F.C Internazionale Milano's first trophy since 1965

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

F.C Internazionale Milano's first trophy since 1965

Post by Siciid85 »

F.C Internazionale the legends win their first champions league trophy since 1965 mourinho indeed bought another victory for the italian giants.


– Tababare Jose Mourinho ayaa magaciisa ku xardhay buuga taariikhda Yurub kadib Markii naadigiisu caawa ku guulaystay Koobka qaramada qaarada Yurub, oo ay ka qaaday kooxda Bayern Munich magalada Bernabeu.


Inter Milan Oo 2-0 kaga adkaatay kooxda Bayern Munich ayaa waxa labada gool u saxeexay ciyaartoyga Diego Milito daqiiqadihii 34-aad iyo 70-aad.

Ciyaarta dhexmartay Labada Kooxood ee Inter Milan iyo Bayern Munich ayaa ahayd ciyaar aad u xiiso badani, oo koox waliba soo badhigtay ciyaar wanaageeda.

Tababare Jose Mourinho ayaa guusha kadib usii gacan haadiyay taageerayaasha Inter, maxaayeelay waxa lagu wadaa inuu sanadka u wareego naadiga ugu wayn aduunka ee Real Madrid.

Dhanka kale, Jose Mourinho waxa uu kasoo adkaaday oo tumay kooxihii Ingiriiska, Spanishkii iyo Germalkii oo uu caawa u quus gooyay. Dad badani caawa waxay leeyihiin, waa wakhtigii tababare Jose Mourinho .




Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”