Page 1 of 1

Somalilanders Graduate from Military Engineering University

Posted: Thu May 06, 2010 4:10 am
by Siciid85
Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo shahaadooyin lagu gudoonsiiyay 130 engineer ayaa shalay lagu qabtay xarunta Jaamacada Milatariga ee magaalada DEBREZEIT ee wadanka Ethiopia . Xafladan waxa ka soo qayb galay wasiirka gaashaandhiga ee dawlada itobiya Mr. SIRAJ FEGISA ,wafuud ka kala socday wadamada ay ardaydoodu qalan-jabinayso ,military attacheska itoobiya u fadhiya wadamada shisheeye,maamulka jaamacada ,saxaafad fara badan iyo marti sharaf kale, Hadaba engineerada qalan-jabiyay oo ka kala socday wadamo kla duwan ayaa waxa ka mid ahaa 17 engineer oo reer Somaliland ah , kuwaas oo ahaa tiradii ugu badnayd oo ajaanib ah oo abid jaamacadaas ka qalan-jabisa.

Engineerada ree Somaliland waxay ka qalan jabiyeen sadex qaybood oo engineering ah kuwaas oo kla ahaa sidan .

1. MECHANICAL ENGINEERING

Aviation power plant technology = 5 Arday

Manufacturing technology = 3 Arday

Automobile technology = 2 Arday

Armament technology = 1 Arday


2. ELECTRICAL ENGINEERING

Power plant technology:

Equipment design = 2 Arday

Servo control = 3 Arday


3. COMPUTER ENGINEERING = 1 Arday


Dhinaca Somaliland waxa xafladaas ka qayb galay wafti kasocda ciidamada qaran ka Somaliland oo uu hogaminayo abaanduuulaha guud ee ciidamada qaranka Somaliland Col. Ibrahim caydiid ,madaxa tababarka dibada ee ciidanka qaranka Axmad Tansani iyo sarkakiil kale.

Maaha markii u horysay ee engineero ree Somaliland ahi ay ka qaln jabiyaan jamacadaasi bishii may ee sanadkii 2008 ayaa waxa ka qlan jabiyay 5 engineer .

Ardayda jamacadan wax ka barataa ayaa waxay ka kala yimaadeen wadamada somaliland, ruwanda,jabuuti ,suudan iyo ethiopia




Image


Image


Image


Image



Image


Image

Re: Somalilanders Graduate from Military Engineering University

Posted: Thu May 06, 2010 4:11 am
by kaliil
waar somaliland iska daa oo Puntland nooga waran?idinka Puntland cid idiin qalinjebinaysa ma maqal...

Re: Somalilanders Graduate from Military Engineering University

Posted: Thu May 06, 2010 4:13 am
by Siciid85