanta way ka duwan tahay oo waa siyaasad casri ah oo ka imanaysa aqoonyahan iyo dhalinyaro. Maanta dhalinyaradu waxay muujiyeen inay doonayaan inay taariikh cusub sameeyaan, oo waxay yidhaahdeen waxaannu doonaynaa in aanu talada dalka ka qayb qaadanno. Xisbigan UCIDna waa kii taas ka turjumayay. Waa markii ugu horreysay ee dadka reer Somaliland laga qayb galiyo talo sidan oo kale ah.” Ayuu yidhi Maxamed-rashiid Sheekh Xasan.

Maxamed-rashiid, waxa uu sheegay in barnaamijkani yahay mid boqolaal qof oo aqoonyahaniin reer Somaliland ah maskaxdooda ka soo maaxday oo ra’yi ururin iyo wada tashi ku yimi ee aanu ahayn mid kaliya ka yimi shaqsiyaad Xisbiga ah. “Ra’yigii ay dadku doonayeen gudo iyo dibadba ayaa Xisbigani taladooda qaatay waxaanu doonayaa inuu tala-wadaag ku shaqeeyo.” Ayuu yidhi Musharaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi;“Isbeddalku waxa uu ku xidhan yahay doorashadaa dhacaysa ee uu Komishanka doorashooyinku ku dhawaaqay.”


Image


Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, mar uu ka hadlay doorashada, khilaaf ay doonayaan inay xisbiyada qaar galiyaan wakhtiga la cayimay iyo mawqifka Xisbiga UCID, waxa uu yidhi; “Doorashada innagu soo socotaa maaha mid ciyaar-ciyaar ku timi, ee hawl adag iyo rabitaanka UCID ayay ku timi. Aniga waxay ila tahay dadka halkan fadhiya ee 700 kor u dhaafay, haddii aad tidhaahdaan waxaannu doonaynaa dawlad wanaagsan, caafimaad, horumar, caddaalad intiinan in le’eg ayaad soo hanuunin kartaan, doorasho macna malaha haddaanad garanaynin waxaad doonayso, doorasho micno male haddaanad qofka ku habboon dooranin. Doorashadaasi waxa innaga soo horjeedo, maalmahanba haddallo ayaan maqlayay, iyada oo aad ogaydeen waxa doorashada loo soo maray, ayaa la doonayaa in aanay doorasho dhicin, oo ay Komishanka dhalliilayaan, oo ay doorashada galdaloolooyin u sameeyaan, ka fiirsada waxa socda iyo waxaad doonaysaanba…. Annagu ma doonayno in saddex jeer ama shan jeer naloo codeeyo, ee waxaanu doonaynaa in caddaalad ahaan qofku halka cod ee uu xaqa u leeyahay na siiyo.”




Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysla Cali Waraabe, oo isaguna munaasibaddaa ka hadlay, ayaa guud ahaanba u mahadceliyey dhalinyarada Jaamacadaha iyo ka qayb galayaasha Xafladdaas, isla markaana waxa uu sheegay in Xisbiyada KULMIYE, UDUB iyo UCID-ba soo bandhigeen barnaamij-siyaasadeedkoodii, hase ahaatee, weli UDUB si cad bulshada uguma soo bandhigin barnaamij-kiisa, balse si kale ayuu Faysal u turjumay oo waxa uu yidhi; “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay madashan quruxda badan ee dhalinyartu isugu timi in aan ka soo qaybgalo, caawa waa habeenkiinnii. Waa Illaahay mahadii kol haddii aad saddexda Xisbiga barnaamijyadoodii haysaan, ka UDUB waa biyo la’aan, musuqmaasuq, qabiil. Saddexdii musharax iyo ku-xigeennadoodiina waad haysaan ee iyagana diiradda saara, rakaabkoodana eega markaasaad garan doontaan.”

Faysal Cali Waraabe, oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Dhiil culan-baanu idiin wadnaa, reer Miyigeenu dhiilka culan iyo ka aan cullayn ka culan bay wax ku cabbaan. Wasiir hore oo shaadh UCID idiin soo xidha annagu idiin keeni mayno. Sidayada oo kale musharixiinta xisbiyadu hortiinna ha yimaaddaan. Haddii dalka markii la xoreeyey siyaasadii dalka socon lahayd oo lagu maamuli lahaa innagu maanta kuuli baanu noqon lahayn, waayo Anigu Jaajuurka ayaan aqaannaa.”

“Waad ogtihiin oo 80% Boqolkiiba siddeetan baa gaajo haysaa dadkeenna. Waxbarashada iyo caafimaadka waad ka warhaysaan in mid walba lacagi kuu jarayso. Islaantii duray ku dhacaaba Addis Ababa ayay tagaysaa. Waxaan ka naxaa marka uu qof reer Somaliland ah oo Ceerigaabo ka yimi ila soo hadlo oo uu yidhaahdo Hooyaan Addis Ababa caafimaad u geeyey oo aan ka soo celiyey oo Ceerigaabo ayaan ku socdaa.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in haddii uu guulaysto wax ka qaban doono, biyaha, waxbarashada, laydhka, caafimaadka, waddooyinka, beeraha, xoolaha, deegaanka iyo wixii la mid ah.

