Page 1 of 1

Reports say that ASWJ has taken over central Mogadishu

Posted: Sat May 01, 2010 1:20 pm
by galia2
Iyo Bakara market has been reported to now be fully in the hands of ASWJ, after 3 days of bitter clashes. I guess we would have to wait and see if this is true

Re: Reports say that ASWJ has taken over central Mogadishu

Posted: Sat May 01, 2010 1:24 pm
by AbdiWahab252
Wararka Caawa:Dagaalo u dhaxeeya Ahlusuna iyo Shabaab oo ka soconaya Xaafado ka tirsan Hodan iyo H/w PDF Print E-mail
Written by Administrator
Saturday, 01 May 2010 16:48

Dagaalo u dhaxeeya Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca iyo Al-Shabaab ayaa galabta ilaa caawa ka soconaya xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo H/wadaag, xilli labadii maalmood ee u dambeeyay ay isku hor fadhiyeen goobahaasi.

Sida ay wararku sheegayaan dagaalada oo saan saantooda maanta oo idil la dareemay ayaa bilowday kadib markii labada dhinac is-weydaarsadeen rasaasta loo yaqaano waan joogaa, taasoo markii horeba hakad gelisay dhaq dhaqaaqii gaadiidka geli jiray Suuqa Bakaaraha.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalada oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ay ka dhasheen ku dhowaad 10-ruux oo dhaawac ah, kuwaasoo rasaas wiifto ku haleeshay Suuqa Bakaaraha.

Dagaalka oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa bar bar socday duqeyn kooban, waxaana wararku sheegayaan in Ciidamada Ahlusuna ay gaareen Xaafada 5-ta geed oo aad ugu dhow isgoyska H/wadaag.

Sidoo kale Ahlusuna ayaa galay Xaafada Soona Key ee degmada Hodan, iyadoo ilaa caawa fiidkii halkaas laga maqlayay rasaas goos goos ah.

Ciidamada Ahlusuna ayaa ku sii siqaya xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmada Hodan, iyagoo galabta dhinaca Bakaaraha ay aad ugu dhowaadeen.
Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Ahlusuna oo ku aadan dagaalada, sidoo kale ma jirto iyana war ka soo baxay Shabaabka iyadoo ay tahay xilli habeenimo ah mugdina ah.
Dalkanews.com Muqdisho

Re: Reports say that ASWJ has taken over central Mogadishu

Posted: Sat May 01, 2010 1:28 pm
by galia2
This is revolution :D :up:

Re: Reports say that ASWJ has taken over central Mogadishu

Posted: Sat May 01, 2010 1:30 pm
by grandpakhalif
:lol: :lol: :lol: :lol::lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: