Mucaskarka Ras Kambooni is back.

User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Mucaskarka Ras Kambooni is back.

Post by hanqadh »

Waamonews(Dhoobley):- Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo ahaa gudoomiyihii ururka xisbul islaam ee gobollada jubooyinka iyo saraakiil kale oo isaga la socotay oo katirsanayd ururka xizbul islaam ayaa manta shaaca ka qaaday in ay isaga baxeen gabi ahaanba ururka xizbul islaam.

Sarkaal sare oo lagu magacaabo C/casiis Xasan Cabdi oo kamid ah sarakiisha xoogaga uu hogaamiyo Sheekh axmed madoobe oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in shir ay yeesheen ay ku go’aamiyeen in ay isaga baxaan ururkaasi isagoona sheegay in ay sidoo kale go’aan sadeen in ay dib u dhisaan ururkii Raaskaambooni ee hore uga dhisnaa gobollada jubooyinka.

Sarkaalkani ayaa ku eedeeyay hogaanka ururka xisbul islaam in ay ka gaabiyeen kaalintii ay ka filayeen kadib dagaalkii gudaha magaalada kismaayo ku dhex maray xoogagii uu horkacayay Sheekh Axmed Madoobe iyo xarakada Alshabaab, waxaana uu sheegay in ay laga bilaabo manta ka baxeen ururkii Xizbul islaam ee uu gudoomiyaha ka yahay Sheekh Xasan Daahir aweys.

Sidoo kale sarkaalkani ayaa sheegay in Sheekh Axmed Maxe’d Islaam (Axmed Madoobe) ay u doorteen hogaamiyaha mucaskarka raaskaambooni ee ay maanta ku dhawaaqeen

Sikastaba ha ahaatee hadalkan maanta kasoo yeeray masuuliyiinta uu horkacayo Sheekh Axmed madoboe ayaa ku soo beegmaya xilli hogaamiyihii ururka xizbul islaam Sheekh Xasan Daahir aweys uu hore shaaca uga qaaday in ay dagaal la gali doonaan xoogaga uu hogaamiyo sheikh Axmed madoobe oo ay ku eedeeyeen in uu calaaqaad la leeyahay Dowladda KMG ah ee Soomaalya.

Warar Xaqiiq ah kala Soco Waamonews.com
:up: :up: :up: Sweet.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”