Haddii aan la heshiininoo Hagaag loo wada daaqin
Oo annagaa Habarwaayiyo Harttiyeeyda la deeynin
Isaaq waa isku hayboo Waysku hooyiyo aabbe
Hayaaydaa kordhi doonta Arabbaa hirka jiidhi
Awalbaa hubka qaadan Habar Yoonis galbeediyo
Hargeesaa iman doonta Habeen lays miri maayo
heelka Caynaba weeyn Ya hadhka laysu badhedhi
Qoluunbaa ka hagaagi Dabedna hawdka dhexaa
Harraad loogu idlaane Toloow maa la heshiiyo
