Gaboose Iyo Taageerayaashiisii "Kabta Hayga Goyn"

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Gaboose Iyo Taageerayaashiisii "Kabta Hayga Goyn"

Post by Bohol iyo karaman »

Gaboose iyo Taageerayaashiisii Tamarta Yaraa oo cagta Maalay :lol:



Gaboose waa Kuma?Image

Dr. Gaboose waa shakhsi qaba hamuun xukun, waxbana aan xeerin waa dhamac halis ah iyo fidno lagu soo dhex tuuray Somaliland.



Taariikhda soo jireenka ah ee Aadamuhu waxay ina faraysaa in qofku uu leeyahay DHAQAN meesha ama bii’ada uu ku koro ee uu ka soo jeedo dhaqan ahaan, nololashiisana wax badan ka wato ama u dhaqmo qaababkii iyo hab nololeedkii uu ku soo barbaaray yaraantiisii ama Cida uu la soo koray.
DHAQANKA GABOOSE WAA XAGEE..!

Dhaqanka GABOOSE waa dhaqankii REER MUDUG AMA MODOG, Waa dhaqan ku saleysan in aan la xishoon, Maahmaah Soomaaaliyeed ayaa tidhaa “SHAN IYO TOBAN JIRKA MUDUG EEBBE UMA XIL QARIN”, waayo qofku marka uu gaadho shan iyo toban jir ayaa loo dhiibaa QORI lana yidhaa “waxaad heshaba soo dhac, cidna ha ka xishoon, hana ka baqan.” Marka waa dhaqankaasi oo helay aqoonta casriga ah, nasiibna u yeeshay in uu noqdo DHAKHTAR.

Hadaba ogow HALIS badan ayaan ku jirnaa haddii aan fiiro wacan loo yeelin DHAMACDAAS ku abtirsaneysa S/land, laakiin aan dhaqan la wadaagin, waxay reer S/land dhawrayaan aan dhawraynin, oo waxay Xeerinayaan aan Xeerineyn, uuna hagayo DAMACIISA qofeed oo uu la marayo marxalad kasta iyo meel kasta uu la galaba.

Dr. GABOOSE waa nin damaciisu aanu xishoon, ma daale ah oo aan nasaneyn ilaa uu gaadho meesha uu doonayo. Tusaale ku noqo qisadii dhexmartay MARXUUM CIGAAL IYO GABOOSE 1996, markii uu dhamaaday Shirweynihii S/land ee dib loogu doortay M/Weyne Cigaale Feb/1996. Waxa Dr. Gaboose uu markiiba weydiisatay in laga dhigo Gudoomiyahay Golihii Baarlamanka. Waxa uu Cigaal in badan ka qancinayey in heshiiskii Boorama lagu qaatay ee Awood qeybsigu ahaa in kursigaasi la siiyo Beesha Dhulmahante, uuna la damacsan yahay QEYBE oo uu Cigaal markaasi u yeedhay, sidaasi awgeed aanay suura-gal ahayn, maadaama wali lagu dhisan yahay Beelihii Jaarterka Boorama oo aan xisbiyo loo gudbin, markaa ayna suura gal ahayn in Beesha Dhulmahante laga qaado kursigaasi.

Isla maalintii danbe isaga oo odayaal wata ayuu ka xishoon waayey in uu hadana Damco Kursigii Gudoomiyahay Golaha Guurtida ee uu fadhiyey Waayeelkeenii Qiimaha badnaa Allaha u naxariistee Marxuum Sh eekh Ibraahim, ka dibna Sheekhu isaga oo Ixtiraamaya beesha uu ka soo jeedo ama uu Isticmaalayey ayuu yidhi “waan ka dagayaa.” Arrintaasi oo uu ku xilo furay Suldaank Habar-yoonis ahi, uuna diiday in Sheeekh Ibrahim kursigaa loogu tago.

Waxa lagaga furfuray kursigii Sheekh Ibraahim Xilo furkii Suldaanka + Kursigii ugu mudnaa golaha Wasiirada ( DAAKHLIGA ) + dhaqaale iyo baryo Marxuum M/weyne Cigaal uu baryey GABOOSE.

Dr. Gaboose Markii uu xilkii Daakhiliga in yar hayey isaga oo M/weyne Cigaal uu qoorta kaga marnaan, ayuu halkaasi iskaga furfuray si uu uga sii khaarijiyo markii uu fahmay khatarta “DHAMACDA MUDUG” ka soo jeeda ayaa GABOOSE qudhiisu markiiba fahmay in la eryayo, waxaanan ka warqabnaa in gaadhiga qaaliga ahaa ee Diyaarada lagu keenay in uu u dhiibay Wiil uu adeer u yahay, kuna yidhi “xadka dhaafi oo ARLIGII MUDUG ka soo jeeso”, waanan wada ogeyn in Cigaal maalin cad ka xayuubiyey Xilkii Daakhliga.

<!--[if !vml]-->
Naar Afuufe Dr. Gaboose Waa Fidno Lagu Soo Dhex Tuuray Somaliland.<!--[endif]-->

KULMIYE WAA QIIQAYAA , WAA MAXAY QIIQAASI MA ISWEYDIISEEN?

Xisbigii Kulmiye waa qiiqayaa oo gubanayaa, qiiqaasi waa DHAMACDII MUDUG “ GABOOSE” oo damaciisii aan gabaneyn een xurmo iyo xeertoona tix galinayn kula bahoobay kana mid noqday xisbigii Kulmiye.

