Ciidamadani ayaa degmada Ceelbarde kula wareegay si amaan ah, kadib markii ay magaalada isaga carareen maleeshiyaadka Ururka Al-shabaab ee halkaasi fariisinka ku lahaa maalmihii ugu dambeeyay..
Ururka Al-shabaab ayaa waxaa uu magaalada Ceelbarde ee gobolka Bakool horey ugala wareegay ciidamo ka tirsan kuwa dawladd federaalka KMG Soomaaliya oo horey halkaasi u maamuli jiray, waxayna u sameeyeen maamul hoostaga Ururka Al-shabaab.
Degmada Ceelbarde ayaa haatan amaankeedu yahay mid degan, iyadoo amaanka degmadaasina ay si guud u sugayaan ciidanka Itoobiyaanka ah ee dhinaca xuduuda ka soo galay magaaladaasi, waxaana ilaa iyo iminka wax war ah laga heyn Maleeshiyaadka Al-shabaab ee halkaasi horey u maamuli jiray meel ay jaan iyo cirib dhigeen.


