
Soo Dhaywyntii Dr Gaboose Ee Magaalada Caynaba, Gobolka Saraa
May 6th, 2010 in Kulmiye_party, Press | leave a response
--------------------------------------------------------------------------------
Hargeysa (Kulmiye.org) Waftigii uu hogaaminayay guddoomiyaha ololaha gobolada bariga ee xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa maanta socdaal ku tagay Degmada Caynabo, ee xarutna gobolka Saraar.
Waftigan uu horkacayo Dr. Maxamed Cabdi gaboose ayaa waxa xubno ka ahaa Axmed Xaaji Cali Cadami, Cali Siciid Raygal iyo xubno oo ka tirsan xisbiga kulmiye ayaa la sheegay in ay soo dhaweyntii ugu balaadhnayd kala kulmeen dadka ku dhaqan magaaladaas.
Hadal ay meel fagaare ah uga jeediyeen masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Dr. gaboose iyo xubno kale ayaa waxa ay dadka kula dardaarmeen in u diyaar garoobaan doorashada madaxtooyada ee la filayo in ay dhawaan dalka ka dhacdo.
Waxa kale oo ay dadka u soo jeediyeen in ay si habsami ah u qaataan kaadhadhka codbixinta, oo bilaabmi doonta bishan May 10-keeda.
Waxa kale oo ay masuuliyiinta xisbiga kulmiye ee waftiga gaadhay magaalada Caynabo ay dadka kala hadleen isla markaana ay u sharaxeen barnaamijka siyaasadeed ee ay dhawaan soo bandhigeen.
Warku waxa uu intaa ku darayaa in mayorka iyo badhasaabka gobolka saraar oo isku dayay in ay horjoogsadaan dadkii soo dhaweynta masuuliyiinta xisbiga kulmiye ka qaybn galay ayaa ku guul daraystay.
Waftigan ayaa isla maanta gaadhay Oog, waxaana lagu wadaa in ay socdaalkoodan ku soo maraan qaybo badan oo ka mid ah gobolka Sanaag.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo waftigiisa ayaa shalay gaadhay magaalada Oodweyne, waxaanay halkaas kala kulmeen soo dhaweyn laxaad leh.
Si kastaba ha ahaatee gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan ayaa si weyn looga dareemayaa kala jiidashada iyo olole qarsoon oo ay xisbiyadu ka wadaan.
Xigasho/Hadhwanaagnews