
Banaanbax Nabadeed ay ababuleen Xisbiga Somalida-Cusub oo Muqdisho ka dhacay (Sawiro)
waxaa la daabacay Fri 07 May 2010 08: 11: 26
Banaanbaxyo Nabadeed oo uu soo qabanqaabiyay Xisbiga Soomaalida-Cusub ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo dadkii ka qaybgalayay ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku doonayaan Nabad.
Dibadbaxyadan ayaa ka dhacay qaybaha ay maamusho Dowladda Soomaaliya, waxaana dadka sameynayay ay wateen boorar ay ku qoran yihiin erayo ka turjumaya in Soomaaliya aysan u baahanyn colaad, balse ay u baahan tahay nabad.
Erayadii ku qornaab boorarka ay wateen mudaaharaad sameeyayaasha ayaa waxaa ka mid ahaa: "Waxaan doonaynaa nabad, Ha-i-dilin dagaal ma rabee, Ha-i-dilin ma hubeysniye, Waxa doonaynaa Isbadal nabadeed iyo erayo kale oo nabadeed".
Guddoomiyaha Xisbiga Soomaalida-Cusub Cabdisalaam Yuusuf Guuleed oo ka hadlay mudaaharaadka nabadeed ee ay maanta sameeyeen ayaa sheegay inuu yahay mid ay kaga turjumayaan sida loogu baahan yahay in nabaddii Soomaaliya lagu soo celiyo hadal iyadoo aan xabbad ka ridayn.
"Waxaan doonaynaa inaan isbadal dalka ka dhalino innagoo aan wax xabbad ah ridin, waxaan sidoo kale doonaynaa inaan dadka ku qancino in isbadal nabadeed la sameyn karo dagaal la'aan" ayuu yiri C/salaam Daahir oo intaas raaciyay inaysan jirin cid ay dagaal kula jiraan.
Dibadbaxayadan ayaa ka kala dhacay Garoonka Diyaaradaha, Isgoyska Zope iyo Degmada Xamarweyne, waxayna dadkii ka qaybqaatay ay isugu soo urureen Isgoyska KM-4 halkaasoo ay kula hadleen madax ka tirsan Xisbiga.
"Guushu waa nabad, colaaduna waa guuldarro" ayay ku dhawaaqayeen dadka sameynayay mudaaharaadka oo isugu jiray, rag, haween iyo caruur, kuwaasoo ay wajiyadooda ka muuqatay farxad ay u qabaan nabad dalka ka dhalata.
C/salaam oo hadal kooban u jeediyay dibadbaxayaasha ayaa sheegay in tani ay tusaale cad u tahay in Soomaaliya aysan doonayn dagaal dambe, iyaguna ka Xisbi ahaan ay dhinacyada siyaasadeed ugu baaqayaan inay nabadda horumariyaan.
Mudaaharaadkan nabadeed ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ka dhaca Muqdisho tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, iyadoo tan iyo waqtigaas ay dhacayeen dagaallo kala duwan.
This demonstration comes a day after alshabab said the people who lives in the places controled by the government are apostates and should be beheaded.