Qaar ka mid ah Wariyeyaasha Warbaahinta Q.O oo ka hawl gala inta badan gobolada Ogaadeenya ayaa meelo kala duwan kula kulmay shacab ka kooban Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahayno, Dhalinyaro & qaybaha kale ee bulshada waxayna waydiiyeen su'aalo la xidhiidha dagaalkii Buuhoodle & sida ay shacabka Ogaadeenya u arkaan dagaalkaas, dadka ay Wariyeyaasha Warbaahinta Q.O la kulmeen oo dareen cadho leh uu ka muuqday ayaa dhamaantood isku raacay in uu dagaalkaasi yahay mid gardaro ah sidoo kalena ay ciidamada Itoobioya ku qarinayaan jabka & halaaga ay kala kulmaan gudaha Ogaadeenya.
Oday ka mid ah shacabka dareenkooda u soo gudbiyay Warbaahinta Q.O ayaa yidhi "Itoobiya waa Islaantii Xaabada qaadi weyday ee tidhi in kale iigu kordhiya" odhaah murtiyeedkaas wuxuu Odaygu ku macneeyay ama uga jeeday Itoobiya in ay ku guul daraysatay gudaha Ogaadeenya ayna la il darantahay jabka ka soo gaadhay Halganka gobanimo doonka ah ee ay kula jiraan shacabka Ogaadeenya oo ay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) hor muud u tahay.
Sida ay soo tabinayaan Wariyeyaasha Warbaahinta Q.O shacabka waxay aad uga xumaadeen weerarka gardarada & nafla caarinimada ah ee ay Itoobiya ku qaaday shacabka Buuhoodle oo iyagu aaminsan midnimada umadda Soomaaliyeed kana soo hor jeeda in Soomaali laka qaybiyo, dhincaa kale shacabka Ogaadeenya ayaa aad u bogaadiyay sida geesinimada ah ee ay reer Buuhoodle isaga difaaceen Askarta gumaysiga Itoobiya ee hororka ah kuwaas oo cashiro joogto ah loogu dhigo gudaha dhulka Ogaadeenya oo maalmihii ugu dambeeyay ay dagaalo aad u culculus iskaga hor yimaadeen Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeeny oo quus galiyay damaca gumaysiga Itoobiya ee ku salaysan dulmiga & dhulbalaadhsiga .
Sikastaba ha ahaatee shacabka Ogaadeenya waxay reer Buuhoodle ku dhiiri galiyeen in aysan ka tanaasulin mabda'ooda Soomaalinimada ku salaysan sidoo kale waxay tacsi u direen Ehealdii, Asaxaabtii & Qaraabadii ay ka bexeen Alle ha u naxariistee Mujaahidiintii dagaalkii shalayto ku Shihiiday iyagoo difaacayay Dadkooda, Dalkooda & Diintooda waxayna shacabka Ogaadeenya rajayanyaan in uu Allaah samir & badal khayr qaba siiyo.




