Monday, 17 May 2010 12:29 Read : 275 times

Maleeshiyada kooxda Shabaab ayaa maanta meel fagere ah ku toogtay nin dhallinyaro ah oo ay ku tilmaameen in uu Ridoobay, ayagoo dilka ka fuliyay goob ay dadka isugu keeneen oo ku taala Dayniile.
Ninkaan oo ahaa qof madaxa looga jiro (waalan) ayaa kamid ahaa dadka ku dhaqan xaafada Xarxaryaale ee dagmada Wardhiigleey, ayagoo ka soo qabtay xaafado ka tirsan waqooyiga magaalada Muqdisho, in muda ah ayayna gacanta ku hayeen isagoo dhaawac culus oo ay u geysteen ku yaalo.
Horjooge ka tirsan kooxda al Shabab oo lagu magacaabo Cumar kuna sugnaa goobta falka dilka ah uu ka dhacay ayaa saxaafada u sheegay in ninkaan uu diinta islaamka ka baxay, ayadoo aysan jirin wax cadeyn ah oo ay u soo bandhigeen dadkii iyo saxaafada ka soo qeyb galay dilka ay al Shabab fuliyeen.
Falkaan ayaa qeyb ka ah tacadiyada kooxda Doowlad diidka ah ee al Shabab ay maalin walba ka geystaan goobaha dalka ay uga sugan yihiin, ayagoo dila cid walba oo ay u arkaan in uu mabda’ooda qilaafsan yahay.
Horraantii sanadkaan ayey aheyd markii sidaan oo kale ay al Shabab gobalo ka tirsan dalka falal noocaan oo kala ah ugu fuliyeen dad ay ku eedeeyeen in ay u jaajuusaan Domladda K.M.G ayadoo aan jirin wax cadeeymo ah oo arimahaasi ay u hayaan.
Abu Hurairah (radiallahu anhu) said, The Prophet said, Time will pass
rapidly, knowledge will decrease, miserliness will become widespread in
peoples hearts, afflictions will appear, and there will be much Harj. The
people asked, O Messenger of Allah, what is Harj? He said, Killing,
killing! (Bukhari)
Abu Hurairah said, The Prophet said, There will come a time of afflictions
when one who sits will be better than one who stands; one who stands will
be better than one who walks; and one who walks will be better than one
who runs. Whoever exposes himself to these afflictions, they will destroy
him. So whoever can find a place of protection or refuge from them, should
take shelter in it. (Bukhari and Muslim.)
