Qarax ay dadi ku geeryoodeen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen oo goordhow ka dhcay Masjid ku yaala Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Posted: 5/2/2010 10:26:00 PM
Shabelle: KISMAAYO.
Qarax ay dadi ku geeryoodeen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen ayaa goordhow waa uu ka dhcay Masjid ku yaala Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose waxaa kadib Salaadii Cisho ee Caawa qarax xoogan uu ka dhacay Masjid ku yaala Xaafada Guulwade ee magaaladaasi.
Qaraxani ayaa wararku waxa ay sheegayaan in uu ahaa Bamka gacanta lagu tuura, waxaana inta la ogyahay ku geerydooday 1-ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen dad lagu qiyaasay inka badan 10-ruux kuwaasi oo ku sugnaa Masjidka uu qaraxaasi ka dhacay.
Ma cada ilaa iyo iminka waxyaabaha rasmi ahaan ka dambeeyay qaraxaasi Salaadii Cisho ee Caawa kadib ka dhacay mid kamid ah Masjidyada ku yaala magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.
The war between the two khawarij groups has reached new level

