Cabdi Cabdulle Qujo oo sheegay in uu joogo magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan, mar uu la soo xiriray Horafrik waxa uu sheegay in uu cafis weydisanayo dhamaan shacabka soomaaliyeed maadaama uu ka mid ahaa xubnihii USC BM si looga cafiyo dambigii USC ay ka gashay umadda soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay
Cabdi Cabdule qujo wuxuu sheegay in markii USC ay dagaalka qaadeysay ay aheyd mar ay ku fakarayeen in ay dalka ku soo dabaalayaan hanaan dowlad nimo oo ka wanaagsan kii markasi jiray ee uu hogaamineyey Jeneral Maxamed Siyaad Bare, balse ay fashilantay fikradaasi kadib markii ay aragtida isku khilaafeen USC dhexdeeda, dagaalo sokooyena uu dhexmaray hogaaamiyayaashii iyo taageerayaashii USC kuwada jiray.
Jabhadii USC ee xukunka ka tuurtay dowladii hore ee Maxamed Siyaad Brre waxaa lagu xasuustaa burburkii baaxadda weynaa oo ay dalka ka geysatay kuwaasoo dhibaatooyinkii ka dhashay ay weli muuqdaan raadadkooda, waxaa si gaar ah loogu xasuustaa dhacdadii 10-kii february ee sanadii 1991-kii ka dhacday dugsigii Maxamuud Axmed Cali halkaasoo lagu dilay in ka badan sideed qof oo rayid ahaa oo dhamaantood aano qabiil loo dilay.
First good step
