Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay kaadhka codbixinta doorashada ka qaadanayey goobta guriga Shaqaalaha oo uu shirjraa’id ku qabtay, waxa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in si wada jir ah nabadgelyada loo wada ilaaliyo, isla markaana waxa uu tilmaamay in boolisku ay dadaalayaan, balse taliyaha ciidanka boolisku aanu ummada u shaqaynayn ee uu cid gaar ah u shaqaynayo.
Waxa kale oo uu guumiyaha x UCID canbaareeyey xadhigii lagula kacay shaqaalahii iyo agabkii labadii goobood ee Hargaysa ee ciidamada boolisku xabsiga u taxaabeen, taas oo uu sheegay in ay tahay fal aad u fool xun oo lagu waxyeelaynayo qaranka.
Eng.Faysal Cali Waraabe,ugu horeyn isagoo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “marka hore waxan u mahad naqayaa shacbiga reer Somaliland sida wanaagsan ee ay uga hawl galeen inay qaataan kaadhadhkii cusbaa, waxaan si khaasa ugu mahadnaqayaa Komishanka Qaranka iyo ciidamada booliska oo nabadgelyada si fiican u wada, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa madaxwaynaha oo isna ogalaaday hab u socodkii cusbaa ee doorashooyinka isla markaana digreetadii uu ku ansixiyey maalinta ay doorashadu dhacayso ee 26 June, Ilaahay waxaan ka baryayaa tii hore way inaga siqiirtaye tu aan inaga siqiirin noqoto”
Isagoo wali hadalkiisi sii wata waxa uu intaa ku daray “madaxwaynaha halbaan odhanayaa, madaxwayne intaad dalka gacanta ku haysay wixii aad shar iyo khayr aad la timid adigay dusha kaa saaran tahay, Faysal ahaan waxaan kuu hayaa wax la majiirto inaad sadex doorasho oo hore qabatay tana tii afraad ay tahay taasi waa mid taariikhda kuu galaysa, waxaan kuu sheegayaa dad aad taariikhda kula galayn oo kuu shaqeeya inay sumcada kaa xumeeyaan maaha, waxaa la yidhi cimri tagay ceeb laguma sagootiyo, doorashadani waa tii madaxwaynaha ee waxa jira niman wasiiro ah oo waxaynu wadno maaha ee wax kale wada oo waliba wasiirada oo dhan wada ceebayn maayee qaar gaara oo aduunkana aanu u soo sheegnay oo taariikhdu sheegi doonto. Waxaan u sheegayaa dadka dawlada u shaqeeya wasiirada ha noqoto, badhasaabada ha noqoto wixii anagu aanu wadno iyo wixii aad wadaan waa kala jaad, anagu waxaanu wadnaa in ummadani ay hesho, umad jirta ay noqoto oo sharaf ku nool, caafimaad , tacliin, biyo, shaqo oo ictiraaf hesha idinkuna waxaad ku mashquulsan tihiin inaad boosaskiina ilaashataan, Ilaahaybaa arsaaqda bixiyee ta soo socota hadaad wanaagsan tihiin shaqo ka waayi maysaan, laakiin waxaanu wadnaa waa badbaado qaran waxaan leeyahay ha la badbaadiyo qaranka oo doorashada mugdiga ha laga daayo”
Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayey xadhiga ay ciidamada boolisku xabsiga ugu taxaabeen shaqaalihii laba goobood oo kaadhadhka laga qaadanayey waxa uu yidhi “waxaan aad iyo aad u canbaaraynayaa oo ceeb ku ah dhalinyarta la xidhay, dhalinyarta la geeyey goob ee komishanku u cayimay ee Jaamaciyiinta ah ee labada habeen xidhani maxay geysteen waxaanu anagu u aragnaa in arintaasi tahay arin lagu waxyeelaynayo madaxwaynha qudhiisa, waxay imika tuseen kuwii xidhay in uu madaxwaynuhu yahay cadawga ardayda jaamacadaha iyo dhalinyarta, sababta oo ah hadii kale muu xidheen, taas waxaanu u aragnaa mid lagu mijo xaabinayo geedi socodka qaadashada kaadhadhka cusub, axsaabta waxaan leeyahay gaar ahaan labada xisbi (KULMIYE iyo UDUB) reer Somaliland uma baahna is jiid jiidad ee waxay u baahan yihiin nadabgelyo iyo midayn qabyaalad lagu kala saara looma baahna ee ha laga daayo cunsuriyada iyo dhibaatooyinka ka taagan, intaa Ceerigaabo ka dhacday Ilaahay intaa ha inoogu eekaysiiyo”
