Maxaabiistan ayaa ah Soomaali ka soo jeeda Kilinka 5aad oo ka tirsanaa ciidamada Ethiopianka ee maanta ka dagaalamay magaalada, kuwaasi oo gacanta u galay xoogaga degaanka ee dagaalka la galay Ethiopianka. DOQONI WILIGEED MA KORTO

Warar aanu ka helnay masuuliyiinta degmada ayaa sheegaya in 4 maxbuus hadda lagu hayo xarun ku taalla gudaha magaalada iyagoo badqaba. Waxayna masuliyiinta sheegeen inay heyn doonaan.
Dagaalka maanta ayaa ahaa mud jilibka la isu dhigay labada dhinac waxaana dagaalka oo maanta duhurkii joogsaday uu markale dib u qarxay galabta Casarkii markaasi oo ciidamada Ethiopian-ku ay gudaha u soo galeen magaalada iyagoo markii hore ku sugnaa duleedka Buuhoodle.
Waxaana dagaalkii galabta bilawday oo socday qiyaastii hal saac uu istaagay maqribkii, inkastoo ay adag tahay in faahfaahin buuxda laga helo. Waxaana sababtu tahay iyadoo isgaarsiintii magaalada oo dhinaca Somaliland laga lahaa hawada laga saaray.
Hase yeeshee warar laga helayo dad ku sugan degaano ka tirsan gobolka ayaa sheegaya in xaalada caawa degan tahay, waxaana ciidamada Ethiopianku ay joogaan isla duleedka degmada halka xoogagii degaanka ee la dagaalameyna ay ku sugan yihiin gudaha magaalada.
Dhinaca kale waxaa barakacxoogan uu kabilawday magaalada, iyadoo qoysad badan oo ku noolaa magaaladaay bilaabeen galabta inay isaga baxaan magaalada.
Dadka ayaa ka walwal qaba in dagaalo kae ay soo noqdaan maadaama Ethiopianku weli degaanka joogaan lagana hayuo maxaabiis nool. Dadka ayaa u soo barakacaya degaanada Hawdka si ay ugacararaan dagaaladan, hase yeeshee waxaa jira dad kale oo magaalada ku harsan kuwaasi oo awoodi waayey inay barakacaan.
Warar kale oo naga soo gaaraya degmadaWidhwidh ayaa sheegaya in iyafuna ay maanta lawareegeen ciidamada Somaliland oo ka soo guday dhinaca tuulada Qorilugad, iyagoo garab ka helaya ciidamada Ethiopian-ka.
Dadka degaanka iyo masuuliyiin ayaa ku dooday in xaaladu u muuqato in ciidamada Ethiopianku ay la safan yihiin maamulka Somaliland iyadoo ay soo dhowdahay doorashada guud oo dheceysa bisha soo socota.
Dhaqdhaqaaqyo kale oo xiisadan ku lug leh ayaa isla caawa naga soo gaaraya magaalada Laascaanood sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan Laascaanood.
Khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ayaa illaa hadda maraya dhimasho gaareysa 16 ruux oo 7 ka mid ah yihiin Ethiopian-ka una badan kuwa Soomaalida ee la socda Ethiopianka. Halka dhaawacuna uu marayo 30 ruux una badan dadka degaanka kuwaasi oo la dhigay isbitaalka degmada.
Ma jirto wax gurmad ah oo ka baxsan degaanka oo gaarey Buuhoodle marka laga reebo hawlwadeenada ururka Bisha Cas ee degmada Buuhoodle oo iyagu gargaar caafimaad u sameeyey dadkii dhaaawacmay.
Dhinaca maamulka Puntland ayaan wax war ah ka soo saarin illaa hadda dagaalkan maanta iyo khasaaraha shacabka reer Buuhoodle soo gaaray.