Sh Sharif reinstates Prime Minister & cabinet
Posted: Thu May 20, 2010 6:03 pm
WTF
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka laabtay go'aankii uu xilka kaga qaaday Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Shamar'arke
Khamiis, May 20, 2010 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo Khamiis ah ka laabtay go'aankii uu xilka kaga qaaday Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Shama'arke.
Wareegto kasoo baxday xafiis Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu ka laabtay go'aankaas, ayna Dowladda Soomaaliya sii wadato howsheeda, waxaana warkaas u akhriyay saxaafadda Madaxa wafaafinta Madaxtooyada C/kariin Khaliif Xaashi.
"Madaxweynuhu markuu dib u eegay go'aankii uu qaatay, lana tashaday xubno sharci-yaqaanno ah, wuxuu ogolaaday inay xukuumaddu howsheeda sii wadato" ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada oo aqrinayay wareegtada Madaxweynaha.
Sidoo kale wareegtada waxaa lagu sheegay in Madaweynuhu uu eegay xaalka uu dalku marayo iyo inaysan sharci ahayn inuu xilka ka qaadi karo Ra'iisul wasaaraha, waxaana Madaxweynuhu uu Isniintii xilka ka qaaday Ra'iisul Wasaare Sharma'arke.
Cumar C/rashiid oo isla maalintaas la hadlay saxaafadda ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aankaas, wuxuuna sheegay in dowladdiisu ay sii shaqeynayso, iyadoo maanta lagu arkayay Madaxtooyada dublamaasiyiin shisheeye ah oo cadaadis ku saaray Madaxweynaha inuu go'aankiisa ka laabto.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan uu soo saaray kaddib ka dhoofay gaaroonka diyaaradaha ee Muqdisho isagoo ku sii jeeda dalka Turkiga si uga qaybgalo shirka looga hadlo arrimaha Somalia, wuxuuna sii marayaa Nairobi.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya