Hargeysa, Taageerayaal xoogaan oo ku soo biiray UDUB Sanaag

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Hargeysa, Taageerayaal xoogaan oo ku soo biiray UDUB Sanaag

Post by Bohol iyo karaman »

Hargeysa: Xisbiga UBUD Oo Xaflad Ballaadhan U Qabtay Taageerayaal Xoogan Oo Ka Soo Jeeda Gobolka Sanaag Oo Ka Soo Baxay Xisbiyada Mucaaradka ah


Hargeysa (Oodweynenews)- Xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa caawa xaflad ballaadhan oo soo dhawayn ah u sameeyey tageerayaal xoogan oo isugu jira Garabyada Haweenka ee ka soo jeeda Gobolka Sanaag ee ku nool Caasimada Hargeysa, kuwaas oo sheegay inay ka soo baxeen xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo KULMIYE.



Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, ayaa waxa ka soo qayb-galay Xoghaya Guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, Wasiir ku xigeenka Cadaalada Yuusuf Ciise Tallaabo, Xoghaya abaabulka ee xisbiga UDUB Maxamuud Cabdi Malow, Agaasimaha xunta dhexe ee xisbiga UDUB Cambe Birdhiile iyo martisharaf kale oo aad u tiro badnaa.



Xoghaya Guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn uga mahad-celiyey taageerashaa ku soo biiray xisbiga UDUB ee ka soo jeeda Gobolka Sanaag, “Waxaan aad iyo aad aan halkan ugu soo dhawaynayaa bulshada halkan ka soo xaadirtay ee ka soo jeeda Gobolka Sanaag, haddii ay ahaayeen taageerayaashii hore ee xisbiga UDUB iyo kuwa imika u soo diga-rogtay, markii ay gaadheen go’aan ah in meesha ay joogeen ee ahayd KULMIYE iyo UCID inaanay ahayn goob himilada Somaliland gaadhsiin karaysa.” Ayuu yidhi Jaamac Yaasiin.

Waxaana uu aad uga dayriyey siyaasayada xisbiyada mucaaradka oo uu ku tilmaamay mid aan wax-qabadkeedu manfac u lahayn Somaliland, isla markaana ay mar kasta u heelan yihiin danahooga gaar ahaaneed.



Waxa uu sheegay inay xisbi ahaan diyaar u yihiin ka-qayb-galka doorashada madaxtooyada ee 26-ka June wadanka ka qabsoomi doonta, isaga oo xusay inay hubaan ku guulaysashada doorashada madaxtooyada.

Xoghayuhu waxa uu faafaahin ka bixiyey safarkoodii ay ku tegeen dalka Faransiiska, oo uu ku sifeeyey safar ay guul ka soo hooyeen, isla markaana ay kulano muhiim ah la soo yeesheen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dawlada Faransiiska, isaga oo sheegay inay shirkado fara badan oo Faransiis ahi in ay diyaar yihiin haddii ay doorashadu si wanaagsan u dhaco inay waddanka imanayaan si u maal-gashadaan.



Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Yuusuf Ciise Tallaabo, oo isna halkaas ka hadlay ayaa bogaadiyey weyn u soo jeediyey Garabyadaas Haweenka iyo dhalinyarada isugu jiray ee muujiyey taageerada ay u hayaan xisbiga UDUB, isaga sheegay inay xukuumada ka go’an tahay qabashada doorashada madaxtooyada ee bisha June 26-ka loo asteeyey in ay dalka ka qabsoonto.

Wasiir ku xigeenku waxa uu u soo jeediyey shacabweynaha reer Somaliland inay meel uga soo wada-jeedaan ilaalinta nabad-gelyada iyo xasiloonida waddanka.

Waxa kale oo tilmaamay inay waddada ku ridayaan xisbiyada mucaaradka ah marka la gaadho wakhtiga doorashada, oo ay hubaan inay ku guulaysanayaan doorashada.



Waxa isna halkaas ka hadlay Xoghaya abaabulka ee xisbiga UDUB Maxamuud Cabdi Malow, ayaa ku amaanay taageerayaasha is-huwan ee xisbiga UDUB ku soo biiray sida wax-ku-oolka ah ee ay u go’aansadeen inay cududooda ku soo biriyaan xisbiga talada haya ee UDUB.

Waxa uu ka dhawaajiyey in xisbigiisu uu heegan culus ugu jiro ku guulaysashada doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa, isaga ku booriyey bulsho-weynta reer Somaliland inay qaataan kaadha diwaan-gelinta si ay codkooda u bixiyaan.

Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay masuulyiin ku hadlaysay magaca garabyada ku soo biirayka xisbiga UDUB oo ay ka mid ahaayeen Mar Boos, Xaamud Cabdi, Caasha Dacar Ibraahim oo dhamaantood ku nuux-nuuxsaday teegeerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbiga UDUB, iyada oo sheegay inay xisbiga UDUB yahay xisbi Qaran oo ka madhan qabyaalad, is-kooxaysi iyo dan kala jiidasho.



http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=18075



Oodweynenews.com/HargeysaOffice
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”