Somaliland Occupie the whole widhwidh district
Posted: Fri May 21, 2010 10:57 am
Ciidan Somaliland ah oo Galay degmada Widh-Widh
May 21, 2010
Wararka ka imaanaya degmada Widh-Widh ee gobolka Ceyn ayaa sheegaaya in halkaas ay soo gaareen Ciidan ka socda maamulka Somaliland,waxaana ay wataan gaadiidka dagaalka oo fara badan.
Qaar ka mid ah dadka degaanka oo ay Horseed Media la xirrirtay iyo dadka lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaaya in Ciidankaas ay saaka halkaas galeen,waxaana ay bilaabeen in ay fariisimo ka samaystaan qaybo ka mid ah degmada.
Shacabka ayaa iyagu si aad ah uga soo horjeeda soo gelida Ciidanka Somaliland,waxaana socda qaban qaabo lagu doonaayo in la dhigo mudaaharaad looga soo horjeedo Ciidankaasi.
Sababaha ay Ciidanka Somaliland halkaas u yimaadan ilaa iyo hadda lama yaqaano,balse shacabka ku dhaqan degmada Widh-Widh ayaa hore cod dheer ku sheegay in ay yihin Puntland.
Maamulka Somaliland ayaa dhaq dhaqaaq ka waday gobolada Sool,Sanaag iyo Ceyn mudooyinkaan iyadoo ay halkaas geynayeen Kaararka Codbixinta ee doorashooyinka.
horseedmedia.net