Gudoomiyaha UCID mar uu ka hadlayey in xukuumadu ay soo daabacatay lacag ay ku kaambayn garaynayso inay cododka ku iibsato ayna damacsan tahay in cashuurta dalka ay u isticmaasho inay doorashada ku gasho, waxa uu yidhi “dawladu waxay soo daabacaysaa 28-ka bishan lacag cusub oo imanaysa hadaydaan ogayn shacbiga reer Somaliland lacagtaa waxa loogu talo galay in foodka lagu iibsado, waad ogtihiin oo imika UDUB ma dhaqdhaqaaqo lacagtaas ayuu sugayey, laakiin lacagtaasi waxa weeyi cashuurtii, waa magaceenii horaad u sheegteen oo aad tidhaahdeen UDUB ha laga cuno UCID-na ha loo codeeyo, ka cuna baan idin leeyahay lacagtu waa lacagteenii ee ka qaata hana u codaynina, sababtoo ah ceebay idinku tahay inaad Codkiina iibsataan iyo sharaftiina, lacagtaas imika lagu soo beegay iyo wasiirada la samaynayo waanu cambaaraynaynaa, waxaanu u aragnaa inay tahay khiyaamo dalka lagu burburinayo. Maanta boolisku wuu fiican yahay marka laga reebo taliyaha booliska anagu garanmayno meel uu kubada u wado, laakiin boolisku sharaf buu nagu leeyahay taliyaha booliska waxaan leeyahay uma shaqaysid Rayaale ee ummada ayaad u shaqaysaa, Rayaale haduu darajo ku siin lahaa waxba maynu wada hadalneen darajana ma haysatid, oo qof bilaa darajo ahi in nin darajadii siin kari waayey u adeego horta waa ku ceeb ee shacbiga iyo nadab galyada u adeeg. Dadwaynaha reer Somaliland waxaan leeyahay dadka qaatay hal kaadh wax ka badan qaar baa afar afar qaatay iyo wax ka badan ha ku farxina, qofka maanta kaadhka qaadan waayana waxaan leeyahay maalinta dawladaha hoosahana qaadan maayo, Somaliland waxay u baahan tahay dadkan masaakiinta ah ee 18-ka sanadood macaluulay dad nafaqeeya, shaqo siiya, dumarkeeniiba bacadka fadhiya oo sharafteena ku soo celinaa, hablaheenii yar yara ayaa ilaa Tansania ilaa Libiya yaacaya oo gaajadu guudka ka saaran tahay ee waa inaynu guryaha ku soo celinaa. Wasiirka dawlada Rayaale waxaa ka fiican agaasime dawlad la aqoonsan yahay oo shisheeye.
Ugu danbayn dadwaynaha reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay goobahaa kaadhadhka laga qaadanayo u dareeraan, nadab galyada ilaashadaan waayo waa masiirkoodii waa midnimadoodii iyo jiritaankoodii, UDUB way tagaysaaye nabadgalyadiina ilaashada”
S: kaadhadhka cusub ee la qaadanayaa waxaad moodaa inay xoog gaabis u tahay marka la eego goobaha Hargeysa iyo goboladaba dadku aanay safafkii dhaadheeraa galaynin, isla markaana kaadhadhkii loo soo sameeyey aan la wada qaadanayn maxaa sababay ayaad isleedahay gaabiskaa faraha badan ee yimid?
J: Waxa sababay dal aan idaacad lahayn, sidee dadka lagu gaadhsiiyaa, wacyi galin la’aan weeyi arintu, dawladu idaacad bay samayn kari wayday afar doorasho ayaa inoo soo dhacay, ta BBC-da lama isticmaalin, BBD-da waad aragteen oo sida Somalia koonfurtu markay wax wadato iyadaa iska leh inagana arinta BUUHOODLE shufto yar oo inagu kacsan ayey sheegayaan, markaa idaacad la’aan weeyi dawladaa xilkeedii ka soo bixi wayday, borobagaadaha inta TV-ga qoyska ama qarankaba lanagu caayo haday dadka ku wacyi galin lahaayeen waxbadan bay tari lahayd, imikana inagu inaynu is wacyi galino weeyi.
S: Mar waxaad sheegtaa in musuq maasuq lala dagaalamayo, hadana waxaad leedahay UDUB lacagta ka qaata oo UCID u codeeya, goormaa markaa laguu arki karaa Faysalka saxan?
J: Waxa weeyaan qofku markuu danbi galo ee aanad la galin danbigii, ee aad xaqa ku dhaqaaqdid saw maahaa, lacagtu waa teenii way bixinayaan halkay leeyihiin ku shuba ha ku shubina, anigu ma dhiiri galinayo musuqmaasuqa ee waxaan dhiiri galinyaa inaan foodka laga iibsan.