Guddoomiyaha UCID, mar uu ka hadlayay Dekadaha dalka iyo arrimaha laaluushka, waxa uu yidhi; “Waa inaynaan ku eegaanin dakad kaliya ee ay Berbera inoo noqotaa hooyooyinkii dekadaha Geeska oo aynu dekado badan samayno, dunida oo dhanna ku xidhnaano. Ninbaa Koonfur Afrika uga yimi inuu Warshad keeno dalka, waxa la yidhi horta lacag keen, wuu iska noqday, oo Laaluush buu dalka uga cararay. Waa in aanu samaynaa sharci laaluushka lagaga hortago.”

Image



Waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi Guddoomiyuhu; “Waa inaynu waddamada jaarka la yeelanaa heshiis, in aanu lacag midaysan dalka u samayno, Idaacad wayn oo aan nin u talinin ee Boodh u taliyo samayno, kuwo gaar ahna samayno. Booliskeennu wali waa Jabhaddii, Millatarigeennu waa Jabhaddii oo midna darajo malaha, waa inaynu samaynaa. Maanta maxaa laynagu ictiraafaa? Xadkeenu miyuu sugan yahay, Buuhoodle ayaa Calankii Soomaaliya ka taagan yahay ee maxaa la innagu ictiraafaa, waxaanu samaynaynaa Ciidamado xuduudaha oo dhan gaadha.”
Mar uu Faysal Cali Waraabe si gaar ah ula hadlay dhalinyarada, waxa uu yidhi; “Waxa idinka horeeya, in aad xil qabataan, inaad wax soo barataan, inaad shaqaysataan, inaad guursataan……..Ictiraaf cid inoo doontay ma jiro, shan Wasiir ayaa tagay, midba maalin ayuu yimi, miyaad aragteen dawlad wada socotay oo kala socota. Dawlad yar oo tayaysan baanu samaynaynaa. Qof karti leh oo Aamin ah ayaanu doonaynaa, waxaannu samaynaynaa dawlad habka Islaamka ku shaqaysa. Sheekh Maxamed Aadan baan ku idhi ii soo ururi habkii Cumar Binu-khaddaab wax u maamuli jiray, waayay buu yidhi waanu ii keenayaa……”



Faysal Cali Waraabe, waxa uu ka hadlay furashada Ururada siyaasiga ah oo dhawaan Xisbiga KULMIYE-na sheegay inuu fasaxayo furashada Ururada. Waxaana ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi; “Annagu odhan mayno hebel si uu noo siiyo foodka (codka doorashada) Axsaab baanu furi doonaa, laakiin Axsaabtu waa wax loo baahan yahay in la furo, oo shantii sanaba mar la cusboonaysiiyo. Haddii Xisbi yidhaahdo Ra’ysal wasaare ayaan samaynayaa wuu iska hadlay. Xisbi kaligii wax ma samayn karo…Waa inaynu samaysanaa wax dadka wax laga waydiiyey, laga wada tashaday oo aanu nidhaahnaa Xisbiyadii yaraa miyaa laga faa’iiday mise waa lagu khasaaray, miyaa Xisbiyo la furaa mise waa layska daayaa, Odayaasha Guurtida miyeynu soo celinnaa mise waynu iska daynaa waa la dhaafay wakhtigoodiiye, wax kasta wada tashi ayaa lagu dhamaynayaa.” Intaa ka dib Su’aalo ay si toos ah dhalinyartu rag iyo dumarba u waydiinayeen Musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID.

Image


Maxaad u tidhaahdeen Ganacsatada Soomaaliyeed ee aad u odhan waydeen Ganacsatada Somaliland, haddii ay Muwaadiniin yihiin dadka Soomaaliyeed ee aynu ka go’nay 1991-kii innaga oo lixdankii Midawnay, markaa maxaad dadka Ajaanabka ahna u odhan waydeen Muwaadiniin.?

Faysal Cali Waraabe oo su’aashaa ka jawaabay waxa uu yidhi; “Soomaaliya jinsiyad ma siinayno ee waa dad aanu u sahlayno inay dalka maal-gashadaan oo dhaqaalahooda dalka galiyaan……markaa waxaanu doonaynaa shaqo la’aantan ina haysata inaynu kaga baxno oo ay dalka maalgaliyaan, xeerkii uu dalka ku joogayay qofka Soomaaliya ka yimaadaana waa la samaynayaa codna ma yeelanayo.”

Oodweynenews.com/Hargeysa Office
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Musharixiinta Xisbiga UCID Iyo Ardayda Jaamacadaha Hargeysa

Post by The_Emperior5 »

have u noticed the Vp of ucid he got a real big forehead :shock:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Musharixiinta Xisbiga UCID Iyo Ardayda Jaamacadaha Hargeysa

Post by Siciid85 »

He is a highly intelligent proffesor that is why most educated somalis have big bidaar and forehead. :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”