Hargeysa: Calanka ugu qaalisan iibka Calamada Xisbiyada

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5296
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Hargeysa: Calanka ugu qaalisan iibka Calamada Xisbiyada

Post by KingWaslawi »

Image

Hargeysa (Somaliland.Org)- Calamada Xisbiyada iyo ka Somaliland ayaa maanta qiimayaal kala duwan lagu kala iibsanayay magaalada Hargeysa Xuska 18 May ee beri awgeed.

Meelo badan oo ka mid ah suuqyada Magaalada Hargeysa, ayaa maanta lagu arkayay Calamada Xisbiyada KULMIYE, UCID iyo UDUB iyo sidoo kale ka Somaliland oo dadku ku mashquulsan yihiin iibkooda, halka dadka qaarkood ay la wareegayeen iibkooda, kuwaas oo ku iibinayay qiimayaal kala duwan.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Hargeysa ee ka ganacsanayay maanta iibka Calamada, ayaa ka warbixiyay habka iibka Calamada iyo qiimayaashooda. “Inkasta oo aanu maalmahanba iibinayay, haddana maanta ayuu iibku kor u kacay, maadaama ay beri tahay xuska sanad-guurada 19aad ee wakhtigii Somaliland xorriyadeedda dib ugala soo noqotay Koonfurta Soomaaliya. Markaa, dadku aad bay u iibsanayaan.” Ayuu yidhi ninkan oo magaciisa ku soo gaabiyay Maxamed.

Mar aanu waydiinay qiimaha Calamadan, ka ugu qiimaha sarreeya iyo sidoo kale ka ugu iibka badan, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Dadku way wada iibsanayaan Calamada, laakiin waxa ugu iib badan Calanka Xisbiga KULMIYE. Dhinaca qiimaha, Calanka UCID waxaan ku iibinayay 6,000 SL Shilin, ka UDUB-na 8,000 Shilin, halka ka Somaliland aan ku iibinayay 9,000 Shilin, laakiin Calanka KULMIYE waxaan ku iibinayaa $3 Dollar (20,000 SL Shilin).”

Dhinaca kale, diyaar-garowga Xuska 18 May ayaan laga dareemin ama aan si muuqata uga socon magaalada Hargeysa, marka laga reebo iibsiga astaamaha Hay’adaha Qaranka, sida Calamada.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”