Madaxweynaha Jabuuti oo ka Hadlay Arimaha Doorashooyinka Som

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Madaxweynaha Jabuuti oo ka Hadlay Arimaha Doorashooyinka Som

Post by Siciid85 »

Madaxweynaha Jabuuti oo ka Hadlay Arimaha Doorashooyinka Somaliland.


New York (Togdhnews)- Madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa daboolka ka qaaday aragtidiisa ku waajahan qaabka Somaliland u mari karto aqoonsi caalami ah oo ay ka hesho


beesha caalamka, isaga oo xusay in Somaliland waqtigan haysto madaxbannaanidiisa u gaarka ah, balse ictiraafkii dawliga ahaa oo keliya ka dhiman yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo khudbad dheer ka jeediyey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa waraysi uu shalay siiyey BBC-da, waxa uu kaga hadlay arrimaha Somaliland, isaga oo sheegay in dadka reer Somaliland yihiin dad miyir qaba oo dhibaatooyinka iska dheereeyey, hadii khilaaf soo kala dhex galena wadahadal ku xaliya.

“Waxaan u arkaa dad miyir qaba, masuuliyadoodiina qaatay oo dadkoodii maamulay, dhibaatana iska dheereeyey, khilaaf hadduu yimaaddana wadahadal ku xalliya oo isbeddella, midna taladii ka baxo mid kalena soo galo, in tilmaan gala qaato ayey ahayd, laakiin Soomaali tilmaan kamay qaadanin, iyaguna waxay ahayd inay u dhibaatoodaan walaalahood oo iyaguna daraadood dhibaato kale galay oo aan gargaar helayn oo wax alla iyo wax gargaar ah helayn, dhibaatadaasina meesha way taallaa. Wadahadalkooda iyo wanaagoodu hadday isku noqonayaan iyo hadday kala tagayaan waa talo iyaga u taalla,” ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti oo ka jawaabay su’aal la xidhiidhay doorashada madxatooyada ee 26 June ka dhacaysa Somaliland iyo in arrintaasi dariiq u jeexayso madaxbannaanideeda, waxa uu sheegay in doorashadani aanay ahayn tii u horreysay ee Somaliland ka dhacda, sidaa darteedna aan la odhan Karin dariiq bay u jeexayaan madaxbannaanidooda, isaga oo xusay qaabka Somaliland aqoonsi uga heli karto duinda ay ku xidhan tahay wadahadal dhex mara Soomaaliya inteeda kale.

Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo arrimahaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Doorasho markii Somaliland ugu horreysa maaha, hadday madaxbannaanidooda u jeexayso horeba doorashooyin way ugu dhici jireen, madaxbannaanidooda iminka taladooda way u madaxbannaan yihiin, dawladooda way maamuleen. Baarlamaankoodu wuu jiraa oo taas hadal kama joogo ee waxa meesha ka maqani ictiraaf dawladli ah, taasina waxa weeye asluubtii la yaqaanay tahay in dadkii kolka horey isku biiray inay wadahadlaan oo ay kala baxaan.”

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa mar uu ka hadlayay kooxaha Islaamiyiinta, waxa uu sheegay in haddii ay doonayaan inay dalka u taliyaan, in taas ay wada hadal ku gaadhi karaan, “Muddo labaatan sanno ah Soomaaliya waa la kala adkaan waayey, sidaa darteed haddii aanay dooneyn wada hadal waxay tahay in kooxahaasi islaamiyiinta ah laga qabto ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yidhi madaxweynaha Jabuuti.


Togdhnews.. NewsDesk
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”