Waxa aan ka warqabnaa mudada yar ee uu Kulmiye ku jiray inta rag qiime badan Qaranka ugu fadhiya ka dareeray, ka dib markii uu si deg-deg a qoorta iskaga maray una qafaashay taladii Xisbiga Kulmiye, Odeygiina (Siilaanyo) uu Jeebkiisa ku dhacay. Waxa Xasuus inooga filan ereygii maalintii xafladii MAANSOOR lagu qabtay ee ay Qaran kula bahoobaysay KULMIYE uu ka Yidhi WIILKA REER MUDUG WAA GABOOSEE “ WAXAAN KUGU FADHIISIN DOONAA MUDANE SIILAANYO KURSIGA UGU MUDAN QARAN KA, ANNIGA OO DADAAL DHEER, DHAXAN IYO RAFAAD BADAN U MARI DOONA SIDII AAN KURSIGASI KUUGU FADHIISAN LAHAYN.”

Kelmadaahaasi oo Odeyga SIILAANYANA DUBUQ YIDHI markiiba. Taasi oo keentay in uu cid kasta ka soo dhawysto Gaboose.

Waxa run biyo kama dhibcaana ah oo u baahan in la xasuusto Weedho badan oo ka tirsanaa Warbixintii uu u jeediyey HALGAMAAGA WEYN MUJAAHID CALI-GURAY maalintii uu ka baxay xisbiga KULMIYE, isaga si faahfahsan u sheegay in taladii Xisbigu “majara habowday.” Warbixintani oo lagu tilmaami karo “WARBIXIN SIYAASI S/LAND AHI BIXIYO TII UGU RUN BADNEYD MUDADII AAN QAADANAY NIDAAMKA AXSAABTA IYO DIMUQRAADIGA.” Warbixintaasi oo ay ku doogan tahay xog-ogaalnimo iyo xaqaa’iq badan waxyaalihii ugu qiimaha badnaa ee aan xasuustoodu waligeed hadhayn waxa ka mid ahaa “BAARLAMAAN LA’AAN, GUURTI LA’AAN, XISBI LA’AAN, QARAN LA’AAN, WAX WALBA LA’AAN. HADABA, “ANNIGU UMA SOCDO LA’AAN.”

Waana run qorshaha Wiilka REER MUDUG uu KULMIYE maanta ku hogaaminayaa waa “LA’AAN”, oo uu rabo in uu Qarankani iyo dadkiisaba ka AARSADO kuna simo meesha uu doonayo oo ah in aanu nasan ilaa uu gaadho hadii kale la waayo S/land, Ilaahayse kama dhigan S/land way jirtaa , jirina doontaa IDANKA ALLA.

Khatarta wiilka Reer-mudug mar kale bal eeg, waxan idiin sheegayaa in uu halis yahay “ODEYGII DHUGAD” ee guurtida waxa aan ogeyn wixii uu ka ydhi GABOOSE ee ay ka midka ahayd “WIILKANI NALA DHAQAN MAAHA OO GARAN MEYNO.” Maanta waxa uu gacanta ugu dhacay GABOOSE waa kaasi guurtidii ayna waligii kala baydhin ka horjeestay ama dhakhtarnimada ha kaga faa’iideysto ama si kalaba wax ha ugu sheegee waa kaa innaga kaxaystay WAAYEELKEENII -
Allow sahal.

GABA-GABO

Dr. GABOOSE, waa nin aan xurmo, xeer iyo dhaqan aan la wadaagin S/land, GABOOSE, waa dhacmadaa maanta hurineysa in laga bilaabo S/land nabadgalyo daro ee ay ka soo fulayso FIKRAD A ah, ha la sameey MUDAHARAADO joogta ah si S/land u khalkhasho. GABOOSE, Waa ninka keenay in ciidamada loogu tago xeryahay, isla markaana ciidanka siyaasad ay ka madax banaan yihiin, la dareensiiyo si looga duwo waajibaadkooda Qaran.

Dr. GABOOSE, Waa madaale aan yaxyaxin, oo qofba sida uu doonayo wax ugu sheega ama Qabyaalad ha isticmaalo, ama Dimuqraadiyad ha isticmaalo, waa Dhamac MASAIIBO ah oo mujtamaca S/land lagu soo tuuray INSHA ALLA isaga ayaa daali, dadkanina way bislaadeen maanta. GABOOSE, waa ninka ay u qorshaysan tahay in uu qabsado KULMIYE ama la dumiyo nidaamka jira lagana soo bilaabo URURO.

Hadaba, waxaan kula dardaarmayaa dhammaan mujtamaca S/land Guurti, Baarlaman, Wax garadka umada iyo xukuumadba in fiiro gaara loo yeesho DHAMACDAAS-MUDUG ee aynaan la wadaagin DHAQAN.

INTAASI KOOBAN AYAAN KA SHEEGAYAA XARIIFKA REER MUDUG (GABOOSE ). S/LAND EEBBO BADBAADI, KUNA SUG HIMILADEED AH QARANIMO TAAMA INSHA ALLA
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Gaboose Iyo Taageerayaashiisii "Kabta Hayga Goyn"

Post by The_Emperior5 »

Warya Bohol , mujaheed Gaboose aad baad uu necebtahay maxa dhacay bal ino waran waxad ku nacday?
User avatar
Samatr
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14767
Joined: Fri Feb 11, 2005 4:56 am
Location: Somewhere only we know :P

Re: Gaboose Iyo Taageerayaashiisii "Kabta Hayga Goyn"

Post by Samatr »

^Anyone who goes against Riyaale is an enemy of his. :lol:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Gaboose Iyo Taageerayaashiisii "Kabta Hayga Goyn"

Post by The_Emperior5 »

Samatr wrote:^Anyone who goes against Riyaale is an enemy of his. :lol:
:lol: :lol: :lol:

I dont think bohol will like this picture of oodweyne

Image
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”