Move to Mogadishu, Aid Agencies Advised

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Move to Mogadishu, Aid Agencies Advised

Post by AbdiWahab252 »

Dowladda Soomaaliya oo ugu baaqay Hay'adaha gargaarka inay Magaalada Muqdisho u soo wareejiyaan xafiisyada uga furmay Dalka Kenya

Isniin, May 03, 2010 (HOL) - Wasiirka Gargaarka Bani'aadamnimo ee Soomaaliya Maxamuud Cabdi Ibraahim (Garweyne) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hay'adaha gargaarka ay ka dalbanayaan inay xafiisyadooda u soo wareejiyaan Magaalada Muqdisho.

"Hay'adaha gargaarka ee caalamiga ah waxaan ugu baaqaynaa inay xafiisyadooda u soo wareejiyaan Magaalada Muqdisho, si gargaar loo gaarsiiyo dadka dhibaateysan" ayuu yiri Wasiirka Gargaarka Bani'aadamnimo ee Dowladda Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay inay la xisaabtami doonaan hay'adaha sheegta inay ka shaqeeyaan Soomaaliya kuna qaata lacag balse aan waxba ka qaban, isagoo xusay inay jiraan hay'ado badan oo magaca Soomaalida dhaqaale uga qaata calaamka.

"Dowladda waxaa ka go'an inay la xisaabtanto hay'adaha walba oo lacagta loogu talogalay shacabka Soomaaliyeed u istimaasha sidii ay doonaan" ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in la-xisaabtankaas uu dhawaan bilaaban doono.

Hay'adaha Caalamiga ah ee gargaarka ee howlahooda gargaar ay ku wajahan yihiin Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay ku daydaan Ururka Islaamka ayna xafiisyadooda ka furtaan Magaalada Muqdisho.

Inta badan hay'adaha gargaarka ee ka shaqeeya arrimaha dalka Soomaaliya ayaa waxay xafiisyo ku leeyihiin Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo sheegay inaysan ku shaqeyn karin Soomaaliya sababo la xiriira amaankooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”