Shalay Hoyga argagixisadu wuxuu ahaa Galgala Maantana Badhan

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
ultimatenemsis
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 578
Joined: Sun Mar 01, 2009 7:39 pm
Location: Burn'in Garowe & Galckaayo down

Shalay Hoyga argagixisadu wuxuu ahaa Galgala Maantana Badhan

Post by ultimatenemsis »

Websitka ku hadla Afka Dawlada Puntland ayna qoraan qaar ka mid ah ehelada Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa maanta waxa lagu soo qoray war aan sal iyo raad toona lahayn oo ah in Nimanka Boosaaso qaraxyada ka sameeya ay gabaad ka dhigtaan Magaalada Badhan.



Garoowe Online oo uu asaasay Madaxweynaha hada Xilka haya ,ahaana websitku mucaaradku ku dhiiban jireen fikradahooda xiligii uu puntland Madaxweynaha ka ahaa Cade Muuse , ayaa maanta lagu soo qoray in Niman ka tegay Badhan oo ahaa Argagixiso caalami ah lagu dilay inta u dhaxaysa Badhan iyo Galgala, hadaba waxay Allsanaag idiin cadaynayasaa in aanay Gobolka haba yaraatee ayna joogin wax argagixiso ah tegi karina xiriirna la lahayn hada iyo mar horeba wax loogu yeero argagixiso,sidoo kale ma jiraan wado ka baxda Badhan oo tagta Galgala waxaana u dhexeeya degaano badan oo ay joogaan Ciidanka hubaysan ee Daraawiishta Puntland ee Gobolka sanaag. gaar ahaan kuwa reer Maakhir



Magaalada Badhan waa Xarunta Ciidanka daraawiishta Puntland ee gobolka Sanaag iyaga oo la socda dhaq dhaqaaq walba waana kuwa caagiyey SNM inay soo cago dhigato Gobolka,talaabadii ugu danbaysay maalin ka hor waxay qabteen kuwo dhuumaalaysanay oo sida afkaar aan laga doonayn Gobolka.



Badhan markii laga tago waxa la sii maraa Xubeera ,Rad,Mindigale,Ceel la helay iyo cawsane oo ah saldhiga labaad ee Ciidamada daraawiishta iyo kastamka canshuuraha Gobolka waxa loo sii gudbaa magaalada Ceel Daahir oo ah xarun kale oo ay joogaan Daraawiishta Puntland ee Maakhir waxaana taala Isbaaro lagu xakameeyo amniga Gobolada,ka dib laamiga ayaa loo qaadayaa dhinaca waqooyiga ilaa laga gaaro Magaalada Laag oo ah Meesha kaliya oo ay ka baxdo Wadada aada Galgala oo ay gasho wado qura iyana waxa ah xarun kale oo ciidanka Daraawiishta puntland oo u jirta magaalada Boosaso wax ku siman labaataneeyo KM halka Magaalada Badhan ay u jirto Boqolaal KM galfgala sidoo kale sida ehelka Faroole soo qoreen ayna ku sheegeen in Galgala tahay Sanaag,hase ahaatee ay tahay Magaalo ka tirsan Gobolka Bari.



Ugu danbayntii Dadka la marin habaabinayo waxay Allsanaag u sheegaysaa in magaalada Garoowe oo Qoraalkani ka soo baxay,ay ku nool yihiin Gudoomiyihii iyo xubnihii u sareeyey ururkii Alitixaad oo ka dagaalamay Gudaha Puntland, kuna dilay kumaakun ka mid ah Shacabka reer Puntland , Ururkaas oo ahaa asaasihii kooxaha xaq jirka ah oo ka dagaalamaya Soomaaliya ,Gudoomiyahan oo lagu xasuusto dagaalkii Garoowe,kii Boosaaso,kii Saliid ee Buurta Maakhir,Bandiiradleey ,sidoo kale xiligii Maxaakiinta ay la dagaalamaysay dawladii Cabdulaahi Yuusuf oo haysatay kalsoonida shacabka reer puntland waxay tageen hogaamiyahan iyo kooxdiisu magaalada Muqdisho sanadkii 2006 iyaga oo soo dhowaynaya afkaartii Sheekh Aweys,falkii ugu danbeeyey gudoomiyihii hore ee X Itixaad ayaa ahaa shirkii ay qabteen Bishii Afraad 2010 ayna isugu yeereen caasimada Puntland dhamaan Xubnihii ka dagaalamay Puntland iyaga oo kala kala yimid 18 gobol oo Soomaaliya iyada oo ay shirkaas maal gelinaysay amnigoodana ay sugaysay Dawlada Garoowe onlie qortay inay Badhan ku duushay iyaga oo raadinaya xaq jir iyo argagixiso,shacabka reer Puntland oo Maalmahan indhaha ku hayey shirkii Garoowe ee Ictisaam iyo imaanshaha Daahir Aweys ee Xarar dheer, iyaga oo isu ahaa gudoomiyihii al Itixaad iyo gudoomiye ku xigeen walina wada shaqayntii ka dhaxayso hadaba Suaasha meesha taala ayna Allsanaag shacabka reer puntlan waydiinayso akhristayaasheeda waa Ma Badhan bay argagixo joogtaa Mise Garoowe oo uu ku nool yahay asaasihii xaq jirka Soomaalida



Khaalid 1970 @hotmail.com Allsanaag.com hoos ka akhriso Maqaalkii ay wada qoreen ehelka madaxweynaha Faroole



http://www.garoweonline.com/artman2/pub ... a_PL.shtml
ultimatenemsis
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 578
Joined: Sun Mar 01, 2009 7:39 pm
Location: Burn'in Garowe & Galckaayo down

Re: Shalay Hoyga argagixisadu wuxuu ahaa Galgala Maantana Badhan

Post by ultimatenemsis »

Its time to burn Garowe :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”